Gaaf-wareegii Sagootiska Xajka

3
762

 

Qallinka: Al Xaaji Xasan Cumar Hoori

 

Waxaa la soo gaadhay gebogebaddii xajka sannadka 1432H (2011), sidaa darteed, Allah waxaa uu nagu galladay in sannadka cusub ee Hijriyaddu noogu dhasho Makka Al Mukarrama annaga oo 2dii bisha Muxarram 1433 ku gaafwareegnay kacbada xurmada badan leh iyada oo aan sagootinay buqcadda ugu daahirsan uguna khayrka badan adduunka korkiisa. Gaafwareeggu waxaa uu ka mid yahay tiirarka xajka iyada oo xaaji kasta laga rabo in uu arlada barakaysan kaga amba-baxo gaafwareegga Xaramka shariifka ah (Dawaaf Al Widaac).

30 x 40 1Afar iyo labaatan maalmood ka hor buurta Jebel Carrafa waxaa ku kulmay tiro si rasmi ah loogu sheegay 2,900,000 oo xaaji iyada oo 1.800.000 ka soo xajiyeen dalka dibeddiisa halka gudahiisana ay ka ahaayeen 1,100,000. Dhammaan tiradaasi waxa ay wadaageen magaca Xaaji/Xaajiyad oo daboolay magacyadii hore loogu wanqalay iyo kuwo kale oo lagu kasbado xil, xirfad ama xooolo sida boqor, madaxweyne, wasiir, janan, dhakhtar, injineer iyo yeedhmo kasta oo aadamahu ku naalloodo.

 

Dadkii haybadda lahaa, maanta magaca xaaji waxaa ay kala siman yahiin kuwo loo yaqaanay sabool, naafo, danyar, shaqaale hoosaad iyo mid kasta oo lagu yeso midab, hawl, hayb ama hanti-la’aan. Waxaa xasuus mudan buug uu qoray halgamaagii weynaa ee Maraykanka Malcolm X kaas oo markuu ka soo laabtay gudashada xajka u sheegay Maraykanka madow iyo cid kasta oo ka cabanaysa duudsi, kala sarayn iyo takoorid xalku in uu yahay diinta Islaamka oo ah hoyga sinnaan, cadaalad iyo walaaltinimo lagu waajibiyay qof kasta oo  muslim ah. 

Haddaba, in kasta oo dhowr iyo labaatan maalmood laga joogay maalintii bacad-jogga buurta Carrafa iyo in kasta oo xujaydu cir, dhul iyo badba ay ku sii qulqulayeen degaamadii ay Allah dartiisa uga soo kaceen, haddana, u ma ay muuqan in ay wax iska dhimmeen tirida aan hore u soo sheegnay.

Labada Xaram ee Makka iyo Madiina weli waxaa ceegaagay malaayiin xaaji iyo dad cimraysanaya kuwaas oo dhex jibaaxayay hirarka dadka ah ee kolba sida daadka u soo rogmanayay. Iska daa in ay soo taabtaan yoolka ay tigsanayeen, dadka intooda badan, waxaa ay u loolamayaan in ay sheedda ka halacsadaan hummaagga Kacbada iyo Dhagaxa Madow ama qubadda Rawdada Cagaaran ee Qabriga Rasuulka (NNKH) taas oo qofkii food dhigaa u dhigmo qof ku sujuuday buqcad jannada ku taalla. Dhammman xujaajta iyo dadka cimraysanaya waxaa ay ka siman yahiin salaad kasta oo ay ku oogaan Xaramka Makka in Eebbe ku abaalinayo 100,000 oo salaadood, halka Xaramka Madiinana salaad kasta iyana  ay u dhiganto 1000 salaadood oo masjid kale lagu oogay.

 Xajka sannadka 1432 (hijradda) ama 2011 (milaadiga) waxaa lagu qiimeeyay kii ugu adeegga fiicnaa iyada oo aanay jirin, haba yaraatee, wax shilal ah oo ay ku qudh baxaan wadar xujaaj ah ama wax cudduro safmar ah oo ka dillaacay, balse, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Cabdalla Arrabiica 30% ayay geeridu hoos u dhacday marka la barbar dhigo xajkii kal hore iyada oo adeeggu sannadba sannadka ka danbeeyaa ka sii wanaagsanaanayo.

Sida ay ka sanqadhiyeen 45 wakaalad wareedyo caalami ah oo ku sugnaa dhulyowga barakaysan, waxaa mucjiso noqotay habsamida lagu maaraynayay tirada baaxaddaa leh ee dad iyo gadiid oo xilli keliya ku kulmay soohdin aad u kooban.taas oo aan hore uga dhicin, dibna uga dhici doonin adduunka korkiisa.

Hawlgalka aan la hawaysan Karin waxaa uu ku suurto galay deeqda Allaha weyn iyo dedaalka U-Adeegaha Labada Xaram Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasis iyo xukuumadiisa sida hagar la’aanta ah ugu khidmaynaysay xujaajta.

Amiirka Gobolka Makka, Khaalid Al Faysal Bin Cabdulcasiis waxaa uu sheegay sannadkan in ay xajka u adeegsadeen shaqaale gaadhayay ilaa 239,000. Isla markaa, si loo horemariyo caafimaadka xujaajta waxaa adeeg caafimaad loo fidiyay in ka badan hal milyan oo xaaji iyada oo ilaa 490 loo sameeyay qalliinka wadnaha oo lagu qiimeeyay qofkiiba in ay ku kici lahayd lacag u dhexaysa 20,000-30,000 oo Dollar. Sidoo kale, waxaa kelyaha loo maydhay ilaa 886 xaaji halka 170 kalena calooshooda loo dhaadhiciyay tuubada nudub calooleedka.  

Xilligan oo dunida carabta uu ka aloosan yahay kacdoonada loogu magac daray Gu’gii Carabta (The Arab Spring) iyo iyada oo aad looga cabsi qabay in shaqaaqooyin laga  qabanqaabiyo arlada barakaysan, ayaa xajku ku dhammaaday nabad, xasilooni iyo waxyeeladii ugu hoosaysay ee soo gaadhi karta xujaajta. Boqor ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha gudaha Amir Naa’if Bin Cabdulcasiis waxa uu sheegay xujaajtu in ay muujiyeen masuuliyad iyo gudashada xajku in ay ka muhiimsan tahay arrin kasta oo siyaasadeed. Inta waxaa uu ku daray xukuumadda Sacuudiguna in ay si siman u arkayso dhammmaan xujaajta iyada oo aan loo eegayn dalalka ay ka yimaadeen iyo siyaasadaha xukuumadaha ka talinaya.

Isku xoori, gudashada xajka ee sannadka 1432 waxaa ay ku fushay sidii ugu habboonayd ee lagu hiigsan karo awood iyo farsamo aadami. Allah waxaan ka baryaynaa in uu xajka ka aqbalo dhammaan inta uu martiqaadka u fidiyay ee ku sugnaa arlada barakaysan. Si la mid ah Allaha deeqda badan waxaan ka baryaynaa inta muslim ah ee ka baaqatayna in uu u hawl yareeyo gudashada xajka iyo dhammaan fariidooyinka kale ee uu Raxmaanku waajibiyay.

 

Comments are closed.