Ciidanka Qaranka Oo Fashiliyey Weerar Ay Kooxda SSC Soo Qaaday

0
901

 

qaranLascanod(Geeska)-Ciidamada qaranka Somaliland ee  ku sugan deegaanka Gambadhe oo 35Km dhanka bari kaga beegan Laascaanood ayaa waxa weerar ku soo qaaday kooxda nabad diidka ah ee SSC.

 

Cutub ka mida ciidanka qaranka iyo kooxda nabad diidka ah ee  SSC ayaa fooda isku daray Gambadhe habeen hore, waxaana soo kala gaadhay khasaare sida la sheegay sababay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhanba ah. Ciidanka qaranka sida uu noo sheegay gudoomiyaha gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, waxaa ka dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada qaranka, halka uu mid kalena ka geeriyooday ciidanka qaranka. Waxaanu intaas ku daray in kooxda weerarka soo qaaday qudhooda ay soo gaadheen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, hase ahaatee sida uu sheegay aanay xaqiijin karin khasaarada kooxda kale soo gaadhay.

Gudoomiyaha gobolka Sool oo aanu wax ka weydiinay ayaa yidhi “Ciidamadii joogay Gambadhe ayaa iska difaacay kooxdaas, ciidankeena Somaliland hal askari ayaa ka dhaawacmay midna wuu ka dhintay, xagoodana waxaa jira dhimasho iyo dhaawac laakiin kuuma xaqiijin karo hada khasaarahooda, si kadis ah ayey ku soo galeen aaga uu joogay ciidanka qaranku”.

Sidoo kale mar aanu weydiinay goobta ay weerarka ka soo qaadeen kooxda SSC waxa uu sheegay in aanay lahayn meel gabood u gaar ah, waxaanu yidhi “Goobta ay ka soo baxeen qolyaha weerarka soo qaaday ilaa hada si cad looma garanaayo, meelahaas ayey war wareegaan xaalkooduna waa ku dhufo oo ka dhaqaaq. Hadii ay doonaan buuhoodle ayey ka soo guuraynayaa oo ay weerarka ka soo qaadayaan”

Sida uu noo sheegay gudoomiyaha gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye askariga dhaawcmay ayaa lagu daaweynayaa cisbitaal ku yaala magaalada Laascaanood, waxaanu intaas ku daray in xaalada guud ee gobolka haatan ay tahay mid degan oo ka xasiloon sidii ayaamihii tagay.

Kooxda weerarka soo qaaday waxaa hor jooge u ahaa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya dhanka SSC-da nin lagu magacaabo Cali Sabarey, waxaanay hadda dib uga laabteen sida uu sheegay gudoomiyuhu halkii ay ka soo duuleen oon la aqoonsan wali balse ay dad xogogaali noogu sheegeen inay tahay Buhodle.