Dhalashadii Dalka Koonfurta Sudan Oo Lagu Fooladeeyay Aqoonsi Caalami Ah Iyo Hab Maamuuskii Lagu Qaabilay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Weftigiisii

3
786

 

koonfurta 333Juba: (Geeska)- Waxa shalay si rasmi ah loogu wanqalay qaranimada dalka Koonfurta Sudan oo ah dalka ugu cusub dunida, waxaana damaashaadkiisa ka qayb galay madaxweynayaal iyo madax kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika, Kamaal Axmed Cali, oo ka mid ah weftiga Somaliland ee ka qayb galay munaasibadda ku dhawaaqista qaranimada Koonfurt Sudan, ayaa ka soo diray warbixintan:

“Goor barqo ah ayaa waftiga Somaliland uga qayb galayey xafladda wanqalka jamhuuriyadda 54-aad ee qaaradda Afrika, waxa ay ka baxeen  hudheelka Star ee uu deggen yahay waftiga madaxweynuhu, waftiga oo ka koobnaa masuuliyiin iyo saxafiyiin uu ka mid yahay wargeyska Geeska Afrika, waxa ay gaadheen barxadda weyn ee loogu magac daray halyeygii Koonfurta Sudan ee aasaasay ururkii lahaa sababta xornimada Mr. John Garang oo isagu shil diyaaradeed ku geeriyooday sannadkii 2005 xilligaas oo uu 21 maalmood oo keliya madaxweyne ku xigeen ka ahaa dalka Sudan oo uu dagaal qadhaadh kula jiray muddo 21 sano ah. Waa barxadda loogu magac daray, Dr. john Garang’s Mausoleum (Maqaamka Dr. John Garang).

suudan 1Waa fagaare aad loo qurxiyey, shaarac aad u ballaadhan oo leh laami aad u heer sarraysa, waxaa dhanka jihada galbeed kaga soo jeeda jaran-jarrooyin u dhisan qaabka garoomada kubadda cagta, badhtanka jaran-jarrooyinkan waxaa ku yaalla masrax aad u qurux badan oo ka samaysan sabbad, dhulkana ka sarreeya in ka badan afar mitir waa halka loogu talo galay madaxda martida ah, dhabarka dambe ee jaran jarrooyinkan iyo masraxan waxaa ku yaalla dhismayaal aad mooddo mutullo oo aad loo qurxiyey oo lagu diyaariyey cashada madaxweynayaasha, waa dhul cagaaran oo aad u ballaadhan, waxaana ku dhex yaalla dhisme qabri oo ah maqaamka John Garang, sida uu ii sheegay nin meesha aad u kala yaqaannaana, waxaa ku aasan waslado yaryar oo ka mid ah oo ah inta laga helay, hilbihii Garang ee ku googo’ay shilka diyaaradeed. halka jihada bari ay ku yaallaan biraha ay sudhan yihiin calamada in ka badan konton dal, oo uu ku jiro calanka Somaliland, masraxyo dhaadheer oo loogu talo galay fannaaniinta, saxaafadda iyo qaybo ka mid ah amniga, waxa sidoo kale ku taallay bir aad u qurux badan oo joogeedu ka dheer yahay 10 mitir oo loogu talo galay in la sudho calanka Jamhuuriyadda cusub oo noqonaysaa tii 193-aad ee si rasmi ah uga mid noqota qaramada midoobey. Laakiin marka aad dhinaca birtan eegto waxa aanay indhahaagu gafayn muuqaalka nin xoog weyn, dirays xidhan, gacanta midig ku sita ul uu kor u taagay, gacanta bidixna ku haysta buug, qof kasta oo halacsiga koowaad aan u fiirsan waxa uu u qaadan lahaa nin sarkaal sare ah oo fuulay kaabad weyn dusheed, laakiin waa taallo si kasta loogu eekkaysiiyey ninka ay dadka dalku u arkaan in uu yahay halyeygii xornimadooda, ee wadku ku simi waayey in uu maalintan dabbaal dego, waa Dr.  John Garang, dhererka, baaxadda iyo muuqaba waa qudhiisii oo malaha loogu talo galay in uu caalamkaa ka soo halacsado waxa adduunyadii kaga dambeeyey badhaadhe iyo farxad.

