Guddida Wanaag Farista Oo Beeniyay Warar La Baahiyey

45
2943

Hargeysa (Geeska)-Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war laga baahiyey, waxayna sheegeen in Guddi ahaan mar walba dadka wanaaga, khayrka iyo nasteexa ugu yeedhaan, kana digaan xumaanta iyo wax kasta oo khatar ku ah diinta, dhaqanka iyo nabadgalyada.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala,oo isagu ugu horeyn arintan ka hadlaya ayaa yidhi “In la baahiyo war been abuur ah oo aan la hubsan, waa dambi iyo khalad weyn, Diintuna ma ogola, waxaana caddaynayaa in aanu jirin kacdoon wadaad, waana  waxba kama jiraan warka beenta ah ee laga fidiyey culimada iyo Guddida Wanaag Farista, ee lagu faahiyey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga, diinteena islaamkuna raali kama ah in qofka sharaftiisa iyo karaamadiisa meel lagaga dhaco, lagana been sheego, Culimaduna waxay sidaan dhaxalkii Nabigeena suuban, ee yaan been laga sheegin,anagu Guddi ahaan waxaanu ka digaynaa in aan sideedaba la baahin warar aan jirin, oo aan la hubin, waxaana haboon in wararka la baahinayo ee bulshada loo gudbinayo inay noqdaan warar xaqiiqo ah oo la hubo, oo cidna aan waxba u dhimayn, anagu Guddi ahaan waajibkayga ayaa ah in aanu dadka wanaaga, khayrka iyo samaanta ugu yeedhno, xumaantana aanu uga digno, markaas aynu khayrka ku dadaalno”

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista mar uu ka hadlaayey wacyigelin ay sameeyeen ayaa yidhi  “Haddii aanu nahay Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista  waxaanu ku wacyigelinayaa cid kasta in la ilaaliyo nabadglyada,  waxaanu  farriin wada jir ah u diraynaa  Shacabka reer Somaliland, Musharraxiinta u tartamaya Jagada Madaxweynaha iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland,haddii aanu nahay Guddida Wanaag farista waxaanu ku baaqaynaa in laga dheeraado waxyaabaha ka horimanaya Diinta iyo Dhaqanka Suubban inta lagu gudo jiro ololaha doorashadda, waxaana ILLAAHAY ka baryeynaa inay Doorashadu inoogu dhammaato nabadgalyo”.

Dhinaca kale Masuuliyiinta kale ee Guddida Wanaag Farsita iyo Xumaan reebista ayaa iyana dhankooda waxay ka digeen in la baahiyo warar been abuur ah, oo sal iyo raad toona lahayn, waxayna ku baaqeen in laga feejignaado dhaqan xumada lidka ku ah Diinteena Islaamka iyo dhaqankeena, waxayna soo jeediyeen in nabadgalyada la ilaaliyo oo Doorashada si nabada ah loo galo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here