“Xukuumadda Qastigeedu Waa Sidii Aanay Dalkan Doorasho Uga Dhici Lahayn”

0
716

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu aanay rabin in Doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu tilmaamay inay doonayso wax kasta ay dib ugu dhigi kartana  inay sameeyso.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumadda qastigeedu waa sidii aanay dalkan doorasho uga dhici lahayn, anaguna aanu u sii joogi lahayn Gole aanan dhaxal u helin, oo umadda u dhexeeya, maxaa yeelay waxaa taas caddayn u ah dhawr qodob oo kala ah Komishanka oo Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo ah Xisbi balaadhan, oo diiday inuu dhex ahaado, isla markaana ku baaqay in la kala diro, Xukuumaddu ma rabto in la kala diro, oo Komishan kale la soo doorto, qodobka labaad waa wakhtigii Doorashada loo asteeyey oo aan Doorasho lagu qabban karin, maxaa yeelay Komishankan hadda jooga ee la isku hayo wakhtigiisu wuxuu kaga eeg yahay laba todobaad ka hor, wakhtiga loo asteeyey qabsoomida Doorashada, markaas Komishan wakhtigii ka dhacay Doorasho ma qaban karo, waa qodobka saddexaad ee haddii xitta Komishan kale la doorto wakhtigaas kuma qaban karo Doorasho, sababtoo ah Komishanka cusubi wakhti uu wax ku qabsado ayuu u baahan yahay, waa qodobka afaraad ee mar haddi uu Golihii u batay Xisbigii taladda dalka hayey Xukuumadduna Kulmiye tahay ma rabto inay si yar oo fudud uu Golahani ku tago, Doorashana la qabto, dhammaan 82 Xildhibaan ee Golahayagu iskuma dhajinayno kuraasta, dhaxalna kumaanu helin, ee Xukuumadda ayaan rabin in aanu ka tagno, oo ay Doorasho dhacdo, waxaana ahayd in wax kasta oo qabsoomida Doorashada dib u dhigaya in mar horeba la sii qabto, laakiin daacad baan laga hayn.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here