 

Barxadda waxaa ku rakiban codbaahiyayaal ku siganaya in magaalada Jubba oo dhan codka ay gaadhsiiyaan, waxaana ka baxaya heeso wadaniya oo isugu jira luuqadaha, carabi, Ingiriisi iyo luuqado kale oo maxalliya.

Soo dhoweyntii madaxweyne Siilaanyo:

koonfurta 2Waftiga madaxweynaha waxaa si gaar ah loogu xil saaray koox ka tirsan baratakoolka qaranka, waxaana la siiyey gaadiid uu ku jiro mid si gaar ah loogu qoondeeyey madaxweynaha, laba baabuur oo ay saaran yihiin masuuliyiinta amnigiisa sugaysa.

 

Markii aanu gaadhnay miidaankii munaasabaddu ka dhacaysay, madaxweynaha, marwada koowaad iyo masuuliyiinta kale waxaa kaxeeyey kooxihii soo dhoweynta oo fadhiisiyey goobtii loo qoondeeyey, oo dabcan ka mid ahayd fadhiga loogu talogalay madaxweynayaasha. Saxafiyiintiina waxa ay u kala yaaceen jihooyinkii ay filayeen in ay warar ka heli doonaan, waxaa iyaduna xusid mudan in markii masuulkii xidhiidhinayey xafladdu uu tirinayey madaxda xafladda ka soo qayb gashay uu sheegay in uu ka mid yahay.

Hab dhicii xafladda:

– Illaa ay saacadda magaalada Jubba oo la mid ah tan caasimadda Hargeysa ay ku dhowaanaysay 1-dii duhurnimo waxaa socday waftiyada caalamiga ah ee ka qayb galayey munaasabaddan, oo isugu jiray, hoggaamiyeyaal dawladeed, xoghayaha guud ee qaramada midoobey, madaxweynaha xilligan ee jimciyadda guud ee qaramada midoobey. Waxaa sidoo goobta yimi ciidamada kala duwan ee jabhaddii SPLA oo haatan isu diyaarinayey in ay noqdaan ciidamada qalabka sida ee dalkan cusub.

Waxaa isna goobta yimi madaxweyne ku xigeenkii jamhuuriyadda Sudan, ahaana madaxweynaha maamul goboleedka koonfurta Sudan Mr. Salva Kiir Mayardit iyo marwadiisa Mary Ayen Mayardit. Waxaa isna goor dambe yimi madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir oo si weyn loogu sacabbo tumay, laguna soo dhoweeyey heesta qaranka ee dalka Sudan. Waxa shaaraca gaardis aad u habaysan ku maray, qaybo kala duwan oo ka mid ah ciidamada, oo loo tumayey heesta qaranka dalka Sudan, maadaama oo weli aan markaas lakala go’in, waxaa shucuurt dadkii goobta joogay aad u beddelay markii fagaaraha ay soo mareen, ciidamo aad u tiro badan oo dhammaantood naafo ah, waa askartii ka tirsanaan jirtay jabhaddii SPLA oo iyagu xubno kala duwan oo jidhkooda ka mid ah ku waayey dagaalka qadhaadh ee ay muddada ka badan nus qarniga ugu jireen in ay maanta oo kale gaadhaan.

suudan 3

Bilowgii xafladda:

Markii si rasmi ah uu xafladdan shalay u furay madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka koonfurta Sudan, waxaa loo yeedhay wadaad masiixi ah oo la sheegay in uu ku ducaynayo dawladda cusub, kadib waxaa loo yeedhay, Sheekh Muslim ah oo isna goobta ka akhriyey aayadaha Qur’aanka kariimka ah iyo ducooyin uu ugu wanqalayo jamhuuriyadda 8 aad ee ku soo biirtay ururka IGAD

Waa astaan lagu muujinayey in dalkani yahay dal laga aaminsan yahay diimo kala duwan.

