Hargeysa(Geeska):-Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay muddo kordhin ay u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo aqalka golaha wakiilada, ka dib, dib-u-dhac ku yimi doorashooyinkii aqalka madaxtooyada iyo wakiilada oo la filaayey in ay badhtamaha sannadkan ay ka qabsoomaan dalka, waxaana ay sheegeen in ay kordhiyeen muddo hal sanno iyo toban bilood ah, taas oo macnaheedu ay noqonayso in ay doorashooyinka wakiilada iyo madaxtooyadu ay dalka ka qabsoomayaan bisha 27,April,2017ka.
Waxaana ay sidan kaga dhawaaqeen fadhigii shalay ee galahaasi yeeshay isla mar ahaantaana uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha aqalka golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, sida oo kalena ay ka soo xaadireen xildhibaanada aqalkaasi.
Xoghayaha guud ee aqalka golaha Guurtida Somaliland Md., ayaa halkaasi ka akhriyey hadal qoraal ku saabsan muddo kordhinta golaha guurtida Somaliland ay u sameeyeen xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo golaha wakiilada, waxaana uu u dhignaa sida tan.
Wuxuu soo saaray Go’aamaddani:
Muddo korodhsiimooyin.
1-Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman warqadda lambarKDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku xigeenkaiyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanayn qoddobada 42aad iyo 83aad ee DastuurkaJSL .
2- Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha oo ku eg 27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.
3- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.
4– Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu noqonayaa hal sano ka dib (one year after) dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya27/4/2017, sida waafaqsan ama ku cadba go’aanka lambar GW/KF-19/245/2003 ee 29/03/2003, una dhigan “in muddada xilka Golaha Guurtiddu markastaba hal sano ka dambayso taariikhda dhammaadka muddada xilka Golaha wakiiladda ” .
5- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Dalka Jamhuuriyada Somaliland .
Ugu danbeyntiina waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha aqalkaasi Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana uu sheegay in go’aanka ay soo saareen uu yahay go’aan gole, isla mar ahaantaan uu ugu baaqayo xukuumada, xisbiyada iyo komishanka doorashooyinkuba in ay sidaas ku tixgaliyaan.
“Go’aankaas uu golahu ku dhawaaqay, waxaan ugu baaqaynaa xukuumada, axsaabta , gudi doorasho iyo dad weynaba in aynu sidaas ku fulino, waan go’aankii Guurtida sidaas ayaan sharcigu inna farayaa hana la ixtiraamo.".Ayuu yidhi Md.Saleebaan Gaal.
Mawqifka xisbiyada
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid, ayaa qaadacay go’aan ay maalintii shalay ahayd ku dhawaaqeen golaha Guurtida Somaliland, kaas oo muddo kordhin hal sanno iyo Toban billood ah ay ugu kordhiyeen muddo xileedka xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo ay dalka ka talinayso, waxaana ay sheegeen in aanay marnaba aqbali doonin go’aankaas isla mar ahaantaana ay soo aqoonsan yihiin oo qudha go’aankii ay sida wada jirka ah hore u soo wada saareen saddexda xisbi qaran, komishanka iyo madaxweynaha Somaliland, iyaga oo sida oo kalena sheegay in go’aankan Guurtidu ku dhawaaqday ay Somaliland beesha caalamka kala kulmi doonto go’doon caalami ah. Waxase go’aanka guurtida soo dhaweeyay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.
Waddani
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa sidan ku sheegay mar ay go’aanka Guurtida ka dib qaar ka mid ah warbaahinta si gooni gooni ah ay xafiisyadooda ugula kala hadleen.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta, ayaa waxaa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan ay si adag uga soo horjeedaan go’aanka ay ku dhawaaqeen golaha Guurtida Somaliland, isaga oo sida oo kalena sheegay in ay ku adkaysanayaan sida oo kalena ay taageersan yihiin go’aankii hore ay ugu dhawaaqeen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaana uu soo jeediyey in madaxweyne Siilaanyo uu si deg-dag ah uu u horjoogsado go’aanka ay ku dhawaaqeen golaha Guurtida Somaliland. "Waxaa cadaatay, waxii aanu ka baqaynay shalayto(Dorraad) in ay dhacday oo go'aankii iyo waxii ay guurtidu damacsanayd ay Guurtidu soo saartay, waxaa ay ummaddu ku heshiisay oo axsaabta qaranku ku heshiisay oo Komishanka doorashooyinku uu soo saaray oo madaxweynahuna uu u gudbiyey Guurtida, la'iskuna waafaqsanaa in doorashadii madaxtooyada iyo golaha wakiilada la qabto bisha Juun 2016ka, taariikhdaasi waxaa ay ahayd taariikh aad looga baaraan degay oo qalimo iyo waraaqo loo qaatay, wakhti badana lagu bixiyey si loo gooyo maalintaas, iyada oo waliba la tixgaliyey dhammaan waxii xeerar iyo shuruuc ay lahayd Somaliland, waxaa ay Komishanku hore u caddeeyeen in ay doorashada qaban karayeen December.2015ka, Lixda bilood ee danbe waxaa loogu daray xeerka ayey ku taalay, wakhti innagu filan waynu haysanay cudur daar kale oo la helaayeyna ma jirin, in wakhti dheeraad ah lagu darro.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Ciro.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in go’aankani uu Somaliland u horseedi karo khilaaf siyaasadeed oo ka bilaabma gudaha dalka, sida oo kalena ay Somaliland beesha caalamka kala kulmi doonto go’doon caalami ah.
