Golaha Wada Tashiga Oo Baahiyay Inay Ka Tanaasuleen Erayga ‘Gole’ Ee Ay Xukuumadu Ka Sastay

0
3691

Picture6Hargeysa(Geeska)-Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka tanaasuleen magacoodii Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka  isla markaasna ay ku badaleen Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka.waxaanay dhaliilo xoogan u soo jeediyeen xukuumada oo ay sheegeen in ay isku mashquuulisay eray Afka Soomaaliga ka mid ah oo aan iyaga macno badan ugu fadhiyin, kaas oo ah Gole.

Sida oo kale madashan wada tashiga iyo toosinta qaranku waxay dhaliilo xoogan u soo jeediyeen siyaasada arimaha dibada ee xukuuumadan iyo heshiisyadii hawada ee dhex maray Somalind iyo Somaliya.ugu danbayntiina waxay soo jeediyeen in dalka gabi ahaanba laga saaro haayadaha caalamiga ah hadii la doonayo in dalalkooda laga helo ictiraaf caalami ah. 

Ugu horayntii mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlaayay badalida ay magacan Golaha ku badaleen Madasha ayaa yidhi “Maanta oo ah maalin Isniin ah bishuna tahay 19 august 2013(Shalay), waxa GOLAHA WADDATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKU ku dhawaaqayaan qodobadan soo socda:-
Ugu horayn waxaynu dareensanay hadii aynu nahay ummada reer Somaliland in dawlada iyo xukumada madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay waxbadan isku mashquulisay sharcinimada erayga GOLE, oo ay in ka badan intii uu mudnaa eray Soomaali ahi ay galiyeen, wakhti badan iyo tamar badanina ay ku luntay.Sidaas oo ay tahay waxaanu u sheegaynaa ummada reer Somaliland in erayga GOLE yahay eray ka da`weyn dawladnimada, waana eray dhaqan oo magacyo badan lala isticmaalo. Tusaale ahaan : GOLE dhaqameed, GOLE culimo, GOLE ciyaareed I.W.M. waana eray caam ah oo hadba erayada ka danbeeya ayaa iftiimiya macnaha iyo u jeedada uu u taagan yahay.Waxaynu dareensanahay in xukumadu in badan ku celcelisay GOLE Distuuri ah , GOLE Distuuri ah ,waxaanu leenahay Golayaasha Distuuriga ahi waa kuwa distoorku jideeyay waxaana ka mid ah: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha Xukuumada, iyo Golayaasha Deegaanka.Golayaashani waxay ku sifaysan yihiin golayaasha Distuuriga ah, waxaanay taasi tusaysaa inay ka duwan yihiin golayaasha kale ee dhaqameed ama bulsheed.

Hadaba anagu lamaanu bixin gole Distuuri ah ee waxaanu la baxnay gole wadatashi iyo toosineed , waana magac sheegaya in lawada tashado oo lays toosiyo, ujeedada aanu ula baxnayna waxay ahayd in laysku yimaado oo laga wada tashado danta dalka iyo ummada oo ah wax lawada leeyahay.Sidaas oo ay tahay may haboonayn in eray wakhti badan lagu lumiyo, waxaanuna doonaynaa inaan wakhti danbe lagu lumin magac, balse laga wadatashado danta dalka iyo dadka .

Si aan halkaa uga gudubno waxaanu ka guurnay magacii hore waxaanuna u guurnay magacan kale ee ah " MADDASHA WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA".
Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku waxay diyaar u tahay wadatashi iyo toosin si loo maareeyo xaalada dalka oo meelo badan ka cakiran, waxaanay diyaar u tahay inay la xaajooto cid kasta oo danaynaysa ka wadatashiga danta qaranka , ha noqoto goloyaasha guurtida iyo baarlamaanka, aqoonyahanka, waxgaradka iyo oday-dhaqameedka, haweenka iyo dhalinyarada iyo bulshada guud ahaanba.

Hadii hadaba ay xukumadu diido ama ka cago-jiido in lawada tashado oo laga tashado danta iyo jiritaanka dadka iyo dalka, wuu soconayaa wadatashigu xukumadana loo garba duubnaanmaayo.Guntii iyo gabogabadii wadatashiga iyo toosintu waa wax bulshada reer Somaliland ku soo caanomaashay waana wax distoorkeena iyo diinteena islaamkaba ku banana”

