Gud. Xig 2aad Ee Wakiillada Oo Madax Dhaqameedka Uga Digay Inay Faraha La Galaan Wada Hallada

0
593

Picture2Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay wararka soo baxaya ee sheegay in Madax dhaqameedada Somaliland iyo Somaliya ay ka wada hadli doonaan qadiyada labada dhinaca, isla markaana la sheegay inuu Turkigu daba ka riixay, waxaanu tilmaamay in aanay Madax dhaqameedku xaq u lahayn inuu ka hadlo qadiyada iyo jiritaanka Somaliland isla markaana loo igmaday oo qudha Xukuumadda, waxaanu Madax dhaqameedka Somaliland ugu baaqay inay hawlahooda ku eekadaan, farahana kala baxaan arimaha wada hadalada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee Somaliya ku sugan, oo uu sheegay inay ku fashilmeen inay dalka wax ku noqdeen, sidaa awgeed ay u caraareen Somaliya, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya  "Somaliland qaraar ayey ka gaadhay in aanay ka qayb galin Shirarka Somaliya, hasa ahaatee, haddana  Barlamaanku waxa uu ogalaaday in haddii shir lala yeelanayo Somaliya ay Xukuumaddu ugu wakiil noqoto, maalmahan waxa soo baxaya hogaamiyo dhaqameedyo leh Soomaaliya ayaanu la shiraynaa, taasina wax meesha ku jiira maaha, xeerna weynu ka dhigannay, waana sharci darro, waxa aan leeyahay hogaamiye dhaqameedadaas arintaas dib ha uga noqdaan, waayo hogaamiye dhaqameedadu waxa ay masuul ka yihiin beelahooda iyo beel kale oo ay jaar yihiin oo ay wax dhex maraan sidii loo nabadayn lahaa, balse arimaha siyaasada Dawlad iyo Xukuumad ayaa u qaabilsan"

Cali Yuusuf Axmed mar uu ka hadlaayey arimahan Madax dhaqameedka iyo halka laga wado ayaa uu yidhi "Arimahan Muqdisho ayaa laga wadaa, wararka qaarkood waxa ay leeyihiin in halkan lacag loo soo diray, oo lagu kasbanayo Rag la leeyahay tushuush galiya Somaliland, waxa kale oo aynu la soconnaa inay imika wadaan sida 2016-ka ay Doorasho u qaban lahaayeen, heshiiskoodii hore waxa uu ahaa inay qabtaan Doorasho ah (one man one vote), hal qof iyo hal cod, markii ay ku fashilmeen ayey haddana la yimaaddeen sheekooyin ah Madax dhaqameed iyo Beelalha dib ha loo shiriyo"

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasyiin reer Somaliland ah oo Somaliya ku sugan oo xilal ka haya waxa uu yidhi  "Waxa wax lagu qoslo oo lala yaabo ah oo aan Telefeeshinka ka arkaayey dad halkan ku fashilmay oo halkaas u shaqo tagay haddii aan carabaabo waxa ka mid ah, Maxamed Cumar Carte iyo Foosiya Xaaji Aadan labaduba halkan waxa ay ku lahaayeen laba urur siyaasadeed, kolkii la furay ururada siyaasada, weyna  ku fashilmeen. Waxaa laga yaabaa dadku inay ogaayeen waxa calooshooda ku jira, oo dad waa ay waayeen, ururadu siyaasaduna waxa ay Xisbi ku noqonayaan marka ay dad fara badan helaan, marka ay ku fashilmeen labaduba Xamar ayey tageen, oo dad shaqo tagay ayey ahaayeen, Foosiyena Raysal-wasaare ku xigeen ayey qaadatay oo waa tii laga qaaday, imika ina Cumar Carte ayaa halkaas qaatay isagana waa lagu meel gaadhayaa, labadooba Aabayaashood Taariikh wanaagsan ayaa ay Somaliland ku lahaayeen, oo dadkii dalka gobonnimo doonka u soo halgamay barigii Ingiriiska laga xoreeynayey ayey ahaayeen, intii Somaliya la isku ahaana dad wanaagsan oo sharaf leh ayey ahaayeen, khad inay mariyaan taariikhdii aabayashood aad iyo aad ayaanu uga xunahay, Hargeysana Xamar loogama taliyo, dadka halkaas joogana waa dad isa soo qaadi kari waayey oo ka soo bixi kari waayey iyo kuwa hunguri ku tagay, sida Wasiirka Warfaafinta, isaguna halkan ayuu joogay, markii uu hawshiisa ka soo bixi waayey ayuu halkaas u cararay, dadkaas ayey imika wax weyn ka dhigayaan, oo wax bay inagala talinayaan ay leeyihiin.

Hogaamiye dhaqameedyada waxaas wada inay nimaankaas si ayey iskugu xidhan yihiin, hunguri baana labadaba ku jira, waxaan leeyahay arintaas ha ka taxadiraan, waxa aan leeyahay Somaliland waa dal iyo dawlad madax banaan, dawladduna waxa ay arimahaas Somaliya u xilsaartay Xukuumadda jirta, markaas wada hadallo fara badan ayaa jira haddii ay socdaan iyo haddii ay socon waayaanba Xukuumadda ayaa wakiil uga ah, Barlamaanku sidaas ayuu ugu ogolaaday fasaxna ugu siiyey, awoodna ku siiyey, shir kale oo dhacayaana ma jiro, shir ay Shacabku aqbalayaana ma jiro, markaas ha ka waantoobaan".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada waxa uu yidhi "Bulshada waxa aan ugu baaqay inay wada hadaladaas been beenta ah ka soo horjeedsadaan, oo aanay maqlin sheekadaas, Somaliland 25-sanno ayey madax banaan tahay, madax banaanideedana wey ku faa'iiday meel ayey ku gaadhay, Ingiriiskana saddex degmo ayaa ictiraafay, inta aan ina ictiraafina sharaf weyn ayey inoo hayaan,

(La Soco cadadka dambe

 ALLE yidhaah ee ha la isku duubnaado"