“Go'aanka ay Guurtidu gaadhay waxa aan isleeyahay waa go'aan heshiiskii iyo khilaaf la'aantii Somaliland ku bedalaya in khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahnayn uu Somaliland go'aanka Guurtidu ka abuuro, waa go'aan Somaliland gelin karra go'doon caalami ah, waxaad ka warqabtaan dhamaanba saaxiibada iyo daneeyeyaasha hanaanka dimuqraadiyada Somaliland in ay innagu soo noq-noqonayeen oo ay maantadana immanayaan mar Labaad iyada oo ay hoggaaminayaan safiirka dalalka Midawga Yurub, go'aankaasi waxaa uu sabab u noqon karraa in Somaliland ay weydo kalsoonida beesha caalamka, go'aankaasi waxaa uu burburinayaa oo uu micno tirayaa hannaanka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland ku soo dhaqmaysay, go'aankaasi waxaa uu ka soo horjeeda sida shacbigu muujiyey ee madax-dhaqameedku muujiyey, axsaabtu muujisay in uu ka soo horjeedo rabitaanka shacbiga Somaliland. Golaha Guurtida oo innoogu suntanaa, golaha khilaafaadka illaaliya, waxaa go'aankaasi uu iftiiminayaa in uu khilaaf abuuray, go'ankaasi waa go'aan aan xisbiga Waddani aqbalaynin, waxaanu qabnaa annagu in Kowda, Juun, 2016Ka ay doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiiladu dalka ka qabsoomaan, laguna noqdo si doorashooyinka loo qabto, waxaan isleeyahay xalka furani waxa weeyaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland in uu ka shaqeeyo in go'aankaas lagu noqdo la' isku waafaqsanaa, beesha caalamkuna ay gacan buuxda nagu siiso si go'aankaa loogu noqdo.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).
UCID
Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo isaguna xafiiskiisa kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa waxaa uu dhankiisa isna tilmamay in aanay aqoonsanayn go’aanka ay soo saareen golaha Guurtida Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay kaliya ogal yihiin go’aankii hore uu ugu dhawaaqay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee ku suntana in doorashooyinka la qabto bisha Kowda bisha Juun 2016ka, isaga oo sida oo kalena madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in uu si deg dag ah u baajiyo go’aankaas ay soo saareen golaha Guurida Somaliland.
