Golaha Wakiilada Oo Markii 6aad Loo Kordhinayo

0
613

 

Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida ayaa ka hadlay guddi uu goluhu u saaray codsi uga yimid dhanka madaxweynaha kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada. Waa markii lixaad ee muddo kordhin loo samaynayo golahan.

Guddidan ayaa la shaqada ay qabanayaan tahay in ay kasoo talo bixiyaan muddada loo kordhinayo inta laga dhigi doono sida uu BBC u sheegay xoghayaha golaha guurtida.

Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada isaga oo raacayo warbixin ay usoo gudbiyeen guddiga doorashooyinka. “Dalabku uu madaxweynaha nasoo gaadhsiiyay, waa qoraal nooga yimid madaxweynaha kaas oo uu ku lifaaqan yahay talo soo jedintii Koomishanka doorashooyinka qaranka kaas oo sheegaya in doorashadii golaha wakiilada aaney ku qabsoomeyn muddadii loogu talagalay….golaha wakiilada ha guto waajibaadkiisa dastuuriga ah oo ah muddo kordhin” ayuu yidhi Cabdinaasir.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here