Xukuumadda Oo Cudud Ku Baajisay Mudaharaadkii Waddani Ku Baaqay Iyo Magacyada Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Ee Shalay La Xidhay

0
468

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay cudud ku baajisay inuu banaanka u soo baxo mudaharaad uu xisbiga Waddani ku baaqay inuu shalay qabsoomo.

Hase yeeshe haddana, mudaharaado taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan muddo kordhinta aqalka golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay ka dhacday magaalooyinka Burco, Barbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood iyada oo sida oo kalena markii danbena ciidamada RRU-da iyo Booliskuba ay la wareegeen xarumihii xisbiga Waddani ee magaalooyinka Hargeysa, Berbera , Burco iyo Laascaanood, sida oo kalena la xidh xidhay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbigaasi.

Isu soo baxyadan ayaa ay dad weynahii isu soo baxay waxaa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah muddo kordhinta ay golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen xukuumada Siilaanyo iyo aqalka wakiilada, waxaana markiiba ay ciidamada RRU-da iyo Booliskuba ay si xooga ku kala kaxeeyeen dadkii mudaharaadayaasha ahaa, iyaga oo sida oo kalena la wareegay gabi ahaanba xarumihii xisbiga Waddani uu ku lahaa magaalooyinka Hargeysa, Barbera iyo Laascaanood.

Dhinaca kale ciidamada RRU-da iyo Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay xabsiyada Hargeysa, Barbera iyo Burcaba ay u taxaabeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta heer qaran iyo heer gobal ee xisbigaasi, inkastoo badankooda la soo daayay, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintii la xidh xidhay.

1. Mustafe Qodax, Xoghayaha arrimaha gudaha

2. Guuleed Daahir Samatar Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobalka Togdheer.

3. Deeq Xirsi Canbuur: Xubin Guddiga Fulinta Ah

4. Jamaal Xuseen Hurre, guddoomiyahii hore gobalada Hawd iyo Daadmadheedh.

5. Cabdiraxman Maxamed Rooble (Cabdi Six) Xubin Guddiga Fulinta Ah

6. Xasan Axmed Muuse  Xoghayaha Xanaanada Xoolaha

7. Aamina Jirde: Xoghayaha Warcigelinta Gobolka Maroodijeex

8. Maryan Maxamuud Dirir Xoghayaha Garabka Haweenka Heer qaran

9. Amaal Yuusuf Cabdi Indhacad Afhayeenka Garabka Haweenka Heerqaran.

10. Mawlid Muuse  Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex.

11. Maxamed Foore  Gudomiyaha Degmada Maxamuud Haybe.

12. Maxamed Sidiiq Cabdilaahi  Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heerqaran.

13. Maxamed Jamac Gudomiyaha Wacyigelinta Degmada Axmed Dhagax.

14. Guddoomiyahii xisbiga Waddani ee gobalka Saaxil iyo Xaaskiisa.

Ugu danbeyntii waxaa xukuumada Somaliland ay shalay illaa habeen hore si aada u adkaysay amaanka magaalooyinka gobalada dalka, iyada oo ciidamada RRU-da iyo kuwa Booliska oo iskaashanaya ay ku gaaf wareegayeen goobaha is-goysyada iyo xaafadaha magaalooyinka Hargeysa, waxaana isla subaxnimadii hore ee shalay illaa galinkii hore la xidhay jidadka waaweyn halbowlaha magaalooyinka Hargeysa, Barbera iyo Burco. Waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Waddani isla habeen hore loogu dhacay guryahooda.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga Waddani Md.Axmed Muumin Seed, oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa si aada u cambaareeyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday mas’uuliyiinta xisbiga Waddani, waxaana uu sida oo kale dhaleeceeyey qaabka ay ciidamada RRU-da iyo Booliskuba ay kula wareegeen xarumaha xisbiga Waddani ee gobalada isaga oo wax laga xumaadana ku tilmaamay talaabada ay xukuumada Siilaanyo ku hor istaagtay taageerayaasha xisbiga Waddani.

"Sida aad la wada socotaan xisbiga Waddani saaka(Shalay), waxaa uu ku baaqay in ay dhigaan mudaharaad salmi ah guud ahaanba gobalada dalka oo dhan, runtii horeba mudaharaadku waa uu jiri jiray si ay shacabku dareenkooda u muujiyaan, dariiqii sharciga ahaana waan u marnay, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaanu warqad u gaynay, isaguna warqad ayaa uu noo soo diray uu ku diidaayo, runtiina waa distoori in dadku waxa ay diidan yihiin ay dareenkooda ku cabiraan, mudaharaadkii aan illaa xalay ugu baaqnay taageerayaasha, waxaa ay xukuumadu isticmaashay awood badan oo ay doonayso in ay ku qab qabato mas'uuliyiintii xisbiga Waddani illaa imika waxaa xidhan 15mas'uul oo xisbiga Waddani ka tirsan kuwaas oo ku xidhan caasimada Hargeysa, badankoodana xalay(Habeen hore) ayaa guryahooda loogu daatay oo waa la wada xidh xidhay.”.Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Md.Axmed Muumin Seed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Saaka waa berigiina annagu waxaan ku waabariisay in aan xarunta xisbiga isagu nimaadno oo xaruntayada ayaa bar kulan noo ahayd, iyada ayaanu mar ka wada dhaqaaqaynay waxaan maraynay dariiqyada si aanu mudaharaad salmi ah aanu u dhigno, deedna wax aanu ku waabariisanayba 20 gaadhi oo ciidamda RRU-da ah oo xaruntii xisbiga la wareegay, xaruntiina waa ay xidhan tahay illaa hada, tii burcana, Laascaanood, Barbera iyo ceerigaabo runtii waa nasiib darro dhibaatada ay maanta ku dhaqaaqday xukuumada maanta jirta, taladanina tallo rag maaha, taladani waa tallo dumar ayaan isleeyahay aad iyo aadna waan uga xunahay xadhiga guud ahaanba loo gaystay mas'uuliyiinta Waddani meel kasta oo ay kala joogaanba.".