Gabiley: Bandhigii Buugga Hoggaaminta Ee Naadiga Timacade

0
701

Hargeysa(Geeska)-Mustafe Maxamed Khayre, Guuleed Saleebaan Hagoog iyo Maxamed Aadan (Iidoor) ayaa habeen hore madal la isku arkay oo ay qabanqaabiyeen Naadiga Akhristeyaasha Timacadde ee Gabiley ku soo bandhigay nuxurka buugaag ay soo akhriyeen oo ka hadlaysa hoggaaminta horseedda horumarka waxayna kala ahaayeen Good to Great iyo Transformational Leadership.

Marti-sharaf ka kala timid Gabiley, Boorama, Wajaale, Arabsiyo iyo Hargeysa ayaa madasha ka qaybgalay. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Xildhibaan Cabdi Xabiib, maamulka Jaamacadda Timacadde iyo marti-sharaf kale

Waxa madasha lagu falanqeeyey la iskuna weydaarsaday fikrado la xidhiidha muhiimadda hoggaaminta wanaagsan, dhaqanka looga baahan yahay qofkii  raba in uu noqdo hoggaamiye wanaagsan iyo sida ugu habboon ee ay tahay in loo maamulo xafiisyada iyo shariikadaha.

Guuleed Saleebaan Hagoog ayaa sheegay in hoggaamiyaha dhabta ahi uu yahay ka horseedi kara isbeddel isla markaana u dhabar adaygi kara duruufaha iyo caqabadaha ka hor imanaya inta uu ku jiro hirgelinta isbeddelkaas.

Mustafe Khayre ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyey in aanu hoggaamiyaha dhabta ahi ahayn ka kirbirka, qabka iyo faanka badan laakiin uu yahay ka ku mashquulsan sidii uu natiijo u soo saari lahaa, si xishmad leh iyo caddaalad kula dhaqma dadka uu hoggaaminayo, isla markaana aan lagu qiimayn waxa uu qabto inta uu xilka hayo laakiin sidoo kale lagu qiimoeeyo in dalkii, shirkaddii ama xafiiskii uu hoggaamiyaha uu dabadii sii waari karo. Mustafe wuxu sheegay in hoggaamiyaha aan wanaagsan lagu garto in meeshii uu hoggaaminayey aanay ka dambayn.

Maxamed Aadan (Iidoor) ayaa isaguna dhallinyarada la wadaagay khibraddiisa in muddo ah oo uu hoggaaminayey shariikado kala duwan. Wuxuuna sheegay in qofka shaqaalaha ah loo baahan yahay in uu noqdo la-hoggaamiye wanaagsan si uu mustaqbalka u noqdo hoggaamiye wanaagsan. Qof aan madaxdiisa si wanaagsan ula shaqayn oo aan oggolaan in la hoggaamiye suurtogal maaha in uu hadhow noqdo hoggaamiye wanaagsan ayuu yidhi Maxamed.

Maayarka degmada Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar Cabdi oo madasha hadal ka jeediyey ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhiirigelinta akhriska oo sida Mustafe, Guuleed iyo Maxamed ay dhallinyarada ula soo wadaagaan wixii ay buugaag akhriyaan.