Maraykanka Oo Iiraan Ka Iibsanaya Biyaha Culus Oo Qayb Ka Ah Samayska Nukliyeerka

0
610

Dahraan (Geeska)- Dawladda Iiraan ayaa shaaca ka qaadday heshiis uu Maryakanku kaga iibsanayo 32 Ton oo ah biyaha loo yaqaanno Biyaha Culus (Heavy Water) oo dalka Iiraan uu sameeyey. Cabbaas Ciraaqji oo hore u ahaan jiray madaxa wada hadallada Iiraaniyiinta ee hubka Nukliyeerka, imikana madax ka ah guddida hubinta fulinta barnaamijka wada-shaqayneed ee dhamaystiran ee uu dhigayey heshiiskii Nukliyeerka ee Iraan iyo dalalka reer galbeedku ayaa shacaa ka qaaday in dalka Iiraan uu shirkad Maraykan ah heshiis kula galay iibka biyaha culus ee Nukliyeerka loo adeegsado. Warka masuulkan oo ku soo beegmay maalmo yar ka hor kulan ay toddobaadkan dabayaaqadiisa magaalada Vienna ee dalka Usteeriya ugu ballansan yihiin dalka Iiraan iyo dalalka la baxay 5+1.oo ah shanta dal ee codka diidmada qayaxan ku ku leh golaha ammaanka iyo dalka Jarmalka.

fff

Wakaaladda wararka ee dalka Iiraan ayaa Ciraaqji ka soo xigatay, “Muddo saddex bilood ahba waxa aanu ku jirnay wada hadallo la xidhiidha sidii aanu u dhamaystiri lahayn heshiiskan ganacsi oo ah in 32 Ton oo biyaha culus ee xarunta nukliyeerka Iiraan ee Aaraak aanu uga iibin lahayn shirkadda” Ciraaqjii oo hadalkiisa sii wada ayaa intaas ku daray, “Intii aanu ku jirnay wada hadalladii Nukliyeerka, dalalka qaar (Quwadihii wada hadallada Nukliyeerka kula jiray) ayaa noo sheegay in ay danaynayaan in ay iibsadaan biyaha culus ee Iiraan samaysay, waxa aana imika noo socda wada hadallado arrintaas khuseeya”

Guddoomiyaha golaha wakiillada ee dalka Maraykanka Paul Ryan ayaa naqdiyey heshiiskan oo uu ku tilmaamay, in uu yahay tanaasul aanu noociisu hore u dhicin, oo loo sameeyey,waxa uu ugu yeedhay, dalka ah taageeraha ugu weyn ee argagaxisada caalamka. Guddoomiyaha golaha wakiillada oo war-murtiyeed uu soo saaray gaadhsiiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu intaas ku sii daray, “Warbixinta soo baxday ee sheegaysa heshiiskan iibka biyaha culus ee Iiraan oo qiimihiisu dhan yahay 8.6 Milyan oo doolar, waxa uu qayb ka yahay isku dayga xukuumadda xisbiga dimuqraaddigu ku toonayso in ay suuq ugu samayso heshiiskii Nukliyeerka ee ay hore ula saxeexatay Iiraan” Guddoomiyaha wakiillada oo isagu ka soo jeeda xisbiga Jamhuurigu waxa uu ku dooday in arrintani ay ay keenayso in si toos ah Maraykanku u taageerayo barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iiraan.

Dhinaca kalana, wargeyska Wall Street ee ka soo baxa dalka Maryakanka ayaa war uu Geeska Afrika soo turjumay ku sheegay in Maraykanku uu iibsaday 32 Ton oo ah biyaha culus ee Iiraan ay soo saaray muddadii sannadaha ahayd ee ay ku hawlanayd barnaamijkeedii Nukliyeerka oo aakhirkii lagu joojiyey heshiiskii bishii Juun 2015kii dhex maray Dahraan iyo quwadaha reer galbeedka ee 5+1. Heshiiskaasi waxa uu Iiraan ku qasbayey in ay dhinto biyaha culus ee ay hore u samaysatay, iyada oo laga rabo in sannadaha u horreeya ee heshiiskan ay xaddiga biyaheeda culus gaadhsiiso in ka yar 130 Ton, kadibna hoos u sii waddo illaa aakhirka ay gaadhsiiso 90 Ton oo keliya.

Wargeyska Wall street waxa uu sidoo kale masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Tamarta ee dalka Maraykanka ka soo xigtay in ujeedada Maraykanku u iibsaday 32 ka Ton ee biyaha culus ee Iiraan ahi ay tahay cabsi uu Maraykanku ka qabo in Iiraan ay degdeg u yarayn kari weydo xaddiga Biyahan ay ka haysato si aanay ula dhaafin muddadii heshiisku u qabtay.

Wasiirka Tamarta ee dalka Maraykanka Ernest Moniz ayaa isna isla wargeyskan u sheegay in uu Maraykanku aad isaga hubiyey biyaha culus ee Iiraan oo ay tayo ahaan aad fiican yihiin, buuxinayaanna sifooyinkii looga baahnaa. Wasiirku ma’ uu sheegin xaddiga dhabta ah ee dalkiisu ka iibsanayo biyahan, waxa aanu ku gaabsaday in xaddi yar uu Maraykanku iibsan doono, ujeedaduna ay tahay in ay noqoto farriin dawladaha kale ee dunida ku dhiirrigelinaysa in ay biyahan ka iibsadaan Iiraan.

Waxaa la saadaalinayaa in dalal kale oo waaweyni ay sida Maraykanka oo kale u iibsadaan inta ka hadhay biyaha culus ee dalka Iiraan la rabo in uu dhimo, iyada oo la qiyaasayo in sannadaha soo socda, lacagta Iiraan laga siisan doono biyahani ay gaadhi doonto illaa 8.6 Milyan oo doolar.

In kasta oo iibka biyaha culus ee Iiraan ku kooban yahay inta hadda ay hayso oo aanu heshiiskii ay reer galbeedka la gashay u ogolayn in ay samayso xaddi dambe oo ka badan 130 Ton, taas oo ah inta u suurtogelin karta in ay samaysato layd ku shaqeeya Tamarta Nukliyeerka, haddana waxaa jira dad badan oo aaminsan in heshiiskan ganacsi ee Maryakanka iyo Iiraan uu yahay farriin cad oo muujinaysa in maamulka Madaxweyne Obama diyaar u yahay in dalka Iiraan uu la yeesho iskaashi dhaqaale.

Geeska Afrika ayaa baadhis kooban ku ogaaday in Biyaha culus ay yihiin biyo ka samaysan Hydrogen lagu magacaabo Deuterium oo ka culus Hydrogen ta caadi ahaan biyaha lagu yaqaanno, waa biyo samays ah oo adkaysi u leh heerkulka, isla markaana aanay ku dhex dhalan ama ku dhex kori karin dhirta iyo xayawaanku, waxa aana loo isticmaalaa warshadaha Nukliyeerka si ay u qaboojiyaan xaraaradda ka soo baxaysa warshadda Nukliyeerka gudaheeda ugana ilaaliyaan in heer-kulka Nukliyeerku kor u kaco iyo arrimo kale oo isla Nukliyeerka la xidhiidha.