Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Guddiga Diiwaangelinta Ururada

0
722

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa  ansixiyey  muddo kordhintii uu Madaxweynuhu u sameeyey Guddida Diwaangelinta urrurada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Somaliland iyo xubno lagu kordhiyey guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Fadhiga shalay ee ay Golaha Wakiiladu oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa iyada oo ay fadhiyeen golaha  47 xildhibaan, waxa ogolaaday ansixinta guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda 44 xildhibaan, halka 3 xildhibaana  ka aamuseen, cid diidayna may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay muddo xileedka loo kordiyey guddida diwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Somaliland.

Dhanka  kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada  ayaa ansixiyey afar xunbood oo lagu kordhiyey Guddida Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, waxaana ansixinta xubnahaas cusub ogolaaday 42 xildhibaan,  waxaana diiday 2 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanay ku ansaxeen  xubnaha cusub ee lagu kordhiyey guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.