“Xisbigan UDUB Damaca Gaarka Ah Waa Laga Saarayaa, Ninka Loo Garto Inuu Noqon Karo Murashax Soo Dhiciya Xukuumadii Laga Ritay Ayaa Imanaya”

0
4103

 

AHMED-YUSUF-YASIN (1)Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka xisbiga UDUB ahna ku simaha guddoomiyaha xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay shirweyne xisbiga UDUB magaalada Hargeysa uga furmaya isniinta berri, haddii Alle idmo.

 

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu xusayo sannad guuradii 10aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga iyo weliba qabyo tirka golaha dhexe iyo guddiga fulinta.“Waa toban guuradii xisbiga UDUB oo ahaa xisbigii u horeeyay ee sannadkii 2001 la aasaasay, waxaana aasaasay marxuumkii Maxamed Ibrahim Cigaal, markaas toban guuradii ayaa ku eeg oo loo dabaal degayaa, raggii aasaasayna waa loo mahadnaqayaa waana loo ducaynayaa. Ta’ labaad waxa weeye golahan dhexe ee  fadhiisanayaa waa fadhigiisii caadiga ahaa waxaana la qabyo tirayaa wixii dhintay, wixii ka baxay iyo wixii la waayay oo imika muddo ugu yaraan bil iyo dheeraad ah ayaa laga shaqaynayay oo la soo lafo guray.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf yaasiin, waxaanu intaas raaciyay “Golahaas dhexe ee maanta fadhiisanayaa dabcan waxay qabtaan hawlaha xisbiga ee shirweynaha, hawshana waxa u qabta guddiga fulinta, waxaanan filayaa in wakhtigan xisbiga aad loo balaadhinayo.”

Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu sheegay in la kala saari doono xisbiga iyo xukuumadda oo uu xusay inay isku qasnaayeen xilligii ay talada hayeen  “Waxa isku qasnaa xisbigii iyo dawladda taas waa la kala saarayaa oo xisbigu gooni ayuu isu taagayaa oo wuxuu yeelan doonaa guddoomiye gaar ah.”

Wuxuu Axmed Yuusuf Yaasiin, tilmaamay in shirweynihii rasmiga ahaa ee xisbiga oo ku beegan sannadka 2014 hore loo soo dhigi doono “Markaas dabcan guddiga fulintu marka uu shirku dhamaado way fadhiisanaysaa oo waxa la qabanayaa looyaro xisbiga xeerkiisa kaaba, markaas waxa imanaysa in shirweynihii xisbiga oo ahaa sanandka 2014 bisha Febarwari hore loo soo dhigi doono oo duruufaha imika jira darteed loo soo dedejin doono si ay halkaas uga soo baxaan murashixiin cusub oo xisbiga daadihiya iyo weliba guddoomiye xisbiga si gaar ah uga shaqeeya.”

Guddoomiyaha UDUB oo la su’aalay inay kala saarayaan murashixiinta iyo guddoonka xisbiga wuxuu yidhi “Murashixiinta iyo guddoonka waa la kala saarayaa.” , waxaanu intaas raaciyay inay guddiga fulinta ee xisbigu soo mari doonto gobalada dalka si ay u diyaariyaan murashixiintii xisbiga uga qayb geli lahayd tartanka goleyaasha deegaanada.

Axmed Yuusuf, oo la weydiiyay rajada ay xisbi ahaan ka qabaan inay mar kale ka soo gudbaan tartanka ururada oo ay noqdaan xisbi siyaasadeed, wuxuu yidhi , “waxaanu ku rajo weynahay inuu si wanaagsan u soo baxo,  xisbigani waa xisbi bahweyn ah oo taladiisa ku wada is afgarad oo aan marna laga maqal khilaafaad ka soo baxay.”

Wuxuu aad carrabka ugu adkeeyay in damaca gaarka ah banaanka la dhigi doono si uu UDUB mar kale saaxadda ugu soo noqdo “Xisbigan damaca gaarka ah waa laga saarayaa, xisbiga ayaa la quwaynayaa ninka loo garto inuu noqon karo  murashax soo dhicin kara xukuumadii laga ritay ayaa meesha imanaya.” Ayuu yidhi Madaxweyne xigeenkii hore, isagoo intaas raaciyay “Arrinkayagu wuxuu ku dhammaanayaa wada hadal, shirweynahana waxa la gaynayaa ragga la isla garto inay soo dhicin karaan xukuumadii.”