Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo si weyn looga xusay munaasibada 18-May

0
508

DSC08309Hargeysa (Geeska), Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland ayaa aad ah looga xusay munaasibada 23-guurada ka soo wareegtay Maalintii Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii, isla markaana ku dhawaaqday inay tahay dal Madax banaan, ayaa dhamaan Gobolada Awdal, Togdheer, Maroodi-jeex, Sool iyo Sanaag si weyn looga xusay, taas oo Madaxda kala duwan ee Qaranku kula suganayeen, Bulshada reer Somaliland u soo jeediyey qiimaha ay leedahay 18-may, oo ah Maalint Somaliland Magac iyo Maamus u leh.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland oo iyagu ku sugnaa Magaalo Madaxda Awdal ee Boorama ayaa Khudbad uu Madaxweyne ku xigeenku halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay leedahay Xuska 18-may, waxaanu sheegay inay qiimo gooniya ugu fadhido bulsho weynta reer Somaliland meelkasta  oo ay joogaan.

Dhinaca kale waxa si balaadhan looga xusay xuska 18-may Wadamada Caalamka, oo Shacabka reer Somaliland ay muujiyeen in  shucuurtooda iyo mawqifkooda uu yahay hal mid oo ah inay Somaliland heshay Aqoonsi, kana hesho Beesha Caalamka.