Ganacsade Cali Cumar Oo Hambalyo U Diray Guddoomiyaha Cusub Ee Rugta Ganacsiga

0
1257

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim .

Rugta ganacsiga ayaa toddobaadkan waxay guddoomiye u doorteen Jamaal Caydiid Ibraahi. Ganacsade Cali Cumar, wuxuu yidhi, “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guddoomiyaha cusub ee loo doortay rugta ganacsiga Jamaal Caydiid, waa  nin aan aqoon badan u leeyahay, khabiirna ku ah arrimaha ganacsiga, markaas waan bogaadinayaa, Allena waxaan uga baryayaa inuu xilka u fududeeyo, ganacsatada haddii aanu nahayna waxaanu balan qaadaynaa inaanu la shaqayn doono.” Ayuu yidhi Cali Cumar Xasan Guuleed.

Guddoomiyihii hore ee rugta ganacsiga Maxamed Shukri Jaamac, ayaa is casilay toddobaadkan, isagoo is casilaadiisa ku sababeeyay arrimo u gaar ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here