Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Ajandaha Kal Fadhigan 15aad

0
878

Hargaysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay waxa u furmay kalfadhigii 15-aad ee golahaas uu yeesho, waxaana loo qaybiyay ajandaha kalfadhiga oo ka kooban 12 qodab, isla markaana ay ku jiraan qodobo aad u xiiso badan oo ay danaynayaan bulshada Somaliland.

fadhiga golaha wakiilada waxa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxaana ka soo xaadiray 41 xildhibaan oo kamida 82 xildhibaan ee golahu uu ka kooban yahay. Intaasi kadib waxa uu golahu gudo galay in loo codeeyo ajandaha kalfadhigan 15-aad, waxaanu gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro  soo jeediyay in duuduub loogu codeeyo ajandaha, waxaana cod gacan taaaga ku oglaaday 21 xildhibaan, waxaana diiday 15 xildhibaan, 5 xildhibaan ayaa ka aamusay, gudoomiyahuna muu-codayn. Sidaas ayaanu duuduub ugu meel maray ajandaha kal fadhigii 15-aad ee golaha wakiilada.

Ajandahan golaha wakiilada ee 15-aad ayaa ah mid xaasaasiya marka la eego xeerarka horyaala golaha oo ay kamid yihiin, xeerka wax kabdalka iyo kaabista ururada siyaasada, wax kabadalka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha wakiilada, xeerka nabadgalyada guud iyo wax kabadalka iyo kaabista xeerka baanka dhaxe.

Hadaba ajandaha kalfadhiga 15-aad ee golaha wakiiladu uu duuduubka ku ansixiyay ayaa waxa uu ka kooban yahay 12 qodab oo kala ah:

Warbixinta shirgudoonka, Guddida joogtada ah iyo gudiyada golah wakiilada

Mashaariicda sharci ee golaha horyaala

Xeerka nabad galyada guud

Wax kabdalka iyo kaabista xeerka baanka dhaxe

Wax kabdalka iyo kaabista xeerka ururada siyaasada

Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka

Xeerka biyaha qaranka

Xeerka baanka islaamka

Wax kabdalka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha

 Xeerka nabad galyada wadooyinka

Xeerka caymiska qaranka

Ansixinta masuuliyiinta qaranka