Gabadh Muslimad Ah Oo Isu Sharraxday Tartanka Doorashada Madaxweynaha Ee Dalka Ruushka

43
3712

Moscow (Geeska)- Cayn Xamsatofa oo ahaan jirtay xaaska muftigii muslimiinta jamhuuriyadda Dagestan oo ka tirsan Federaalka Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay u sharraxantay jagada madaxweynenimo ee dalka Ruushka oo lagu wado in doorashadeedu dhacdo bisha saddexaad ee sannadka 2018 ka.

Cayn waxa ay sidaas ku noqonaysaa gabadhii abid ugu horreysay ee muslim ah ee isu sharraxday hoggaaminta Ruushka. Wakaaladda wararka Ruushka ee E-Daily ayaa ku warrantay in masjidka ugu weyn magaalada Maxaj Qalca oo ah caasimadda jamhuuriyadda Dagestan ayaa lagu qabtay munaasabad ballaadhan oo duco iyo tageero lagu siinayey musharaxnimada Cayn Xamasatoof.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Ahraam ee dalka Masar ayaa sheegaya in Marwo Cayn ay horraanta bisha koowaad ee 2018 ka dhukumantiyada iyo codsiga murashaxnimo u gudbin doonto guddida doorashooyinka Federaalka ee Ruushka.

Cayn Xamsatoof saxafiyad caana ka ah dalka Ruushku, maadaama oo aanay xisbi ka tirsanayn waxa ay waxa ay noqon doontaa murashax madaxbannaan. Sidaa awgeed shuruudaha laga rabo waxaa ka mid ahaan doonta in ay soo gudbiso saxeexa ugu yaraan 300 oo kun oo muwaadiniin taageersan murashaxnimadeeda ah. Laakiin waxa ay sheegtay in soo ururinta saxeexaas muwaadiniintu aanu dhibaato ku noqon doonin, iyada oo kalsooni ku qabta in taageerada muslimiinta ka sokow ay taageero ka heli doonto shacbiyadda dadka Ruushka ee aan muslimka ahayn kaga kasbatay mihnaddeeda warfidiyeennimo.

In kasta oo ay imikaba sii caddahay in marwo Cayn si weyn loogaga adkaan doono doorashada, haddana dad badan oo muslimiinta Ruushka ah ayaa aaminsan in ay tahay tijaabo fiican, in la arko gabadh muslim ah oo tartan la gasha siyaasiyiin magac iyo maalba ka badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha talada haya ee Vladimir Putin.

Cayn Xamsatoof waxa ay dhalatay sannadkii 1971 kii. Qoyskeedu waa qoys cilmiga gaar ahaan diinta Islaamka aad loogu yaqaanno, iyaduna waa saxafiyad iyo qoraa caan ah oo ka tirsan midowga saxafiyiinta Ruushka. Maamuus aqoonta iyo diinta ah ayaanay ku dhex leedahay jamhuuriyadda ay ka soo jeeddo ee Dagestan oo aabaheed ka yahay muftiga guud. Cayn waxa ay aabaheed u tahay la taliye dhinaca warbaahitna ah. Dhinaca kalana waxa ay aasaastay isla markaana madax ka tahay wakaalad wareed isugu jirta idaacad, talefishan iyo wargeysyo ka shaqeeya gobalka Dagestan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here