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna goobtaas ka hadlay ayaa dhaliilo xoogan xukuumada ugu soo jeediyey siyaasadeeda dibada gaar ahaan wada hadalada Somaliya iyo Somailand kuwo liita oo aan wax midho dhala hayn,waxaanu soo jeediyay in dalka laga saaro haayadaha caalamiga ah ee ku joogamagaca Somaliya hadii aynu doonayno in aynu dalalkooda ictiraaf ka helno    “Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaan laba eray ka odhanayaa, marka hore wada hadalada anigu waxaan qabaa inay  yihiin ma dhalays,laakiin waa la bilaabay qaar aynu ku khasaarnayna  way jiraan qaarna hadalkoodii wali wuu socdaa, kuwa aynu ku khasaarnay waxa weeye shirka loo qabto Somaliya ka qayb galkiisu waa khasaare waayo ma nihin ayeynu nidhi in la galaana waa danbi.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin ka bixiyey nooca ay tahay guddida loo baahan yahay inay shacabka Somaliland ku matalaan wada hadalada la’la galayo wadanka Somaliya waxaanu yidhi “Horta guddida aynu u qaylinaynaa waa inay noqdaan guddi macquula oo qaran  oo la xulay oo sharcigoodii u dhan yahay oo dad mudakara ah, mana istaahisho in waftiga baxaya in maanta oo kale loo sheego oo la yidhaa saa danbe ayaad baxaysaan waayo wax ku tala gal ah oo ay sameynayaan ma jirto wax qiimo ah oo ay ku fadhidaana ma jirto, Guddida wada hadalada waa inay yeeshaan xad aanay dhaafi Karin, waana xadka uu distoorku dhigay waa inaan arin uu madaxweynuhu goyn Karin,xukuumadu goyn Karin,baarlamaanku goyn karin oo  lagu gaadhi karo afti dadweyne waa qododka dhulka,bada iyo cirka.”

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu iftiimiyey  xil gudashaba baarlamaanka waxaanu yidhi  “Himilooyinka xil gudashada baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arimaha ay ka mid yihiin dhulka Somaliland maamulkiisa cid la’la yeelan karaa ma jirto, badiisana cid maamul la’la yeelan karaa ma jirto, hawadiisana cid maamul lala yeelan karaa ma jirto intaasi Somaliland ayey khaas u tahay afti dadweyne oo 97% ah-na waa lagu ansixiyey markaa kuwaasi waa lama taabtaan”

Eng:-Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxa uu ka waramay jawaabta uu ka helay wasiirka madaxtooyada markii uu waydiiyey inay jabiyeen qodobka dastuuriga ah ee 38 kaas oo si faah faahsan uga hadlay Bada,Hawada Iyo Isgaadhsiinta Somaliland waxaanu yidhi  “Wuxuu wasiirka madaxtooyadu igu yidhi markii aan shirkii lagaga hadlayey siyaasada arimaha debada iyo wada hadalada Somaliya  ku waydiiyey su’aal ah qodobka 38 ee dastuurka qaranka xarafkiisa  B sida uu dhigayo miyaanu khilaafsanayn heshiiskaasi, wuxuu yidhi Somaliya Republic iyo somalida Ethiopia oo col ah ayaa waxay ku heshiiyeen inay wayax wadaagaan, waxa weeyaan dawlada Somaliya iyo Ethiopia marka ay isku  qabtaan maxkamad caalamiya ayey tagayaan taasaana kala saaraysa, inaga iyo Somaliya  maxkamad caalamiga ah ee ina kala saaraysa xagay joogtaa waxa weeyaan waanu idin leenahay kama hadli karno maxkamadna lama gayn karo, isgaadhsiiinta iyo hawada ayaa iyaguna ka mid ah, markaa qodobkaa marka aynu isku qabano Somaliya  bal maxkamada caalamiga ah ee ina kala saaraysa ma jirto ileen waabay ina sheeganayaane, markay arintu sidaas tahayna inaynu wax la galno arimaha muhiimka ah maaha.”

Ugu danbayntii Eng:Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhaliilay hay’addaha caalamiga ah ee magaca Somaliya ku jooga wadanka isaga oo soo jeediyey in laga saaro wadanka  waxaanu yidhi “Waxa jiro hay’addo caalami ah oo ku jooga magaca Somaliya, waxaanu nidhi  hay’addahaas dawladahoodiina waxaynu leenahay ictiraaf na siiya dhinacna waxaynu ku aqbalnay inay magaca Somaliya ku joogaa, dadka qaarna waxay yidhaahdaan dhaqaale ayaa ku jira, laakiin waxa weeyaan cad quudhsi lama qaato, haya’addahaa hadii aynu nidhaa naga baxa iyaga ayaa meherad doonaya oo waxay garanayaan inaynu nahay dad jira, baahi aynu u jirno dhaqaale ma jirto sida runta ah waynu is kaabi karin, marka aanu dhaqaalaha ka hadlayno ayaanu cadayn doonaa inaynaan dawarsi uga tagayn magaceena iyo halgankii umadani ay soo gashay.”