Geeska Afrika Oo Helay Xog Ku Saabsan Urur Somaliweyn Ah Oo Hargeysa Ku Qabanaya Shirweyne

0
618

 

xogHargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu helay xogo tibaaxaya qorshe uu wato urur lagu magacaabo Worldwide Somali Students and Professionals (WSSP) oo uu fadhigiisu yahay magaalada London.

Ururkan oo ay iska leeyihiin dad Somali ahi, ayay ujeedadiisu tahay abaabulista dhallinyarada Somaliyed ee dunida ku filqan si looga faa’iideeyo hibooyinkooda iyo inay wada shaqeeyaan si loo gaadho wax ay uguy yeedheen baahiyaha qaran han leh. Sida ay sheegayso xogta uu helay Geeska Afrika, ururkan waxa u qorshaysan inuu dhawaan Hargeysa ku qabto shirweyne socon doona laba maalmood oo ay sheegeen in lagaga wada hadli doono wax ay ugu yeedheen caqabadaha hortaagan nidaamka waxbarasho ee dal aanay magacaabin iyo in la isku dayo in la qaabeeyo hawlaha musaqbalka. Ururku qormo uu isku sharaxayo, oo uu ku baahiyay bartiisa Internetka, wuxuu ku yidhi  “Ururka ardayda iyo xirfadlayaasha Somalida ee WSSP (Worldwide Somali Students and Professionals (WSSP),  waa urur aan faa’iido doon ahayn, waa dhaqdhaqaaq siyaasiya. Waanu da’yar nahay, casr baanu nahay, rumaysanahayna in wanaag loo sameeyo dalkeena dartii halkii lagaga foogaanaan lahaa gobalaysi ama qabyaalad iyo qoysnimo la xidhiidha.”

Ururku isagoo xubnihiisa sii sharaxaya iyo dalka ay u dhasheen wuxuu yidhi “Xubnahayagu waa enijeero, dhqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad, barayaal, saynisyahano iyo hoggaamiyayaasha mustaqbalka ee Somaliya. Waxay iskaga yimaadeen dhammaan daafaha Somaliya, waxaanay ku filqanyihiin dhamaan qaaradaha dunida.”

Ururkan, waxa iyaguna qaylo dhaan ka soo diray qurbo jooga Somaliland ee dalka Ingiriiska, oo ay ilo xogogaali u xaqiijiyeen Geeska Afrika,inay xukuumadda u soo direen dhambaalo ay kaga digayaan in ururkaas loo ogolaado inuu shirkan ku qabto magaalada Hargeysa, maadaama oo uu ka soo horjeedo qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland aaminsanyahayna Somaliweyn.  Ilahaasi waxay intaas ku dareen inuu ururkani Hargeysa u soo diray nin reer Somaliland ah oo hawlaha shirkan qaban qaabadiisa ku jira, wuxuu ninkani degenyahay dalka Ingiriiska, wakhtigana wuxuu joogaa Hargeysa.

Ururku bartiisa Face book-a, wuxuu ku shaaciyay qabashada shirkan, waxaanu yidhi “Munaasibadda ku dhawaaqista  barnaamijka rajo ku soo celinta dalka, ayaa shir sannadeedkii waxbarasho ee u horeeyay sannadkan lagu qaban doonaa Hargeysa 10—11 July. Shirku waxa uu isu keeni doonaa macalimiin, kuwo jaamacadeed, cilmi baadhayaal, saxafiyiin, aqoonyahano, iyo dadka siyaasadda jaan gooya si ay uga doodaan xaaladda waxbarasho ee Geeska Afrika. Ujeedadu shirku waa in la qeexo caqabadaha hortaagan nidaamka waxbarasho iyo in la isku dayo in la qaabeeyo hawlaha  mustaqbalka.”

Ururka WSSP, wuxuu qoraalkiisa baahinta shirkan ku sheegay inay shirkadda Dahab Shiil kulanka maalgelinayso, waxaanay intaas raaciyeen inay xubno sare oo isugu jira, wasiiro, madaxda kuuliyadaha jaamacadaha iyo agaasimayaal, damaanad qaadeen inay ka qayb geli doonaan. Laakiin ururku ma magacaabin wasiirada iyo masuuliyinta kale ee shirkaas ka qayb geli doona.

Hase yeeshe muddooyinkan u dambeeyay waxa caado noqotay inay ururada iyo hay’adaha dalka Somaliya siyaabo kala duwan ku soo galaan magaalada Hargeysa iyagoo dusha ku wata mashaariic ay inta badan ku qarsoonyihiin ajandayaal siyaasadeed. Dhawaana xubno ka tirsan guddiga qorista Distoorka Somaliya ayaa sheegay inay safar ku yimaadeen magaalooyinka Somaliland, waxaanay wararka qaar sheegeen inay si dhuumasho ah ku tageen magaalooyinka dalka qaarkood. Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay qarankan iyo shacabkiisa ka ilaaliso cid kasta oo danahooda uu dhiigga badani u daatay, maalka badanina ku baxay turqaysa amaba ku dhex fidinaysa ujeedooyin qarsoon, si gaar ahna waa inay isha ugu haysaa shirkaas oo aanay cidna ka yeelin inay afkaaro ay umaddu ka tashatay 21 sannadood ka hor la shirtimaado.