Guddida Wanaag-farista Oo Booliska Ku Bogaadiyay La Dagaalanka Mukhaadaraadka

0
838

Hargeysa (Geeska)-Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa ka digtay mukhaadaraadka,  waxayna Ciidanka Booliska ay ku bogaadiyeen siday uga war hayaan isla markaana gacanta ugu soo dhigaan mukhaadaraadka iyo maandooriyaha halista ah.

Guddoomiyaha guud ee Guddida Wanaag Farista iyo xumaan reebista Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey , Gadiidlayda, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Haddii aanu nahay Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista, mar walba waxaanu ku talinaa wanaaga iyo islaaxa, waxaanu umadda ku boorinaa inay iska ilaaliyaan kana dheeradan wax kasta oo lid ku ah dhaqankeena diinta islaamka, waxaana farnaa inay wanaaga khayrka iyo dhaqanka wanaagsan ee diinteena raacaan, waxaana aad iyo aad u bogaadinayaa Dawladda, gaar ahaan Ciidanka Booliska, oo marar badan gacanta ku soo dhigay maandooriyayaal khatar ah, sida xashiishada iyo khamriga, waxaana ku boorinayaa inay halkaas ka sii wadaan dadaalka, iyo ka war haynta ay ka war hayaan wax kasta oo sharci daro dalka lagu soo galinayo oo diin ahaana dambi ah sida khamriga iyo xashiishadai iyo wixii la midka ahba”.

Mar uu ka hadlaayey Dhalinyarada ayaa yidhi “Rasuulkeena Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate, wuxuu yidhi qofkii qoom shabahaa iyagu la mid yahay, inaguna waxaynu nahay dad Muslim ah, haddii aynu cid dhaqan iyo wax kasta kaga dayanayno waxa wanaagsan inaynu kaga dayano Nabigeena, waxaana guud ahaan Dhalinyarada Hablo iyo Wiilalba ku boorinayaa in aanay ka tagin dhaqankooda, oo aan lagu dagin dhaqanada shisheeye, waxaan ku boorinayaa Wiilasha inay si fiican oo diintu ogoshahay u xiirtaan, isla markaana dhar asturan ay xidhaan, isla Hablahana waxaan kula talinayaa inay iyana ay xidhaan dhar asturan, oo jidhkooda asturay, waxaana guud ahaan Waalidiinta iyana ugu baaaqayaaa inay mar walba ka war hayaan xaalada ubadkooda, kuna tarbiyadeeyaan tarbiyada suuban ee diinteena”.

Mar uu ka hadlaayey Gadiidka ayaa yidhi “Gadiidlayda iyo cid kasta oo Gawaadhi wadata, waxaan kula talinayaa inay masuuliyad isa saaran, oo aad uga taxadiraan shilalka, inkastoo ALLE wuxuu qoray aan ciddina baajin karin,, haddana taxadirta waa loo baahan yahay, mana ah in gawaadhida xawaare aan loogu talagalin lagu wado”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here