Aabe Duruufaysan:- Walaal Cisbitalka Weyn Maad Ii Gaadhsiin

0
753

Waa Aabe dhibaataysan oo laabta ku sita ilmo yar oo uu dhalay, oo aan wax dhaqdhaqaaq ah samaynayn, waxa daba socota haweenay aan u maleeyay inay ilmaha hooyadii tahay, waxay doonayaan in ilmaha loo gaadhsiiyo cisbitaalka guud ee Hargaysa.

Muuqooda  inay duruufaysan yahiin oo xalku ku cakiranyahay way ka muuqatay. Aabaha ayaa ilmahan yar la ordaayay, ilmaha yar go’baa ku duubnaa, waxaan kula kulmay muuqan murugada badan wadada halbawlaha ah ee magaaladda Hargaysa dhex marta.

Aabahan waayahu ku ciiray waxa uu baryo ula tagay wiil dhalinyaro ah oo wadada laamiga ah dhinaceeda meel baarkina gaadhi uu watay ku dhex jira, waxa uu ka codsaday inuu dhakhtarka u gaadhsiiyo ilmahan yar ee dhibaatudu haysato, si fiican umuu maqlin wiilku codsiga Aabahan dhiban, marlabaad ayuu ugu celiyay isaga oo leh “Walaal cisbitaalka wayn  maad ii gaadhsiin” marka uu sidaas leeyahay waxa uu tusayaa ilmahan yar ee uu sito ee xaanuunsanaaya. Waxa uu ugu jawaabay maya.

Aabahan la ordaaya ilmahiisan xanuunsanaaya wakhti iskagama-sii lumin wiilkan diiday inuu ilamaha u qaado, wiilkiina telaefoonka gacanta oo uu ku hadlaayay ayuu iska sii watay, isaga oo aan xaaladaas adag siin wax dareen ah.

Waxa uu cagta saaray wadada cisbitaalka, isaga oo sidii u sita ilmhii xanuunsanaaya. Axeey waa xaalad murugo badan, waxaa igu soo dhacay maxaa badalay dhaqankii Soomaalida ee is caawintu ay u hayd tiirka ugu wayn, bulshadu magaalooyin waawayn way dhisatay lakiin hadaanay is qaraarinayn maxay soo kordhiyeen.

Somaliland waxay maanta ku faantaa ee u wayn waa inay haysato nabadgalo iyo haykal dawladnimo, lakiin waxay su’aali ka taagan tahay wadankan ma sii jiri karaa hadii camal-laanta iyo faqrigu sii bato.

Saboolnimadu waxay sabab u noqotaa daganaasho la’aan, qofkuna waxa uu nabada ilaaliyaa inta uu haysto nolasha.

Hadaba waa in dadka Somaliland in uun ka naxayaa ay da’daal ku baxiyaan sidii loo dhimi lahaa faqriga iyo camal-laanta muwaadiniintii dulaysatay, dadka iyo dalkan waxay u baahan yahiin inay isku tashadaan oo ay nolal samaystaan.

 

Maxamed Maxamud Haybe

Sonsfayr@hotmail.com