Hay’adda CARE Oo Gaadhi Wiisha Ku Wareejisay Wasaaradda Khayraadka Biyaha + Sawiro

0
558

Hargeysa (Geeska)-Hay'adda caalamiga ah ee CARE International ayaa gaadhi Wiish ah ku wareejisay Wasaaradda Khayraadka  Biyaha Somaliland, kaas oo wax weyn ka tari doona baahida biyood.

13

Munaasibadii Gaadhigan Wiishka ah lagu wareejinay oo shalay ka dhacday xarunta cusub ee Wasaaradda Biyaha, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Wasiir-dawlaha, Agaasimaha guud iyo Madaxa Hay'adda Care, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo marti sharaf aad u tiro badan.

6-4 7-3

Xasan Jaamac Yaasiin oo ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Hay'adda Care, waxaanu uga mahadnaqay Wiishkan, oo uu sheegay inuu wax badan ka tari doono hawlahooda shaqo.

166-4

 Madaxa Hay'adda CARE Mr Rahil oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Wiishkan ku wareejiyaan Wasaaradda Biyaha,waxaanu tilmaamay inuu si gaar ah ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka uu ka soo qayb galay munaasibada Wiishkan lagu wareejinayo, waxaanu tilmaamay in hadba wixii karaankooda ah inay la qabanayaan Wasaaradda Biyaha, waxaanu sheegay inay Wasiirka Wasaaradda Biyaha ay is arkeen isla markaana ka wada hadleen mashruuc saddex sanno soconaya oo ku saabsan hawlaha Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa dhankiisa waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Hay'adda CARE oo uu sheegay inay wax badan u tartay, isaga oo si gaar ah u sheegay in Gaadhigan Wiishka ahi uu faa'iido badan u leeyahay dalka iyo dadkaba, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loogu shaqeeyn doono, waxa kale oo uu xusay inay hadda wadaan qorshayaal badan iyo qodista Ceelal badan oo ay ka wadaan deegaano badan oo ka mid ah deeganaada dalka, waxaanu ka xog waramay qiimaha ay Biyuhu leeyihiin.

Ugu dambayn  madaxa sare ee hay’adda Care waxa uu furihii gaadhigaasi ku wareejiyay wasiirka wasaarada khayraadka biyaha.