HARGEYSA (GEESKA) — Waxaa si rasmi ah isu beddelay dhabaddii diblomaasiyadda ee Geeska Afrika iyo caalamka Islaamka! Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho taariikhi ah oo dowladeed ku jooga dalka Israa’iil, ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynihii 5-aad ee Islaam ah ee booqasho heerkeedu sarreeyo ku taga wadankaas saaxiibka dhow la ah Somaliland.
Booqashadan Qaaliga ah ee Madaxweyne Cirro ayaa calaamad u ah guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Somaliland, maadaama Israa’iil ay tahay dalkii ugu horreeyay ee si buuxda u aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland. Tallaabadan ayaa ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee safka hore ka gala Madaxda Dunida Islaamka Ee Dhiirratay Inay Xidhiidh Toos Ah La Sameeyaan Israa’iil.
Haddaba, Waa Kuwan Afartii Madaxweyne Ee Horey U Qaaday Tallaabadan Ka Hor Madaxweynaha Somaliland:
- Anwar Sadat (Madaxweynihii Masar)
- Xilligii Booqashada: November 19, 1977.
- Guusha Taariikhiga ah: Wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Carabi iyo Muslim ah oo si rasmi ah u booqda Israa’iil. Tallaabadiisii dhiirranayd waxay dumisay derbigii go’doominta, waxayna horseedday heshiiskii caanka ahaa ee Camp David.
- Idriss Déby (Madaxweynihii Hore ee Chad)
- Xilligii Booqashada: November 25, 2018.
- Guusha Taariikhiga ah: Wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee ka socda dal aqlabiyaddiisu Muslim tahay oo ku yaalla badhtamaha Afrika (Chad) oo booqda dalka Israa’iil, taas oo dib u soo noalaysay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada qaran.
- Abdurrahman Wahid (Madaxweynihii Hore ee Indonesia)
- Xilligii Booqashada: Wuxuu booqashooyin dhowr ah ku tagay Israa’iil isagoo noqday hoggaamiye weyn oo u ololeeya wada-hadalka diimaha iyo xidhiidhka caalamka Islaamka iyo Yahuudda, inkastoo dalkiisa Indonesia aanu lahayn Xidhiidh rasmi ah.
- Mohamed Nasheed (Madaxweynihii Hore ee Maldives)
- Xilligii Booqashada: Intii uu xafiiska joogay, wadankan boqolkiiba boqol Muslimka ah wuxuu dhisay xidhiidh saaxiibtinimo iyo iskaashi ballaaran oo dhinacyada caafimaadka iyo dalxiiska ah oo uu la yeeshay Israa’iil.
- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) (Madaxweynaha Somaliland)
- Xilligii Booqashada: June 14, 2026.
- Guusha Taariikhiga ah: Madaxweyne Cirro ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14-ka Juun, 2026 si hab-maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay Qudus. Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay furitaanka rasmiga ah ee Safaaradda Somaliland ee Qudus. Wuxuu si fool-ka-fool ah ula kulmay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, isagoo noqday geesiga cusub ee u horseeday Somaliland aqoonsi caalami ah iyo iskaashi dhinacyada ammaanka, tiknoolajiyada, iyo dhaqaalaha ah












