Goorma Ayaa Uu Aadamuhu Bilaabay In Uu Digaagga Ka Dhigto Cunto Ula Siman Hilibka Kale Ee Uu Quuto

56
3937

New York (Geeska)- In kasta oo imika ka mid yahay cuntooyinka ugu badan ee aadamuhu quuto, lagana helo curiyeyaasha cunto ee ugu muhiimsan ee hodanka ku ah barootiinta xayawaanka laga helo, dunida oo dhamina si isku mid ah u quudato, haddana waxaa taariikhdu xaqiijinaysaa in casriyadii hore aadanihii noolaa aan quud ka dayi jirin, balse muddo hadda laga joogo 2200 oo sano oo keliya cunistiisa la bilaabay.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo dhowaan lagu baahiyey wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa lagu sheegay in muddo hadda laga joojo 7 illaa 10 kun oo sano ka hor uu aadamuhu bilaabay dhaqashada digaagga, laakiin sida uu sheegayo Dr. Gregor Larson oo Bare-sare ka ah jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriisku xilliyadaa hore digaagga waxa uu aadamuhu u isticmaalu jiray munaasabado u gaar ah oo dhinaca dhaqanka ama diimaha la xidhiidha, iyo mararka qaar oo ay ahaan jireen xayawaan loo haysto tartannada oo inta loo qabto munaasabado la isku diro digaag kala duwan, gaar ahaan diigga ciddii diiggoodu badisaana abaal marino ku heli jirtay.

Digaagga oo hadda lagu qiyaaso in 20 Bilyan oo xabbo ay dunida ku nool yihiin ayaa ay xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey si gaar ah u baadheen is-dhex-galka macaamil ee digaagga iyo aadamaha ee intii taariikhdu soo jirtay, xidhiidhka ka dhexeeya digaagga iyo diimaha qaarkood, gaar ahaan beedka digaagga iyo ciidda loo yaqaanno Easter ka oo ay ciidda ugu weyn ee ay xusaan Kiristaanku.

Arrinta kale ee xiisaha leh ee ay khubaradani ku ogaadeen baadhistan ay ku eegayeen xidhiidhka taariikheed ee aadamaha iyo digaagga ayaa ah in ay casriyadii hore jiri jirtay deegaanno uu ka mid yahay tuule ku yaalla dalka Austria oo intii u dhexeysay qarnigii Lixaad iyo kii siddeedaad caan ku ahaa dhaqanka ah in raggu marka ay dhintaan ee la xabaalayo diigag lala aaso, dumarkana digaagadaha.

Waxa kale oo iyadana lagu ogaaday daraasaddan in markii la eegay lafaha aadamaha iyo digaagga la ogaaday in ay isaga mid yihiin ama wadaagaan bay’ada iyo nidaamka cunto labadaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here