Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed Oo Madaxweynaha Uga Mahad-celiyey Qaban-qaabadii Aaska Cumar Carte Qaalib

0
607

Hargeysa (Geeska) – Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa uga Mahad-celiyey sidii ay u qaban-qaabisay aaskii Cumar Carte Qaalib oo Khamiistii lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed oo ku hadlay Magaca Qoyska reer Cumar Carte Qaalib ayaa Madaxweynaha uga Mahad-celiyey sidii wanaagsanayd ee Guddigii uu u saaray qaba-qaabada aasku hawsha u qabteen.

Ganacsaduhu wuxuu sheegay in Qoyska reer Cumar Carte Qaalib u Mahad-naqayaan Cid kasta oo kale oo ka qayb-qaadatay aaska Cumar Carte oo ahaa Siyaasi Ruug-caddaaya oo muddo dheer ka soo shaqaynayey siyaasadda Soomaalida isla-markaana ka gaadhay Raysal-wasaare “Anigoo ah Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed oo ku hadlaya Magaca Qoyska Reer Cumar Carte Qaalib waxaan Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uga Mahad-celinayaa aaskii Qaran uu u sameeyay Marxuum Cumar VCarte Qaalib oo Ummadda iyo dalkaba abaal ku lahaa. Waxa kale oo aan Shacabka Somaliland uga Mahad-celinayaa sidii ay uga qayb-galeen aaskaa, waxaanan leeyahay Alle ha idinka abaal-mariyo, Qoyska reer Cumar Cartana waxay halkan idiin soo marinayaan Salaan iyo Mahad-celin..”

Ugu dambayn, Aaska Marxuumka loogu sameeyay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirro, hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Shir-guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo qaybaha kale ee Bulshada Somaliland.