Geeska Afrika Oo Xoggo Ka Helay Sababta Baajisay Safar La Filayay In Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tago Addis Ababa, Cadhada Farmaajo Iyo Norway Oo Isu Soo Jiiday

0
488

Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ka baaqday safar la filayay inuu khamiistii ku tago magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, isagoo toos uga soo duuli lahaa wadanka Turkiga, waxaanu jimcihii si kedis ah ugu noqday magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya iyo Somaiya, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa qorshaystay inuu tago magaalada Addis Ababa khamiistii 27 April, laakiin dawladda Itoobiya ayaa ku soo wargelisay isagoo Turkiga jooga in wax isbedeleen islamarkaana uu tagitaankiisa Itoobiya loo diyaar garoobi doono 3 May. Wararkan uu Geeska Afrika helay waxay sheegeen in Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ka cadhooday talaabada Itoobiya oo uu u arkay bahdil diblomaasiyadeed, waxaanu isku dayay inuu ka dego magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo ka jawaabaya talaabada Itoobiya.

Hase yeeshee waxa arrinta soo dhex gashay dawladda Norway oo Farmaajo ku qancisay inuu baajiyo safarkiisa Qaahira si aanay arrintu u sii cakirmin, waxaanay Norway geesta kalena la xidhiidhay Itoobiya, waxaanay isu soo dhoweyntaas labada dhinac keentay in Norway Farmaajo ku qancisay inuu Itoobiya ka dego toddobaadkan si uu wada hadal ula yeesho Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Waxaanu Farmaajo sidaas ku baajiyay inuu socdaal ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo jimcihiina goor fiid ah ku laabtay Muqdisho.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka awooda ku leh ciidamada AMISOM ee ilaaliya dawladda Somaliya, waxaana la aaminsanyahay in xidhiidhka Farmaajo iyo Itoobiya ay halis ku yihiin khudbado uu jeediyay wakhtigii uu ku jiray ololahii doorashada oo ka dhan ahaa dalalka Gobalka ee ay ciidamadu ka joogaan Somaliya.