Bulshada Oo Weli Madaxweyne Siilaanyo Ka Sugaysa Isbedelkii Uu Balan Qaaday Iyo Xukuumadiisa Oo Qaban Qaabo Ugu Jirta Soo Bandhiga Wax Qabadkeedii

0
590

 

Shirkii Khaatumo + Shir Beeleedyada Tiro Beelay + Tacadiga Saxaafadda + Sare U Kaca  Qiimaha Ascaarta Iyo Su’aasha Ka Taagan Mushaharr Kordhintii

odayaalHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan qaban qaabada bandhiga wax qabadkeedii mudada labada sannadood ahaa ee ay xilka haysay oo ku eeg 27 Julay ee bishan.

Wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda ayaa la sheegay in lagu amray inay soo gudbiyaan wax qabadkoodii sannadlaha ahaa si loogu daro warbixin laga diyaarinayo wax qabadka xukuumadda, waxaanay wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dalku ku mashquulsanyihiin diyaarinta wax qabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay in loo samayn doono xaflad balaadhan, iyadoo warbaahinta maxaliga ahna si joogto ah loogu baahin doono wax qabadkaas. Laakiin lama oga inay xukuumadu warbixinteeda wax qabadka ku soo dari doonto waxyaabihii ka baaqday inay fuliso mudadii ay xilka haysay amaba waxyaabihii ay ku fashilantay wax ka qabashadooda. Mudadii uu Madaxweynuhu hoggaanka dalka hayay oo laga sugayay isbedelkii uu KULMIYE balan qaaday wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray, waxa dalka ku soo kordhay arrimo xaasaasi ah oo aan hore u jirin. Tusaale ahaan mudadaas waxa batay tirada shir beeleedyada oo aad u saqiiray mudadii uu Madaxweynihii hore xilka hayay, waxaana laga warqabaa in mudadaas labada sannadood ahayd ay beelaha Somaliland qaarkood qabsadeen shir beeleedyo xukuumadda ku abuuray shaki iyo dareeno badan, waxaana shir beeleedyada ugu dambeeya mid hadda ka socda gobalka Sanaag, iyadoo ka horeeyeen kuwii Sheekh, Hargeysa iyo meelo kale, waxaanay shirar beeleedyadani la xidhiidhaan siyaasadda arrimaha gudaha ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Sidaas oo kale mudadii uu Madaxweynuhu talada dalka hayay waxa markii u horaysay gudaha dalka lagaga dhawaaqay maamul ka soo horjeeda madaxbanaanida iyo qaddiyadda Somaliland, kaas oo lagu go’aamiyay shir balaadhan oo muddo ka socday mid ka mid ah gobalada dalka.

Dhinaca mushahar kordhinta shaqaalaha dawladda, waxa uu KULMIYE wakhtigii ololaha doorashada balan qaaday inuu u kordhin doono 300% waxaana ilaa hadda hirgeli la’a qorshihii wasaaradda maaliyaddu ku ballan qadday in bishan Julay gudaheeda 30% mushaharka loo kordhiyo shaqaalaha dawladda.

Eeddo musuqmaasuq oo xoog badan oo ay soo jeediyaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xataa xubno ka mid ahaa xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga talada haya ayaa iyaguna ah arrimaha ku soo kordhay saaxadda dalka. Inkastoo ay xukuumadu xabsiga u dhigtay masuuliyiin xukumadda ka tirsanaa arrimo musuqmaasuq, haddana waxa ay siyaasiyiinta mucaaradka ahi soo bandhigaan musuq xoog badan oo lagu xidhiidhiyo wasiiro awood badan ku leh dalka. Tusaale ahaan agaasimihii wasaaradda arrimaha dibadda ee is casilay wuxuu soo bandhigay fadeexado musuqmaasuq oo tiro badan.

Waxaa iyadana laga warqabaa sarifka lacagta qalaad oo sabbaynayey tan iyo markii uu madaxweyne Siilaanyo talada qabtay, illaa haddana ay xukuumaddu ku fashilan tahay xakamaynta sarrifka lacagta adag ee saldhigi la’ oo muddo dheer oo xukuumaddii tan ka horraysay talinaysay aan mar keliya dhaqdhaqaaq weyn lagu arkin. Waxaa taas barbar socda sicir barar ku yimi ascaarta cuntada daruuriga ah oo saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah ee ay u badan yihiin muwaadiniintu.

Siyaasadda arrimaha dibadda oo la filayo inay xukuumadu ku soo bandhigto wax qabadkeeda ayay ku soo qaadan doontaa wada hadalada curdinka ah ee u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya, kuwaas oo ay dad badani u arkaan inay ka dhiganyihiin gacan uur ku jirta oo aan la saadaalin karin waxa ka soo bixi doona. Siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ayaa aaminsan in Madaxweynuhu ku deg degay wada hadalka uu la furay Somaliya iyo weliba qorshaha baaxaa degaya ee uu ku socdo. Bilowga wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo uu furay shirkii ay Smaliland kaga qayb gashay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa wuxuu sabab u noqday in meesha laga saaro sharcigii ay goleyaasha Baarlamaanka Somaliland hore uga soo saareen ka qayb galka shirarka Somaliya, waxaanu sharcigaas meesha laga saaray dabarkii ka furay siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed badan oo hore uga cabsi qabay in sharcigaas lagu qaado.

Dadka arrimaha siyaasadda ka faalloodaana waxa ay aaminsan yihiin in siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uu ku jiro marin habow iyo madow fara badan oo haddii aanay xukuumaddu saddex sano ee u hadhay uga faa’idaysan inay saxdo wax kasta laga filan karo.

Tacadiga saxaafadda ayaa iyana ka mid ah arrimaha mudadaas uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay xadhkaha goostay, waxaana la ogyahay in sannadkan oo keliya xadhig iyo tacadiyo kala duwan lagula kacay saxafiyiin kor u dhaacay lixdan weriye oo keliya lagu beegsaday gudashada hawlmaalmeedkooda. Taas lidigeed, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa xukuumadii UDUB ku dhaliili jiray sida ay saxaafadda ula dhaqanto.

Sidoo kale waxa iyaguna xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo lagu eedeeyay dhaliilo ay u jeediyeen hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo. Waxaana ugu dambeeya Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo ay maxkamadi dhawaan ku riday xukun hal sanno ah.

Si kastaba ha ahaate, siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ayaa aaminsan inaanu Madaxweyne Siilaanyo weli ku gulaysan isbedelkii uu balan qaaday inuu ku bedeli doono xukuumadii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.