Xaalad Cakiran Oo Ka Dhex Taagan Xukuumadda Iyo Xisbiga Waddani

0
570

Hargeysa(Geeska)-Xaalad siyaasadeed oo adag oo mararka qaarkood lugaha la galaysa ammaanka qaranka ayaa ka dhex taagan xukuumadda Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaanay xaaladu shalay ku dhawaatay meel khatar ah.

Guddoomiyihii garabka dhallinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayaha ciyaaraha xisbigaas Yoonis Axmed Yoonis, ayaa shalay la horkeenay maxkamadda iyadoo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo inay ka soo horjeesteen waddo dawladda hoose ee Hargeysa banaynaysay iyo weilba inay aflagaado u gaysteen ciidanka Booliska. Qareenada siyaasiyiintan difaacayay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaas dacwadda ah.

Markii ay dacwadu dhammaatay ayaa ciidamada Booliska oo hortaagnaa maxkamadda waxay xidheen Cabdillaahi Daamur oo ka tirsan guddiga fulinta ee Xisbiga Waddani, waxaana guuldaraystay dedaalo ay siyaasiyiinta Waddani eemaxkamadda ku sugnaa doonayeen inay Booliska ku qanciyaan inaanay xidhin siyaasiyigan, waxaana bilaabmay xaalad qasan iyadoo ay Boolisku rasaasta kor u rideen.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah madaxda xisbiga Waddani oo saxaafada la hadlay ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee taagan. Mr. Khaliif ayaa ku hanjabay in haddii xukuumadu iclaamisay dagaal uu xisbigooduna iclaamin doono dagaal la mid ah oo jawaab ah, waxaanu sheegay inaanu xisbigu aqbali doonin ku tumashada xuquuqda aadamaha oo uu xukuumadda ku eedeeyay, “Xisbi ahaan waxaanu cadaynaynaa arrintaas marna inaanaan aqbali doonin. Hadday Xukuumaddu iclaamiso Dagaal, Xisbiguna wuxuu iclaamin doonaa Dagaal la mid ah, taasina waxay Dalka u horseedi doontaa Masiibo iyo dhibaato aan laga soo kaban karin.” sidaas ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu sheegay in xisbigoodu ka mahad sheeganayo garsoorka, balse wuxuu eeddo u jeediyay ciidamada Booliska oo uu sheegay inay sifo aan sharci ahayn xataa u gudo galeen maxkamadda.

Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isna yidhi "Xukuumadda iyo xeer ilaalintu halkii ugu danbaysay ayay istaageen ee dhibaato waxii ay marin karaan, waxaanse rajaynayaa in waxa halkaas uga cadaadaa uun uu xaasil u noqon doono, inkasta oo aanu markhaatiyaashii dhagaysanay hadana maxkamada ka sii hordagimayno, cadaalad uun baanu ka filaynaa garsooraha qaadayay kiiskaas."

Xuseen wuxuu intaas raaciyay "Maxkamada dhexdeeda hanjabaad ayaa ka dhacday masuuliyiintii qaabilsanaa inay umadda ilaaliyaan nabadooda  oo ay xuquuqdooda ilaaliyaan, waxa halkaas laga yidhi ( hebeloow hadaad dibada u baxdo intaasay dhaar iga tahay hadaan katiinad kugu jabin waayo), waxa uu ninka kale ka yidhaahdaa waa fal celin uun, laakiin hanjabaada ninka labisan qof aan wali qodob xeer jabin dhaarta uu ku dhaartay deelqaaf ayaan u arkaynay, waanu fuliyay oo waakii xidhay, markii masuuliyiintu maxkamada ka soo baxaysay ciidan wax lagu buuxiyay oo dagaal loo diyaariyay, Axmed Safiina saddex goor ayaa katiinada suxulka lagaga dhuftay, ciidankeenu waa kaas waxuun dhagta loo saarayo ee weerar qaada uun lagu odhanaayo. waxa ii muuqata in xukuumaddu xisbigan ay u aragto inuu yahay kii badalaayay inay go'aansatay in aan doorashaba laysla gaadhin."

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  "waxaad moodaa saraakiisha xisbiga ka xidhan inta la kala hubsanaayo inay danbi galeen iyo in aanay galin inay xukuumaddu ku aargoosanayso in la xidho oo aan cid la tusin oo ay godad ku rido,kii u hadlana inay tidhi ha ka daba tago  oo isagana siday doonto intay u waxyeelayso ay ka daba gayso, xukuumadeenii halkaas ayay maraysaa waxay maraysaa xili aanay waxba dhawranayan, umaddaay xukuumad dantiina wada oo nidaamkiina dhawraysaa in aanay oolin ayaanu u aragnaa, waxa noo muuqata dalka aad ogaydeen dhibaatada ku dhacday ee boob leh ee wax wal oo dalku hanti u lahaaba xaraashay inay tacadiyo ku darsanayso, waajibaadka xisbi mucaarad ah leeyahay waxa weeye inuu shacbiga u cadeeyo khaladaadka ay xukuumadu ku jirto, sharci ayaa siinaya oo xasaanad ayuu ku leeyahay, xukuumaddana inay isbasriso ayaa u taala, shacabiga waxaan leeyahay waxii laga dagaalmay ayaa hortiina maraaya oo qof walba haysta. cadaalad darada qof  muwaadin ah ku dhacdaa qof walba saamayn ayay ku leedahay, hadaad ka dhiidhiyi waydaana walaahi inay god walba gali, rasaasta maxkamada ka hordhacday ciyaar maaha ee masuuliyiinta xisbiga nin qori lala dhaco, nin sida jawaanka la waldaamiyo xiliyo aynu garanayano ayuun baa ay dhici jirtay, waxaan leeyahay dadkoow sida aad nidaamkaas isaga dulqaadi lahaydeen taladeedu way idiintaalaa iyo sidii aad cadaalada ugu hiilin lahaydeen."