Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Miisaaniyada Iyo Mucaaradka Oo Aan Ka Soo Xaadirin

0
620

Picture4Hargeysa(Geeska):-Mudaneyaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay cod duuduub ah ku ansixiyey miisaaniyada 2015-ka oo muddo bilo ah hortaalay aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Fadhi ay yeesheen xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland, oo uu shir guddoominaayey guddoomiyaha aqalkaasi Md:Cabdiraxmaan Cirro ayaa gabi ahaanba aanay ka soo xaadirin fadhigaas xildhibaanada mucaaradka ah.waxaana muddo saacado qaadatay kadib markii uu kooramku buuxsami waayey ay xildhibaanada muxaafadku si dirqi ah ku soo bixiyeen kooramkii fadhigaas, waxaana fadhigaas ka soo xaadiray 43-mudane.

Ugu horeyna guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa waxaa uu mudanayaasha ku wargeliyey in ay cod u qaadaan miisaaniyada 2015-ka la ansixiyo iyada oo duuduub ah in la ansixiyo, iyo in loo ansixiyo iyada oo qodob qodob ah oo ay mudanayaashu ka doodaan, waxaana ay badiba mudanayaashii halkaasi fadhiyey ay u codeeyeen in lagu ansixiyo qaab duuduub ah. Intaa ka dib waxaa ay mudanayaasha aqalka wakiilaada Somaliland ay gudo galeen ansixinta miisaaniyada 2015-ka, waxaana ogolaaday 39-mudane, halka ay 3-mudanena ka aamuseen, guddoomiyahuna muu codeyn, waxaana sidaas ansax ku noqotay miisaaniyada 2015-ka oo dhan 215-milyan oo dollar.

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka oo warbaahinta kula hadlaayey afaafka hore ee aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ay, si aada uga xun yihiin in miisaaniyada 2015-ka loo ansixiyo qaab duuduub ah, waxaana ay ku doodeen in ay khaladaad badani uu ku jiro, isla mar ahaantaana ay haboonayd in qodob qodob looga doodo miisaaniyada.balse ay sheegeen in xildhibaanada wakiilada lagu soo shiriyey in si duuduub ah loo ansixiyo miisaaniyada qaranka.

 “Anigu Miisaaniyadda la ansixiyay waan ka soo horjeeday, waxaanan kaga soo horjeedaa duuduubka lagu ansixinayay, si kalena ugama soo horjeedo”  ayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid oo halkaasi ka hadashay. XIldhibaan  Baar  Siciid waxa kale oo iyada oo hadalkeedii sii wadata ay ka hadashay qaladaadka ku jira miisaaniyada qaranka, waxaana ay tidhi:“Aniga Lacag la igama goyn laakiin, waxaa ku jira waxyaabo khaldan, waxaa jira Wasaaraddo Lacagtooda dhakada la iska saaray oo raran iyo kuwo dhulka yaala oo kuwii muhiimka ahaaya. Waxaa jira waxyaabo badan oo aanu rabnay inaanu ku darno oo ay ka mid yihiin Gunnadii Shaqaalaha Golaha wakiilada oo la goostay, waxaa ka mid ah Askartan Kadinka Baarlamaanka joogta oo Gunnadii yarayd laga goostay, waxaa ka mid ah Jaamacadda Ceerigaabo oo u xidhmaysa Macalimiin la’aan”.

Dhanka kalena Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Mudaneyaasha muxaafadka ah ayaa ka hadlay ansixinta miisaaniyadda iyo diidmada Mucaaradka.“Markhaati baad ka ahaydeen inaanu Heshiinay oo Miisaaniyadda aanu ansixino oo doorashooyinka la qabto laakiin, mucaaradkii oo dhami way naga yaaceen oo muxaafadkayagii baa miisaaniyadda ansixiyay, taasina waxay ku tusaysaa inaanay mucaaradku doonayn in doorasho dhacdo oo miisaaniyadda la ansixiyo” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.