– golaha sharci dejinta (Baarlamanka) ee maamul goboleedka Koonfurta Sudan ayaa fagaaraha xafladdu ka dhacaysay ku qabsaday kulan baarlamaan oo furan, waaxa lagu go’aaminayey masiirka dalka, waxa kale oo lagu ansixinayey natiijadii ka soo baxday aftidii dadka lagu weydiinayey goosashada ee HAA ku dhammaatay.

Kulan daqiiqado ah kadib waxa natiijadii kulankan ku dhawaaqay guddoomiyihii golaha sharci dejinta maamul goboleedka Koonfurta Sudan Md. James Wani Igga. Salaan iyo hal-ku-dhegyo qiiro iyo xamaasadi ka muuqato kadib, isaga oo ku hadlaya luuqadda Ingiriisida ayuu markii ay saacaddu ahayd 1:25 gelinka dambe ku dhawaaqay qodobbadii kulankoodan ka soo baxay oo ay ugu muhiimsanaayeen,

1. “Golaha sharci dejinta ee maamul goboleedka Koonfurta Sudan, waxa uu ansixiyey kuna dhawaaqayaa in Koonfurta Sudan ay noqoto jamhuuriyad ka madax bannaan inta hadhay dalka Sudan. Magaca dalkanina waxa uu noqon doonaa Jamhuuriyadda Koonfurta Sudan”

2. Goluhu waxa uu ansixiyey calanka jamhuuriyadda cusub, astaanta iyo heesta qaranka, waxa uu go’aan ku gaadhay in masuuliyiintii maamul goboleedka Koonfurta Sudan ay si ku meel gaadh ah muddo 4 sano ah oo ka horreysa doorashooyinka koowaad ay ahaan doonaan masuuliyiinta heer qaran ee dalkan cusub.

3. Koonfurta Sudan, waxa uu noqon doonaa dal diino badan laga aaminsan yahay, dhaqanno iyo qawmiyado kala duwan, isla markaana luuqado kala duwan lagaga hadlo, nidaamka dalkuna waa Calmaani (Diinta iyo dawladdu waa ay kala saaran yihiin)

Ugu dambayntii, Mr. Igga haatan sharcigan cusub ku noqday afhayeenka Baarlamanka Koonfurta Sudan, waxa uu u diray bulshada caalamka iyo madaxdii goobta fadhida codsi ah in ay aqoonsadaan dalkoodan.

Markii ay saacadda Afrikada bari soo gaadhay 1:25 gelin dambe ayaa iyada oo la fulinayo go’aanka baarlamanku ansixiyey ee goosashada waxaa la dejiyey calankii jamhuuriyadda Sudan, birtii dheerayd eel oogu talo galay ayaana la saaray calan aad u weyn oo ah ka jamhuuriyadda K/Sudan, waxaa istaagay dhammaan martida, waxaana la garaacay heesta qaranka ee cusub, iyada oo ay qaylo iyo sawaxan isku dareen muwaadiniintii goobta joogtay.

Kadib waxaa soo kacay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Sudan, Janaraal Salva Kiir oo qalinka ku duugay dastuurka cusub ee uu baarlamanku u ansixiyey jamhuuriyadda cusub, oo ah kan uu xilka ku qaban doono laguna dhaarinayo.

2:30 gelinkii dambe ee jimcihii shalay ayuu garsoorihii hore ee maamul goboleedka koonfurta Sudan oo haatan noqday guddoomiyaha maxkamadda sare, waxa uu si rasmi ah xilka ugu dhaariyey madaxweyne Salva Kiir oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka, hoggaamin doona Afarta sano ee soo socda.

