Wasaaradda Maaliyadda Oo Qaaday talaabo ay ku dhiirigelinayso Ganacsatada Wadaniga Ah Ee Dalka Maalgashata

0
1031

Eng-Maxamed-Xaashi-Cilmi-TNNHargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa qaaday talaabo uu ku dhiirigelinayo ganacsatada wadaniga ah ee maalgashiga ku sameeyay dalka, waxaanu kor u qaaday cashuurta laga qaado qaar ka mid ah ganacsiga dibadda laga soo waarido, maadaama oo ay ganacsato wadaniyiiin ahi dalka ka hirgeliyeen.

Waxa dalka Somaliland muddooyinkan dambe ku soo badanaya wershado kala duwan oo dalka gudihiisa ku sameeyay ganacsi dibadda ka iman jiray sida sharaabka, saabuunta, taydha, biyaha iyo kuwo kale oo la mid ah, waxaana wershadahan hirgeliyay ganacsato muwaadiniin ah oo dallka ku sameeyay maalgashi kaas oo ay bulsho tiro badani shaqo iyo dhaqaaleba ka helaan. Haddaba wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi ayaa wuxuu dib u eegis ku sameeyay qiimaha laga qaado sharaabka iyo saabuunaha kala duwan, waxaanu go’aamiyay in kor loo qaado cashuurta laga qaado badeecadahan taas oo ay dad badan oo bulshada ka mid ahi soo dhaweeyeen kuna tilmaameen talaabo muhiim ah oo lagu dhiirigelinayo ganacstada wadaniga ah ee dalka ka hirgeliyay wershadaha kala duwan ee sameeya ganacsiga hore looga soo waaridi jiray dalka dibadiisa.

Wershadaha kala duwan ee dalka laga hirgeliyay ayaa lagu qiyaasaa dhawr boqol oo milyan oo Dollar, waxaana ka sokow dhaqaalaha iyo shaqada ka soo baxa dhallinyaro ka faa’iida aqoon korodhsi dhinaca farsamada iyo culuunta IT-ga ah.

Inta badan ganacsiga Somaliland gaar ahaan kuwan cashuuraha lagu kordhiyay ayaa waxa ay ganacsato muwaadiniin ahi labaatankii sannadood ee u dambeeyay ka keenaan dalka dibadiisa.

Si kastaba ha ahaato ee ganacsigaa dibadda laga keenayaa marnaba muu noqon mid buuxiya kaalintii wadaniga ahayd oo ay ugu horreyso in dalka maalgashi lagu sameeyo iyo in shaqo abuur loo helo dadka muwaadiniinta ah ee shaqo la’aanta baahsani hayso, taas oo dhaqaale kobcin u noqonaysa dalkan curdinka ah

Waxyaabaha la taaban karo ee uu dalku si rasmi ah uga maarmay waxa ka mid ah biyaha la cabo ee la safeeyo oo hore looga keeni jiray dalka dibadiisa kuwaas oo markii dalka laga hirgeliyay wershado ay muwaadiniini leeyihiin laga maarmay in dalka dibadiisa laga soo waarido.

Hase yeeshe qaar ka mid ah ganacstada dalka ee ku guuldaraystay inay dalka keenaan wershado iyo shirkado dalka ku sameeya maalgashi ayaa ka xumaaday go’aanka wasaaradda maaliyada, kuwaas oo doonaya in ganacsiga dalku ku xidhnaado wadamo shisheeye oo ay faa’iido ku qabaan.