Bangiga Dhexe Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Qorsha Jaangoynta Qorshihiisa Waxqabad Ee  5-Ta Sanno Ee Soo Socda

59
2985

Hargeysa(Geeska)-Maamulka sare ee madaxda Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland qabteen, ayaa soo bandhigay Jaangoynta Qorshaha iyo nidaamka waxqabadka ee 5-ta Sanno ee soo socda  uu Baanka dhexe ee dawladdu ku shaqayn doono.

Shirkan shalay ay magaaladda Hargeysa  ku qabteen madaxda iyo maamulka Bangiga dhexe ee dawladda Somaliland, kana soo qaybgaleen Guddoomiyaha Baanka dhexe md Maxamed Axmed Dhoobaale, Agaasimaha Baanka dhexe md  Cabdilaahi Xasan Aadan, wasiiru dawlaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Muuse Abees, madax ka kala socotay Shirkadda Xawaaladdaha , Bangiyadda ganacsiga ee  gaarka loo leeyahay, Guddida Sariflayaasha iyo madax kale, ayaa ka soo qaybgalay hadalo kala duwan ka jeediyey madashaasi lagu soo bandhigay qorshaha 5-ta sanno ee soo socota lagu maamuli doono Siyaasadda Baanka dhexe ee dawladda Somaliland.

Agaasimaha Baanka dhexe md  Cabdilaahi Xasan Aadan oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey Barnaamijka 5 sanno ee soo socota  siyaasadda Bangiga dhexe ee dawladda ay u qorsheeyeen in lagu hagi doono waxa uu yidhi “Waxaanu maanta halkan ku soo bandhigaynaa siyaasadda Bangiga dhexe ee dawladda lagu maamuli doono ee Qorshaha jaangoynta 2018-ka ilaa 2022-ka, cida aanu marka dooneyno inay wax ka ogaato, waa hay’addaha aanu xidhiidhka leenahay ee aanu anagu Liisanka siinay isla markaana aanu kormeerka ku sameyno, bangiga dhexe ee dawladdu waxa uu ilaa 3-dii bilood ee ugu dambeeyey ku mashquulsanaa jaangoynta Mashruucan (Strategic Blan)  ka, waxa kale oo aanu ku mashquulsaneyn dib u habeynta iyo dib u eegista xeerka shaqaalaha Bangiga oo la waafajiyey xeerka Baanka dhexe oo dib loo habeeyey, saddex in uu Baanku ka guuro habkiisii hore ee uu ku shaqayn jiray oo uu u guuro habka Casriga ee  (IT)-ga”
Mid ka mida Saraakiisha iyagu diyaariyey Barnaamijka qorshaha 5-ta sanno ee soo socota siyaasadda uu Baanka dhexe ee dawladda Somaliland ku shaqayn doono oo halka macluumaad dheeri ah ka bixiyey waxa uu yidhi “Intii aanu wadnay habeynta qorshaha shanta sanno ee soo socda uu Bangiga dhexe ee dawladdu ku shaqayn doono, horta koox ahaan wada jir ayaanu arintan uga shaqaynaynay, waayo wax hore u dhacay maaha, marka baanka Somaliland shaqaalihiisu, waa dad khibrad leh , cilmi leh , waana dad aan maanta runtii odhan karo mustaqbalka Baanka dhexe ee dawladda kor ayey u qaadi karaan”

Sarkaal kale oo ka mida khabiiradii ka soo shaqeeyey Jaangoynta Barnaamijka qorshaha 5-ta sanno ee soo socda Bangiga dhexe ee Somaliland lagu maamuli doono waxa uu yidhi “Nidaamkan cusub waxa lagaga guuri doona laamaha kala duwan ee Bangiyadda hoos yimaada Baanka dhexe ee dawladda oo ku shaqayn jiray Teebka gacanta lagu garaaco iyo agab kale oo hada laga guuray, marka runtii labadii sanno ee ugu dambeeyey waxaan odhan karaa Baanka dhexe ee dawladda Somaliland wuxu ku talaabsaday qaab casriga ee (IT)-ga, kaasi oo wax badan fududeeyey shaqadii iyo adeegyadii  uu qaranka u qaban bangigu”

Dhinaca kale Shirkadda kala duwan iyo Bangiyadda guddaha dalka Somaliland ka halwgala oo madashaasi Qorshaha 5-ta sanno ee soo socda lagu maamuli doono baanka dhexe lagu casuumay oo halkaasi ka hadlay waxa hadalkoodii ka mid ahaa” Horta mar kasta oo Baanka dawladda ee dhexe uu awood yeesho waa marka uu bangiyadda ganacsiga ee gaarka loo leeyahay kor u soo kacaan oo horumar ku talaabsadaan, runtiina waxaanu ku qasbanahay in aanu la shaqayno bangiga dhexe ee dawladda Somaliland, waayo dantayadda ayaa ku jirta la shaqaynta baanka dhexe ee dawladda”

Wasiiru dawlaha

Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Muuse Abees oo isaguna halka ka hadlay waxa uu si weyn u soo dhaweeyey dedaalka masuuliyiinta Bandhiga dhexe oo isku hawlay sidii ay u uu horumar qaab casriya ku dhisan kor ugu qaadilahaayeen nidaamka uu ku shaqeeyo baanka dhexe ee dawladda Somaliland.

Guddoomiyaha Baanka dhexe md Maxamed Axmed Dhoobaale oo ugu dambeyntii isaguna hadal ka jeediyey shirkaasi waxa uu yidhi “Maadaama oo aanu hayno bangigii ganacsiga Somaliland hawshiisii, shaqadiisii aanu haynay ee xaga Shilinka ah ee in uu ku shaqeeyo waata nagu soo kordhisay in aanu lacagta shilinka ee Mobile-da lagu isticimaalo sameyno si aanu u la jaanqaadno EDAHAB iyo ZAAD Services, taasi ayaa waxay keentay in aanu sii wadno wixii talaabo ee loo baahan yahay ilaa iyo inta ay bangiyadda gaarka loo leeyahay ee ganacsigu na gala wareegayaan bangiga ganacsiga ee Somaliland . taasaana lagu horumarayaa runtii, bangiyadda gaarka loo leeyahayna aad ayaanu u soo dhaweynaynaa runtii , waayo shaqo laxaad leh ayey hayaan oo shaqo aad iyo aad ayey qaranka u qabtaan anaguna wixii ay sharciyad iyo la shaqayn nooga baahan yihiin waanu u diyaarinay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here