Garabka Jamaal Oo Magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbiga UCID

0
560

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Gurey), ayaa shalay magacaabay shan xubnood oo garabka Jamaal Cali Xuseen uga qayb geli doona qaban qaabada shirweynaha xisbiga UCID ee ay maxkamadda sare go’aamisay in lagu qabto 60 maalmood gudahood.

1

Haddaba, Mujaahid Cali-Gurey oo tixraacaya go’aanka maxkamadda sare, wuxuu magacaabay shantan xubnood oo ka mid noqon doona guddiga qaban qaabada, waxaanay kala yihiin:

1.Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

2.Xuseen Caynaan Faraax

3.Xussen Xasan Badmaax

4.Aadan Cali Yoonis

5.Cali Maxamed Xassan