Golaha Wakiilada Oo Ayiday Xeerkii Doorashooyinka Ee Golaha Guurtidu Dib Ugu Soo Celiyay

1
685

wakiiladaHargaysa( Geeska )-Golaha wakiilada ayaa meel mariyay xeerkii doorashooyinka ee dhawaan ay ku soo celiyeen golaha guurtida ee Somaliland. Xeerkaas oo ay mudanyaasha golaha guurtidu ku soo meelmariyeen in astaan loo sameeyo musharaxiinta golayaasha deegaanka u tartami doona doorashadan fooda inagu soo haysa, taas oo ay ka qayliyeen komishanka doorashooyinku kuna tilmaameen mid dhaqaale badan soo kordhin doonta, isla markaasna khaladaad badan  keeni doona.

Fadhigan ay golaha wakiiladu yeesheen ee lagu meelmariyay xeerkan doorashooyinka ee ka soo noqday golaha guurtidu, waxa ka soo xaadiray 44 xildhaan, waxana fadhigan shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaana in musharaxiinta  astaamo loo sameeyo u codeeyay 23 xildhibaan, halka 19 xildhibaan oo kale ay u codeeyeen In lambaro loo sameeyo, hal xildhibaana uu ka aamusay, gudoomiyahuna muu codayn, sidaas ayaanu ku axnsaxay xeerkaas doorashooyinku.

Intaas kadib gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa soo xidhay fadhigaas, waxaanu golaha ku wargaliyay intaanu xidhin in bisha barakaysan ee Ramdaanta uu golahu fasax galayo, waxaanu fadhigaas ku soo xidhmay sidaas.

Comments are closed.