"Horta maanta(Shalay) maalin madow ayey Somaliland u tahay, maalin murugo weeyaan, nimanka halkaas fadhiya ee Guurtida la baxay, immika waa gunta'e, maanta(Shalay) Somaliland waa ay dilleen, iyagu waxaa ay isleeyihiin idinkuna nastexaysta, baarlamaanka u nasteexeeya, dawlada u nasteexeeya, laakiin qarankii waa ay dilleen. Waxa weeyaan Guurtidu marka horeba billaa sharci ayaa ay ahayd baarlamaankuna billaa sharci ayaa uu ku fadhiyaa waa Shan sannadood, anigu in badan waan sheegay oo waxaan idhi Labada gole-ba xaaraan ayey ku fadhiyaan, waxa ay soo saaraana maaha wax dhaqan gali kara, waad ogtihiin oo Laba jeer ayaan u tagnay Guurtida, Labadii jeer mar waxaan ku guubaaninay intaa Komishanku sameeyeen in ay ogalaadaan dalka u tudhaan, hareeraha waxa innaga jira ayaan u sheegnay, markii danbena balan ayaan galnay oo waxaan nidhi Kaadi badane waa loo gogal badiyaa e' bahashaasi yaanay idin la' dhaafin 2016ka oo Nofember ayaanu siinay, maantana(Shalay), waad aragtaan waxa ka soo baxay, taasi waxaa ay si cad innoogu sheegaysaa in caruurta iyo abayaasha carruurtoodu meesha ka dhaxleen ee billaa shaciga ku yimi, in aanay dal iyo dantoona cidna ugu danaynayn oo ay dantooda uun ka fakerayaan, go'aankayga aan idiin sheegayaa waxa weeye sidii aan shalayto idiin sheegnay ergadii aan sheegnay, guubaabadii aan sheegnay, taladii aan sheegnay, haddii nalagu diiday waxa aan annagu horta ku soo noqonaynaa waa arrintii Komishanka ee saddexda xisbina markii hore sida wada jirka ah isagu waafaqeen, maantana wali taladu waxay hortaala oo sharcigii haysta waxa weeye waa madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo illaa bisha 26KA juun waa sharci, haddii uu illaa caawa soo saari waayo oo maanta ayey innoo imma nayaan beeshii caalamkuye madaxweynahii oo digreeto ka soo saaray ugu horeyna daadifeeyo waxaa ay Guurtidu soo saartay ee billaa sharciga ah oo uu ku soo saari waayey wakhtigii La qabtay ee Komishanku qabtay”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.
Eng.Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ku baaqay in la’ isagu yimaado wada-tashi qaran si baa uu yidhi, wax badan looga arrin saddo xaalada guud ee dalku maraayo, sida oo kalena loo yeesho siyaasad cad oo lagaga soo horjeedo dagaalo uu sheegay in ay Somaliland u soo maleegayaan dawlada Somaliya iyo Puntland.
“Waxaa markaa noo cadaanaysa in aan dawladiina markaa shaqaynayn, markaa haddii fulintii ay noqotay wax aan shaqaynayn, baarlamaankii dadku soo doortayna uu wakhtigiisii iska dhacay, Guurtidu ay 23 Sanno fadhido oo aan sharci ahayn, waxaa dadka la tolmoon in la isagu yimaado wada tashi qaran, si dawlad dadka badbaadisa oo shaqaysa loo soo dhiso, dawladana waxaa ay u eegtahay iska daa sannad ee aan wadanka maaamuli karin Lix billood, dalku waa uu kala daatay, waad arragteen hareerta waxa innaga jira, shalayto Boorama, waxbaa ka dhacay, waa lagu dhintay, Majeerteniyahii Tuko raq ayey keeneen 43 Tikniko ah, Shir waxaa socda daarood oo Gaalkacyo ka socda oo Cabdiweli ku baaqay USB ayaa ka samaysan tay Xamar waa aynu hareeraysanahay runtii, marka haddii aynu shacbiga reer Somaliland nahay ma waxaynu u fadhiyeynaa dad aan dalka iyo dadkaba dan ka lahayn, oo kiishash sita hoosta ka daloola.".Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.Haddii maanta(Shalay) uu madaxweynahu Digreeto soo saari waayo, hadduu wada-tashi qaran iskugu yeedhi waayo, wada-tashi shir-beeleed ayaa la’iskugu yeedhayaa, shir-beeleedkii Somaliland lagu aas aasay ee Boorama oo kale ayaa la samaynayaa, waxaa loo baahan yahay dalka in la bed-baadiyo, doorasho iyo nin madaxweyne u cumaamatiyo ma taagna maanta, bed-baado qaran ayaa loo baahan yahay, dawladana maaha mid innaga saari karta wakhtigan aynu hadda ku jirno. Marka mawqifka Ucid waxa weeye madaxweynaha ayey kubadu xagiisa taala, annagu Odeyaasha maanan dooran, way iska dhax-dhaxleen ardaayadii markii hore doortay mar danbe laguma soo celin, iyaga ayaa is boqra , wax ay agtayada ka yihiin ma jirto.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.
KULMIYE
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku cadeeyay in xisbiga KULMIYE soo dhawaynayo go’aanka golaha guurtida oo uu sheegay inay guteen waajibaadkoodii distooriga ahaa.
Beesha caalamka
Wadamada Beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo dhawr goor si adag uga digay muddo kordhin siyaasi ah oo ay golaha gurutidu sameeyaan, ayaa la filayaa inay maanta war ka soo saaraan muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen oo muddo sannad ku siman ka badan wakhtigii ay guddiga doorashooyinka qaranku u cayimeen inay doorashada ku qaban doonaan. Waxaana si weyn isha loogu hayaa nooca uu noqon doono mawqifka beesha caalamku.