Nin Is Faanay Waa Ri’ Is Nuugtay W/Q Niciima Cabdi Galiixe

0
967

Markii aan Furay Baraha bulshadu ku xidhiidho ishaydu waxay qabatay saaxiibada Barkulanka midkood oo soo Post-gareeyay Video-gan kadib waan daawaday waxanan arkay Wasiir Faanaya oo is cajabiyay, amaana aan waxba iskala hadhin.

Waa Wasiirka Madaxtooyada Mohamoud Hashi waxa hadadiisii ka mid ahaa “Waxaan noqday Duqii ugu Wanaagsana ee Magaalada Burco soo mara sanadkii 1991, wakhti 3000 oo Ciidana oo hubaysani ay magaalada soo galeen, waxan ku guulaystay in aan Maamulkii ugu wanaagsana ee Somaliland oo dhan soo mara aan Anigu ka dhisay Magaalada Burco, isla markaana aan ahaa ninkii Marti qaaday Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ka qabsomay” waxase yaab igu noqotay markii Wasiirku dadkii wakhtigaasi joogay ee markhaatiga ka furi lahaa uu u qaybiyay kuwo dhinatay & koox Gabowday oo aan maanta waxba kala garanayn. Waxay ahayd si doodiisu meel mar u noqoto in uu xuso kuwo nool oo maragga u gala, laakiin doodaasi waa mid weli isaga keliya ku kooban.

Wasiirka wuxu markale yidhi “ Golaha Wakiilada ayaan ka mid noqday sanadkii 1995, waxaana aan ahaa ninkii ugu da’ yar golaha laakiin intaasi ma dhaafin ”.

Intaa markii aan daawadayba waxa igu soo dhacday Maah-Maahdii Somaliyeed ee ahayd

"Nin Is faanshay Waa Ri, Is Nuugtay"

ALLAAH (SWT) wuxu qofka muslinka u diiday inuu isagu isku sheego wanaag (isagoo is amaanaya) waayo ALLAAH ayaa og kan cabsada. Islaamku kelmadda Aniga. Aniga wuu diiday marka loo isticmaalayo Kibir & in dadka la iskaga weyneeyo, Adigoo xataa wax wanaagsan qabtay oo run ah haddana haddii aad si istusnimo ah & halagu amaano ama dano kale aad ku doonayso taasi Islaamku wuxu ka dhigay Shirki & camal xun oo denbi ku ah qofkaasi.

Siyaasiyiinteena intooda badani Waxay Ku hafteen Badweynta Siyaasdeed ee Khariban ee ku dhisan Aqoon darada, Qabiilka, Faanka & Amaanta beenta ah ee kolba xubini mansab ku raadsanayo danihiisa gaarka ah ee hawada & baraha bulshada inooga soo tebinayaan wanaagyo isdaba taxan oo macmal ah iyagoo aan marna ku ladhin dhacdooyinkii kharibnaa ee ku lamaana noloshiisa siyaasadeed & ka horba.

Karl Immanuel Nitzsch oo Jaramalka u dhashay ayaa noqday Aabaha Qarnigii 18aad cilmiga ’PONEROLOGY’’ oo lagu lafo guro xumaanta ku jirta siyaasadda, Bulsha & Dawladnimada. ’PONEROLOGY’’ waa eray giriig ah oo macnihiisu yahay “Shar ama asalka xumaanta” . Political Ponerology Waa lafa gurka siyaasadeed ee arrimaha Bulshada ee xidhiidhka la leh waalida siyaasadeed & anshaxa guud ee bulshada iyadoo la adeegsanyo xogta qofka laga hayo sida Beenta, Aflagaado, Dagaal Xasuuq, Tuug, Eex, Gardaro, Danaysi Kelitalisnimo & wixii kale ee ku lamaan taariikhdiisa, Waana cilmi barashadiisu wakhtigan badan tahay.

