“Aniga Iyo Ciise Xamari Maanu Dagaalamin, Feedhna Islamaanu Dhicin Mana Jirto Sabab Aan ku Dagaalanaa

1
4188

 

kubadHargeysa(Geeska)-Guddoomiye-xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka Md. Cali-Khadar Xasan Cismaan (Cali-Kubad), ayaa beeniyay inuu dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray isaga iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Md. Ciise Yuusuf Xamari.

 

Maalmihii u dambeeyay waxa si weyn suuqyada u soo galay inuu gacan ka hadal dhex maray labadan masuul oo ay qaar warbaahinta ka mid ahi baahiyeen inay isku seegeen natiijada doorashada iyo guud ahaan habkii loo maamulay doorashadii deegaanka. Hase yeeshe Mr. Cali-Kubad oo uu shalay la kulmay weriye ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu beeniyay inuu wax dagaal ahi dhex maray labadooda, “Ma jiro wax dagaal ah oo na dhex maray aniga iyo Ciise-Xamari.” Ayuu yidhi, waxaanu isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd sababta ay wararkani suuqyada u soo galeen uu yidhi, “Wararkaasi waa dacaayad, waxaanan kuu cadaynayaa inaanu jirin wax dagaal ah, feedh aanu isla dhacnay iyo gacan ka hadal kale toona. Waxa naga dhexeeya aniga iyo guddoomiyaha xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayneed, waanan is ixtiraamnaa, mararka qaarna aragtida waa lagu kala baydhi karaa laakiin waa la is qanciyaa. Laakiin dagaal na dhex maray iyo wax aanu isku qabanay toona ma jiro.”

Guddoomiye-xigeenka guddiga doorashada qaranka oo la weydiiyay sida uu u arko tabashada qaar ka mid ah murashixiintii degmada Harageysa uga sharaxnaa urur siyaasadeedyada oo guddiga doorashada ku eedeeyay inay musuqeen codadkii ay taageerayaashoodu siiyeen, ayaa yidhi, “Murashixiinta tartamaysay dhammaantood waxay annaga noo ahaayeen dhallinyaradayadii, mana jirto sabab aanu u kala dhawaysanaa. Kitaabka quraanka ah ayaanu hore ugu dhaaranay inaanu dhexdhexaad u nahay umadda reer Somaliland, mana jirto sabab aanu u kala dhawaysanaa.”

Comments are closed.