31kii Maarj, 1987kii ayaa Guddoomiyaha lagu diiday Guddidii Fulinta. 1dii Abriil, waa maalintii xigtay ‘e, saacaddu markay ahayd 16.10 saacadood oo casar ah, ayuu Guddoomiyihii hadalkan u jeediyay Kal-fadhigii Golaha Dhexe. Inta badan hadallada caynkan ahi ma ay raacin jirin khudbadaha furitaanka iyo xidhitaanka, bal se waxa lagu ladhi jiray marka xaal hirig noqdo.
Maalintaa wuxu Guddoomiyuhu yidhi:
“Waxan doonayaa in aan idin dareensiiyo dhacdooyin badan oo hareeraheenna ka socda, sida Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ay Maxamed Siyaad Barrena ilmo-adeer ahaayeen oo Adis-ababa u yimid arrintii Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu soo qaaday Mengistu Xayle Mariam Diri-dhabe yimid oo ay is-arkeen Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka wada hadlaya kolley arrintii dhex-dhexaadinta iyo kuwo iyaga u gaar ahba. Dhinaca kale Jigjiga iyo Ciidammadeennii iyo degaankaa waxa ka taagan iyo aagga Woqooyi abaabulka uu immika kaga jiro goobaha dagaalka iyo dagaallada dhabarka, oo innagana ay Mujaahidiinteennii hadda halkan iyo Jigjiga tuban yihiin. Waxa kale oo suuroobi waayay, Shirweynaheennii ka hor dhowr hawl-gal. Markaa joogitaankeenna iyo murankeenna halkani wuxu keenayaa dibudhac. Waxa kale oo I na soo gaadhaya waraaqo dibadaha ah oo sheegaya in la inagu soo maqan yahay. In kasta oo ay fadhigeennii badnaa ay ka soo baxeen go’aammo badan oo loo baahnaa haddana maa daama ay inteenna halkan isugu timid ay yihiin intii ummadda u talinaysay, waxaan soo jeedinayaa in aanay waqti dheer inagu qaadan”.
Su’aaushu se waxay ahayd ha la tagee maxaa lagu tagaa? Guddoomiyiha Shirweynihii ayaa doortay, hay’adihii kale se maye? Beryihii danbe sheekadu waxay gaadhay kubbad ayaa Soomaaliya iyo Itoobiya ciyaarayaan ee dhakhsada.
Doodda inteedii badnayd waxay ku saabsanayd sidii Guddoomiyaha loogala talin lahaa Guddida Fulinta iyo sidii codka loogu qaadi lahaa. Cod-qaadista waxa la isku hayay ma mid mid ayaa loogu qaadaa mise duuduub oo mar keliya ayaa la soo dhigaa. Si arrintaa cod-qaadista go’aan looga gaadho Guddoomiye Siilaanyo ayaa codsaday in Mujaahid Cabdilxakiim Maxamed Aadan (Qaaddi Sumuni) oo hore u ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare aqoon fiicanna u lahaa sharciga isla markaana ku habboonaa in uu ururka kala taliyo.
Hadal dheer ka dib Qaaddi Cabdilxakiim wuxu talo-bixintiisii ku soo ururiyay in la raaco habka Golaha Dhexe loo doorto oo qaabka doorasho ee ururku mideysnaadaan. Sidaa darteed wuxu soo jeediyay in mid mid codka loogu qaado. Habkaasina wuxu ahaa hab fudud oo qofka aan la doonayn ayaa hadhayay, Guddoomiyuhuna sidaa ayuu ku camal-fali lahaa oo kii lala hadhaba wuu beddeli lahaa.
Guddoomiye Siilaanyo ma uu jeclaysan talo-bixintaa Qaaddi Cabdilxakiim arrintiina wuxu geliyay cod. Waxay cod-bixxintaasi u dhacday:
Duuduub: 16 cod,
Mid mid: 16 cod,<%2