Gabaygan oo uu curiyed Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu ugu baroordiiqayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkii ama inaadeerkii Marxuum Cumar Cabdi Xasan (cumar-saalax) oo lagu aasay Magaaladda hayderban ee carriga dalka Hindiya, taariikhda 31/04/2016. Wuxuu yidhi sidan:
Gabaldhacay wadnaha oon garnayn, goor danbiyo laylki
Sida xuur wadkeed galay waxaan, wada galluubnaano
Ama guluf colaadeed kolkuu, go’ay la yaacaayey
Ama sida gammuun qaarad kale, gannan la soo tuuray
Ama guban abaartii sidii, gaban u ooyaayey
Ama telifan sida koorta geel, gininig laynaayey
Gurxankayga laabtii waxay, gululum laynaysay
Qarqarsiga sidii awr gar weyn, gommodda qaadaynin
Hayderaban geyiga durugsanaa, goobta lagu aasay
Dalka aanan gaadhayn miyaan geedna ii muuqan?
Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay
Ma suldaanki baa geeri ba’an, goonni ula joogay?
Galiilyoda jamaalow qalbiga, gawda ladi wayday
Indho gabadhle murugadan ilmada, gobo’da kaa haysa
Yaxyow galgaladkii hurdada, Gama la’aan tayda
Faysal oo gab soo yidhi gariir, gibil ma hoos jiifay
Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay?
Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay
Giddigood jannada eebbe gee, waa god aakhiro’e
Ga’da xaraf guhaankii miyaan, gabaygi dayn waayey
Maatiduu gargaaraayey iyo, gacantu siinaayey
Ama gurada wada saarayee, naga gunnaynaayey
Gabbood wuxu cabdow noo ahaa, garab walaaleede
Maantaan halkii garanayaa, gaadh ahaan jiraye
Gob miyaan la guranayn midhihi, guudka bixinaayey
Gahgahduu qoslaayiyo farxaan, gees bannaynaayey
Ama sheeko googoos kaftana, gole ka maadeeyey
Giraantii la soo meerin jiray, gelengel weeyaane
Guntiguu xidhnaa hawlkarnimo, gudasho hawshiisa
Ama guri cas kuu oodi jiray, guul ka dhallinaayey
Shirkadduhu gardaadshiyo wuxuu, galacda waa toosay
Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaan waynay
Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay
Belwad gawska jaad muu ku cunin, laacib waad garane
Kubbad xeegadii uu girgirin, gudub u rooraayey
Garoon sacabka loo tumo ciyaar, gool wuxuu dhaliyey
Geeriyeey dadkii waad gurtaye, garab miyaad gooysay
Guurtiduu ahaan jiray intuu, goob iskugu geeyo
Gartuu gooyo iyo hadal runtuu, gaw ku siinaayey
Garwaaqsiga asxaabtii siduu, ugu guddoomaayey
Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaad goysay
Xaq anoon giriifayn illaah, geeridani keenay
Gaadaay adduunyooy ileyn, gelinba waa cayne
Eebbow wixii aan gefnana, yaan la nagu giijin
Quraankii qalbiga uu geshiyo, diintu garranaayey
Iyo camalki uu goorkastaba, gudan salaadiisa
Illaahay jannada gogol xariir, kuu abaal gudiye
Godku waasac kuu noqay illaah, kugu gargaar siiye
Guddahii fardows lagu dhex gee, gallad niciimaade
Geeddi dheer quraankoo macaan, noqoy gasiinkaaye
Muslimkii gelbinayiyo ergadi, gurigu kuu nuure
Oo guul raxmaankii ku sii, garo su’aashiiye
Gurmadkiyo malaa’iig illaah, lagu guddoonsiiye
Jimcaduu galboday khaaliqow, noqay mid guulaysta
AAMIIN, AAMIIN