“Gabadh Baa Indhaheeda Laga Gartay In Nin Ay Ka Heshay” Waa War Loo Noqon Doono

0
1020

Picture9Washington (Geeska)- Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa daraasad dhinaca bulshada ah oo ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in ay tahay arrin aad u adag, in la garto ama si xaqiiqo ah loo fahmo gabadhu illaa heerka ay ninka danaynayso ama si kale haddii loo dhigo in ay gabadhu dareen kalgacal ninkan u qabto.

Waxa ay khubaradani sheegeen in baadhitaan dheer iyo daba-gal ay ku sameeyeen dumar aad u tiro badan oo ku kala nool daafaha dunida iyaga oo qiyaasaya bal in gabadha indhaheeda ama ama xarakaadkeeda wejiga iyo guud ahaan jidhkaba laga fahmi karo nin ay hoos u jeceshay ama ay ka heshay balse aanay waxba isu caddaysan. Sida ay daraasaddani tilmaamtay waxa fudud in indhaha ninka si fudud looga garto gabadha uu danaynayo ama uu ka helo, iyada oo isla marka ay ninka soo hor istaagto gabadh uu dareenkiisa soo jiidata ama uu ka helo laga garto shucuurta wejigiisa iyo indhihiisa, laakiin gabadha ayaa taas aad uga duwan. Waxa ay khubaradu caddeeyeen in si kasta oo loo baadhay ama xataa iyada oo la adeegsanayo dadka ku takhasusay akhriska dareenka dadka ama iyaa oo la adeegsanayo dumar kale ay adkaatay in gabadha si dhab ah looga garto illaa heerka ay ninka danaynayso ama xiisaha u qabto.