Gobalka Awadal Oo Ay Afar Ruux Ugu Geeriyoodeen Abaaraha Ku Habsaday

0
509

Borama(Geeska)-Maamulka Gobolka Awdal ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

rrrrrr

Dadka dhintay ayaa isugu jiray haween iyo caruur ay abaartu si darran u saameysay. “Waxa weeye laba carruura; islaan iyo oday.” ayuu yidhi guddoomiyaha gobalka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa sheegay in abaartu ay saameysay reer guuraa badan oo iminka kasoo hayaamaya dhulka xeebaha.

“Iyadoo xaaladii abaarti awal ay xoolo marysay hase ahaatee ay timid dhimasho bini-aadam, waxaanan ku dhawaaqnay in cid kastaa joojiso hawlihii gobalka ka socday oo loo gurmado dadkaas. Waxay soo gaadhay in dhimasho lanoo soo xaqiijiyo.” ayuu yidhi guddoomiyaha gobalka Awdal, oo dadka reer Somaliland ka codsaday inay u gurmadaan dadkaas walaalahood ah oo ah hayaan ay abaari saamaysay.