Boqor Buurmadoow Oo Nidar Ku Maray Inaanu Is Casilayn Cabdirashiid Riyo-raac

0
1039

 

Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa si rasmi ah u sheegay in aanay aqbalayn in Cabdirashiid Rayo-raac wax gorgortan ah laga galo xubinta komishanka ee loo ansaxiyay, waxaanu ku dhaliilay gudoomiyayaasha mucaaradka inay beelahooda soo xuleen isla markaana ninkan muranku ka taagan yahay ay ku diidan yihiin beeshiisa.

Boqor Buur Madow oo la hadlayay Bulsho Tv ayaa si adag uga hadlay dibadbaxyada xisbiga Waddani ee lagu diidan yahay komishanka cusub, waxaanu isaga oo arimahan ka hadayay uu yidhi “ Run ahaantii arintan uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kaga dhawaaqay mudaharaadka waa ay muuqataa sidii  wakhtigii mucaaraka loo heelanaa ee  la raaci jiray hadalada uu keeno waa ay ka duwan tahay, arinta ay ka hadlayaan sababta aan loogu dhago nuglaan ayay ku fiicnayd inay xisbiyada mucaaradka ah ay fahmaan, waxaan aad iyo aad ula yaabay labada guddoomiye ee labada xisbi ee mucaaradka ah  sida ay hadalka u dhigaan weeyaane, qaabkii ay u wajaheen soo xulistii komishanku waxa uu ahaa qaab ay umadda reer Somaliland oo dhan ka bixisay dareen ay aad iyo aad u dhibsadeen. Magacaabistoodii labada xibsi mucaarad mid waliba waxa uu soo xulay ardaagiisii hoose, Cirrona waxa uu soo xulay reerkiisii hoose  Faysalna wuxuu soo xulay reerkiisii hoose labadii jeer ee ay wax soo xulayeena mid waliba wuxuu soo xulay ardaagiisa, dadku waxa ay filayeen in dimuqraadiyadu ay korto inay ka koraan guddoomiyayaasha xisbiyadu arimaha reeraha  ”

Boqor Buurmawod oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Aniga beeshayda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka soo jeeda  labadii xubnood ee uu soo xulay midna may ahayn reerkiisa hadii laba Habar-jeclo ah uu soo xulo, iyaguna laba Garxajisa  Somaliland maanta waa ay kala dhaqaaqi lahayd laakiin isagoo qarank u tudhaaya waxa uu ka xishooday inuu soo xulo isaga oo aan shacabigu inuu doorta doonayn, Waxa layaab noqotay iyaga oo beelahooda soo xulay ninkii beeshayda laga soo xulay beeshayadana waa la garanayaa miisaankeeda iyo codkeeda wax gorgortan gala maaha, waxaan filaynay inay beeshayada soo xulideeda ay u kala horeeyaan maadaama oo ay beelahoodii haysteen haday hoos ugu noqdeen ardaayadoodii ninkii beeshayada laga soo xulay ee madaxweynuhu k soo xulay inay soo faragaliyaan oo ay yidhadaan mudaharaad ayaanu kaga baaqaynaa  oo ay ka dagaalamaan, arinka inanta Faysal dib ayuu uga joogsaday waxaanu labada gacmood isugu geeyay inuu ka dagaalamo Riyo Raac  Cirrana waxa uu labada gacmood isugu geeyay inuu ka dagaalamo Riyo Raac, anaga beel ahaan Habar-jeclo qabyaalada lama tuso loogama sanqdhiyo, dareenkii xildhibanaada Habar-jeclo ay ku taageeraan way arkayeen ee inay dareen ka qataanbay ahayd.nin reerkiisii u tashada inuu reer kale farogaliyo isagoo siyaasada wax ka doonaya  waa arin foolxumo ah.”

Ugu danbayntii waxa uu Boqor Buurmadow sheegay in aanay suurtagal ahayn in Cabdirashiid Riyo Raac laga noqdo “Madashani waa madal ka kooban beelaha Habar-magaado Somalilandta kalena aanay ku jirin Habar-jeclana aanay ku jirin markaas maanta Faysal inuu yidhaahdo waxa dhex dhexaadin galaaya Madashii iyo xisbigayagii iyo Cirro oo aan u aragno inay tahay in madaxweyne Muuse Biixi  culays lagu saaro Riyo Raac  waa arrin aanay cidina liqi kayn. Riyaraac waa nin Habar-jeclo ah miisaankuu ku soo galayna waa ka reerkiisa beeshiisuna kuma kala qaybsana. Anigu waxaan ku talin lahaa si odaytinimo leh ama macaan ku liqa ama qadhaadh ku liqa ama si xirfadaysan ku qaata ama si cadhaysan u liqa sanka ayaa idiin daloola ninka la yidhaahdo Riyo Raac cid badalaysaana ma jirto.Faysal waxa uu yidhi qarankaa laga talinayaa qaranku haduu ku kabmaayo iyo haduu ku jabaayo iyo haduu isku raacaayo mid ka noqon kartaa ma jirto”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here