Dhibaatda Maanta Somaliland ka jirta ee dib inoo dhigay waa Xumaantii, Tuugadii, Beentii & Faankii, oo dhamaantood la isla qirsan yahay in ay xun yihiin ayaa haddana ku milmeen nolosha & dhaqanka Siyaasiyiinta caanka ah ee aynu ku dayano ee inoo ah "Role Model" Siyaasada lafteediina waxay noqotay goobaha ugu muhiimsan ee xumaanta lagu helo Magac, Maal Mansab & Maamus, markay sidaa tahay waxaynu badhatanka ugu jirnaa badweynta siyaasadda aan miyirka qabin “Political Psychopath” oo hadaynaan badbaado helin ku hafan doono“ I don’t trust words, I trust actions“ "Iskuma Haleeyo Kelmadaha Dhego Barjada ah, Keliya Waxaan Rumaystaa Wax Qabadka Qofka ee Dhinaca Wanaagga.

Wasiirku hadduu 1991 sheegay inuu ahaa Maayar Burco oo weliba ururiyay cashuurtii dawladda dhexe & tan hoose xagay martay Cashuurtaasi? Dawladihii la dhisay ma u gudbiyay xisaab celin, & sidiii loo isticmaalay? Ma jiraa mashruuc maanta Burco ka muuqda oo uu ku fuliyay Cashuirtii Umada?

– Baralamnkii uu ku biiray 1995, waxa keliya ee lagu xusuustaa waa xil ka xayuubintii Cigaal (impeachment) oo uu hormood ka ahaa, taasi oo uu ku guul daraystay Mohamoud Hashi & weedho cunfi qabyaaladeed ah oo uu Wargeysayda ku baahin jiray magacyada & tirada masuuliyiinta Subeer Awal ee Wakhtigaa ka tirsanaa xukuumadii Marxuum Cigaal (AHN).

Mohamoud wuxu markale sheegay inuu ahaa qofkii labaad ee Xisbiga Kulmiye aas-aasay marka laga reebo madaxwayne Ahmed balse 2003 markii uu ku guulaysan waayay talada Dalka Mohamoud wuxu u tegay debedda, wakhtigaasi oo uu iska dhiibay lngiriiska. 2003-2010 kulmiye Xaalado adag ayaa la deris ahaa & Dawladii Riyale oo loolan adagi ka dhexeeyay, laakiin isagu kama dhex muuqan Ragii Habeen & Maalinba Xisbiga Heeganka u ahaa.

2010 Wasiirka Duulista & Hawada ayuu noqday, labadii mashruuca ee dhismaha garoonada dayuuradaha (Kuwayt) waxa uu gacanta u geliyay shirkad aan hore u jirin oo uu indeerkii samaystay iyagoo kuwii-hore Dalka uga shaqaynayay ee qalabkooda haystay waddo cad ka marriyay.

Waxaynu ku jira Seben yaab leh oo xumaanta & ceebtu aanay dhiba lahayn.

Waa wakhti nidaamki Dawladnimo & kii Bulshoba uu qasan yahay waxaana loo baahan yahay in la helo xeerar & sharciyo lagu hakiyo xumaanta, Boobka Siyaasadeed & kan Bulsho si loo gaadho nidaam Dawlad wanaag oo ku fadhiya xaqiiqda kana fog Been, Mala awaal & Faan. Sharciyadaasi ayaa noqon lahaa kuwo hakiya xumaanta siyaasadda waalan isagoo qofku u arkaya in xumaanta siyaasadeed ay waxyeelo u geysan karto noloshiisa wakhtigan, sumacadiisa & karaamadiisa mustaqbalka.

Waxa joogto noqotay in Siyaasi Walba oo ku dawakhay Siyaasadda waalan uu Warbaahinta ka sheegto in uu muddo dheer siyaasadda ku so jiray haddana aanay dhaafin is amaan keliya. amaantii badnayd ee uu Mohmoud Hashi dusha iska saaray waxan u arkay in uu markale Bulshada iska iibinayay isagoo damaciidu ahaa Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye balse Bulshada lafteeda qayb ka mif ahi waxay u aragta in aanu u qalmin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay jiraan Rag badan oo kaga Haboon kaalintan.

Gabagabadii Bulshadu Siyaasigeeda Iyadaa Qiimaysa ee Isagu Isma Qiimeeyo Isagoo Wanaag malaa,waal ah Amaan & Faan badan la Hor Imanaya Warbaahinta..