Koonfurta Sudan, dal nasiib u helay in dhalashadiisa lagu fooladeeyo aqoonsi caalami ah oo aad u heer sarreeya:

Dhaarinta madaxweynaha kadib waxaa hadlay, qaar ka mid ah madaxdii xafladda timi, oo dhammaantood isla goobtan kaga dhawaaqay aqoonsiga K/Sudan.

– Itoobiya: Raysalwasaraha dalka Itoobiya ayaa hadal aad u kooban oo uu xafladda bilowgiiba ka jeediyey waxa uu si rasmiya ugu dhawaaqay in dawladdiisu ay aqoonsatay jamhuuriyadda Koonfurta Sudan, lana shaqaynayso iyo weliba in Koonfurta Sudan si rasmi ah uga mid noqotay ururka IGAD oo uu isagu xilligan ka yahay guddoomiye.

– Midowga Afrika: Guddoomiyaha xilligan ee ururka Midowga Afrika ahna, madaxweynaha dalka Equatorial Guinea oo isla madashan kaga dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmiya u aqoonsaday K/Sudan, isla markaana uu dalkani si rasmiya uga mid noqon doonoa ururka midowga Afrika.

– Waxaa iyaguna goobtan aqoonsi buuxa kaga dhawaaqay, madaxweynaha xilligan ee golaha guud ee Qaramada midoobey, oo caddeeyey in dalka Koonfurta Sudan kursi rasmiya laga siiyey qaramada midoobey, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Mr. Ban Ki Moon oo isna sheegay in Koonfurta Sudan noqotay dalkii 193 ee qaramada midoobey, ururka midowga Yurub oo ay u hadashay wasiirka arrimaha dibadda, Ergey ka socday ururka Jaamacadda carabta, madaxweynaha dalka sudan oo khudbad aad u qiimo badan goobta ka jeediyey, ergey ka socday dalka China oo sheegay in dalkiisu aqoonsaday dalkan cusub, dalka Maraykanka oo ay u hadashay haweenayda Maraykanka u fadhida golaha ammaanka ee qaramada midoobey, Susana Rice, iyo dalka Ingiriiska oo uu xoghaya arrimaha dibadda ee UK Mr. William Hague goobtan kaga dhawaaqay in uu dalkiisu yahay dalkii ugu horreeyey ee safiir rasmiya u soo magacaaba Koonfurta Sudan, iyo boqorka Norway oo isna goobta kaga dhawaaqay aqoonsiga dalka K/Sudan.

Ugu dambayntii waxaa xafladdan soo xidhay madaxweynaha cusub ee Koonfurta Sudan Mr. Salva Kiir, waxaana lagu khatimay 21 madfac oo ah damaashaad, iyo qado sharaf loo sameeyey madaxda martida ah.

Xiisaha munaasabadda:

– Kelmadda Ooyee oo asalkeedu yahay luuqad maxalli ah oo ay ku hadlaan qabiilka Dinga ee ugu badan dalka Koonfurta Sudan, ayaa hal ku dheg u ahayd xafladdan ku dhawaaqista dawladda Cusub ee koofurta Sudan, Ooyee oo macnaheedu yahay, (Xoog ama waaritaan) waa kelmad ay hore u isticmaali jirtay jabhaddii SPLA, oo ay dadkeeda ku xamaasad gelin jirtay, waxa aanay hal hays u tahay muwaadiniinta dalkan, oo weliba marka ay ku dhawaaqayaan kor u taagaya gacanta midig oo duuba, si ay guul u muujiyaan, si kastaba ha ahaato ee ereyga ‘South Sudan Ooyee’ Koonfurta Sudan ha xogaysato ama ha waarto waxa ay hal-ku-dheg u ahayd masuul kasta oo shalay ka hadlay madashan la isku arkay.

Comments are closed.