Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, ayaa helay warqad uu wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade u qoray wasiirkii arrimaha dibadda ee xukuumadii hore Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo ku amrayo inuu ku baneeyo guriga uu degenyahay ee ku dhegan Madaxtooyada Somaliland. Jiritaankan warqdan gebi ahaanteedba wuu dafiray wasiir Xaabsade.
Qoraalkaas Wasiir Xaabsade oo ku taariikhaysan bishan Oktoobar labadeeda, wuxuu wasiirku ku amray Cabdillaahi Maxamed Ducaale ama cidda ka hadda joogta guriga inuu ku baneeyo muddo 15 cisho gudahood ah.
Haddaba, markii ay warbaahinta qaar ka mid ahi baahiyeen qoraalkan Wasiir Xaabsade, wuxuu habeenimadii khamiistii Wargeyska Geeska Afrika la xidhiidhay Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo uu wax ka weydiiyay jiritaanka warqadan, laakiin sida uu wargeysku cadadkiisii khamiistii baahiyay Wasiir Xaabsade, wuu dafiray gebi ahaanba jiritaanka warqadan. “ Wax war ah kama hayo guriga aad sheegayso, warqadna uma qorin, isaga iyo kuwo kale toona.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade.
Wasiir Xaabsade oo aanu su’aalnay waxa uu ka ogyahay in warbaahintu ay warkaas baahinaysay waxa uu yidhi “Wararkaas la qoray kama hadlaayo anigu, laakiin gurigaas wax warqad ah umaan qorin.”
Haddaba, Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ku guulaystay inuu helo warqadda uu wasiirku dafirayo ee uu qoray, oo sida qoraalka laga dheehanayo uu ku fulinayo amar la faray oo ku suntan warqad la qoray 24/09/2012 oo uu tirxaaracayo, iyadoo la ogyahay in cidda keliya ee wasiirka amar siin kartaa tahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Haddaba, qoraalka uu wasiirka Axmed Cabdi Xaabsade qoray oo uu ku socodsiiyay Cabdillaahi Maxamed Ducaale ama cidda joogta Guri A/200, nuxurkeeduna ahaa banaynta Guriga NO A/200, waxay u qornayd sidan: “Tixraac warqadda sumadeedu tahay JSL/M/WHG/GG/236/1334/09/2012 ee ku taariikhaysan 24/09/2012 nuxurkeeduna ahaa banaynta guriga kor ku xusan.
Sidaas daraadeed, anigoo fulinaya amarka ay xambaarsantahay warqadda kor ku xusan waxaan farayaa cidda ku jirta guriga inay baneeyaan muddo (15 cisho ah) gudahood kana bilaabanta maalinta qoraalkani baxo.”
Lama garanayo sababta uu wasiir Xaabsade u dafiri karo warqad uu sifo sharci ah xafiiskiisa kaga soo saaray oo uu weliba gaadhsiiyey cidda ay khusaysay, waxase la malayn karaa in ay jirto sabab awooddiisa ka baxsan oo lahayd amarka iyo joojinta ka bixidda guriga.