Dood Xiiso Badan Oo Dhex Martay Wasiirka Duulista, Duur, Cali-Gurey Iyo Indho-Indho Oo Eeddo Tiro Badan La Isugu Jeediyay

0
527

Picture7Hargeysa(Geeska)-Mid ka mid ah doodaha siyaasadeed ee wadanka ugu xiisaha badan ayaa shalay dhex martay wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Nuur Caraale (Duur), Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) iyo xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha guurtida.

Dooddan waxa soo qaban qaabiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka Star TV, waxaana masuuliyiintan dhex martay dood adag oo ay mararka qaar isku baxsadeen iyagoo isku weeraray siyaasado badan.

Dooddan oo caawa 9:30 habeeno ee saacadda Bariga Afrika laga daawan doono Telefishanka Star, ayaa waxa ay siyaasiyiintani isku qaadeen weerar aanay waxba isula hadhin oo dhinac walba ah.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale, ayaa inta ay doodu socoto wuxuu  si toos ah u weeraraya wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay wasiirada aan dhicin ee madaxweynaha lala doortay, “Maxamuudoow marka far gaar ah lagugu tilmaamo oo wasiirada aan iyagu dhicin aad ku jirto ee madaxweynaha lala doortay.” Ayuu ku yidhi Duur, isagoo ku dooday inaanay xukuumadu sharciga raacin ee ay baalmarto,  waxaanu Maxamuud Xaashi hadalkaas Duur kaga jawaabay weerar kale oo uu ku qaaday, waxaanu ku yidhi “Saaxiibkay Duur sharcigaas uu leeyahay lama raaco, sharcigu waa kuu ku dagaalamayay ee uu dadka ku laynayay ee uu ku hanjabayay, waa wasiirkii lahaa reer meel taayiro  ku guba oo isu soo baxa qarankani wuu dhaafay.”

Isago hadalkiisa sii wata lana hadlaya murashixiinta mucaaradka wuxuu wasiirka duulista yidhi “Waxaan leeyahay waar qabyaaladda iska daaya, oo madaxweynayaal reero iyo qabyaalad laguma noqdee umadda ha burburina waan leeyahay oo garaadkiinu ha sareeyo.”

Hase yeeshe Mujaahid Cali-Gurey ayaa isna si toos ah u weeraray wasiirka duulista, waxaanu yidhi “Afartiina wasiir eed adigu ka mid tahay, ee Xirsi ka mid yahay ee Cali Siciid Raygal ka mid yahay ee wasiirka macdantu ka mid yahay, intaas oo wasiiro ah ayuu bedelay madaxweynuhu, kolkaas afartiina wasiir ee beeshiisa ka soo jeedaa miyaad ka wanaagsantihiin idinku dadka kale.”

Xildhibaan Indho-indho ayaa isna si adag u difaacay go’aanka muddo kordhinta golaha guurtida, isagoo eedaymo u jeedinaya xisbiyada mucaaradka.