Hargeysa(Geeska)-Isku shaandhayntii u dambasay ee uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore ku sameeyay golihiisa xukuumadda iyo qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada, ayaa waxa laga dareemayaa in la soo saaray iyadoon aad looga baaraan degin xilalka la magacaabayo iyo kuwa la isku beddelayo, si loo hubiyo in ay u dhaceen sidii ugu habboonayd.
Marka laga tago wasiirada is casilay ee saluugay isku shaandhaynta iyo beelaha cabashada iyo tabashada ka muujiyay qaabka isku shaandhaynta, waxa kale oo la dareemayaa in tashi la’aan iyo deg deg badani uu ka muuqday masuuliyiinta la magacaabay iyo shaqooyinka loo dhiibay oo aanay qaar badan is lahayn. Waxa kale oo isku shaandhaynta laga arkay in wasaaradaha qaarkood lagu ururiyay hal beel keliya oo ka mid ah beelaha Somaliland wada dega, iyadoo weliba ay wasaaradani tahay wasaarad muhiim u ah hawlaha qaranka ee amniga iyo siyaasadaba.
1. Taliska Ciidanka Badda: Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka badda Axmed Aw Cismaan Cabdi, oo ahaa masuul aqoon iyo khibrad u leh ciidankan iyo baddaba. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu taliskan ka wareejiyay taliye xigeenkii ciidanka badda Cabdi Xirsi Ducaale oo isna sidoo kale ahaa sarkaal aqoon iyo khibradba u leh taliskan uu joogay iyo hawlihiisa, waxaana laga dhigay abaanduulaha ciidanka qaranka, iyada oo la dareensan yahay in aanu aqoon badan u lahayn hawlaha ciidanka qaranka oo maamul ahaan iyo hawl ahaanba aad uga fog ciidanka badda. Taliskan inta laga kaxeeyay masuuliyiinta khibrada u lahaa ee weliba dhisay ayaa waxa loo magacaabay Maxamed Xuseen Xiirane oo ahaa taliyihii ciidanka asluubta. Mr. Xiirane aqoon iyo khibrad midna uma laha ciidanka badda.
2. Taliska Ciidanka asluubta: Taliska ciidanka waxa laga kaxeeyay taliye Maxamed Xuseen Xiirane oo la geeyay ciidanka badda, waxaana loo magacaabay Maxamed Cismaan Xudhuun. Taliye Xudhuun inkastoo uu yahay khabiir ciidan, haddana weligii kama uu shaqayn ciidanka asluubta, waxaanu ku koobnaa ciidanka qaranka. Halka taliskii laga kaxeeyay Taliye Xiirane oo aqoon iyo khibradba u lahaa taliska ciidanka asluubta oo uu aad u dhisay, iyadoo mudadii uu ahaa taliyaha ciidanka asluubta la dareemay isbedelka horumar ee ka muuqda asluubta. General Xudhuun ayaa waxa uu isna ku wanaagsanaa hawshii ciidanka qaranka oo hore looga qaaday shaqadiisa.
3. Wasaarada Arrimaha Gudaha: Wasaaradda arrimaha gudaha oo ah wasaaradda ugu shilis wasaaradaha xukuumadda, ayaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo doorkan ku ururiyay masuuliyiin ka soo jeeda beelaha Isaaq, waxaana xilalkeeda sare ka baxay dhammaan beelaha kale ee wadanka degaa. Wasaaradani waxay muhiim u tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee qaranka Somaliland, waa wasaarad hawsha ay qabataa aad u baaxad weyn tahay lagama maarmaanna u ah in ay ka dhex muuqdaan dhammaan beelaha Somaliland, taas oo dan u ah shaqada wasaaradda iyo in ay si habsami ah u gudan karto waajibaadkeeda shaqo ee amnigu ugu horreeyo. Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa hore uga dhex muuqday beelaha Somaliland degen intooda badan. Laakiin isku shaanqayntii dhoweyd ee madaxweyne Siilaanyo kadib, waxa wasaaradii lagu wareejiyay Beelaha Isaaq. Wasiirka wasaaradda arrmaha gudaha Cali Maxamed Warancade, wasiir-xigeenka maamulka gobalada iyo degmooyinka oo isna ah Axmed Faarax Cadare, wasiir xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Cabdi Daahir Camuud, iyo weliba agaasimaha guud ee wasaaradan oo horeba u ahaa Cabdisamad Cumar Maal. Dhammaan. Afartan masuul ee iskaga hooseeya wasaaradda arrimaha guduhu waxay ka soo jeedaan Beelaha Isaaq, waana markii u horaysay ee wasaaradan laga qadiyo beelaha kale ee Somaliland.
In Somaliland ay tahay qaran dhisan oo leh nidaam dowladeed oo hafta baxay waa xaiiqa waxase iyaduna biyo kama dhibcaan ah in aan la iska indho tiri karin nidaamka bulsho ee uu qarankani ku dhisan yahay oo ah hab-qabiileed dhaqan soo jireena muddo dheer ahaa, sidaa awgeed in haayadaha qaranka muhiimka u ahi ay noqdaan kuwo beelo keliyi ka dhex muuqdaan waxa ay khatar ku tahay hab-sami u shaqaynta haayadahan iyo weliba muuqaalka duleed ee gudaha iyo dibaddaba laga qaadan karo qarankan, waxa aanay muhiimaddeedu sii badanaysaa marka lala akhriyo duruufaha dhinaca qabiilka ku salaysan ee xilligan ka jira Somaliland, oo sida la og yahay bariga iyo galbeedkaba ay ka jirto cabasho la xidhiidha saami-qaybsiga kuraasta qaranka,
Waxaa iyaduna dad badani hadal hayaan ka fiirsasho la’aan ka muuqata isku-dhaandhayntan u dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan marka la eego iswaafajinta xilalka iyo masuuliyiinta loo magacaabay.