Gabadhu Nus Qarni Ayaa Ay Weli Sii Xasuusataa Faahfaahinta La Xidhiidha Arooskeedii, Ninku Se Maya

0
572

Cilmibaadhis uu natiijadeeda faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in xusuusta dumarku ay boqolkiiba 23 xusuusta ragga kaga awood badan tahay marka laga hadlaayo xasuusashada dhacdooyinka iyo faahfaahinaha ku xeeran maalinta arooskooda. Tusaale ahaan gabadhu waxa ay awooddaa in ay xasuusato dharkii ay iyada iyo saygeedu xidheen iyo sidii ay cimiladu ahayd maalintii arooska, taaso o aanay illaawin xitaa haddii waqtigii arooska laga joogo muddo nus qarni ah.

Xeeldheereyaashu intii ay daraasaddan wadeen waxa ay su’aalo weydiiyeen 39 lammaane oo qoys ahaa inta u dhexeeysa 13 sano illaa 64 sano iyaga oo ninka iyo gabadhaba ka waraystay in dumarku ay ku badan yihiin xusuustaas oo xitaa ay ku jiraan dhacdooyinka iyo xusuusaha yaryar ee aan mudnayn in la xasuusto. Waxa kale oo ay daraasaddu caddaysay in xusuusta lammaanuhu ay xoog badan tahay marka ay wada joogaan.

Daraasaddan oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan kuliyadda Dickinson College ee dalka Maraykanka iyo jaamacadda Macquarie, laguna faafiyey Joornaalka Memory ayaa lagu ogaaday in xasuusta lammaanuhu ay xooggan tahay marka ay wada joogaan, iyada oo markaasna xitaa la dareemayo in gabadhu ay inta badan iyadu xasuusinayso waxyaabaha uu illaawo.

Bare sare Azriel Griesman, oo daraasaddan hoggaaminayey ayaa sheegay in caadi ahaan labada waalid ay carruurtooda hablaha ah ku barbaariyaan ka sheekaynta xusuusaha hore ee la xidhiidha arrimaha qoyska iyo xidhiidhada, taasina ay maskaxda inanta u diyaariso in ay xoogga saarto xusuusaha gabadha ee guurka iyo arrimaha la midka ah.