Dhexdhexaadnimadu waa shuruudda koowaad ee aasaasiga ah ee looga baahanyahay inuu buuxiyo shirguddoon kasta oo gadh-hayeen ka noqonaya baarlaman kasta oo lagu soo doortay hab dimuqraadiya. Haddaba, dhexhdhexaadnimadu ma aha in aanad u kala eexan xubnaha golaha baarlamanka ka tirsan ee axsaabta kala duwan ka soo kala jeeda oo keliya, ama aanad marka ay doodi socoto u xaglin ama garabaka saarin dhinac gaar ah.
Dhexdhexaadnimada looga baahanyahay shirgudoonka baarlamanku intaas way ka ballaadhantahay waxaana weeye in xubnaha shirgudoonku aanay gebi ahaanba xisbi siyaasi ah ka tirsanaanin laga bilaabo maalinta xilka loo tiriyo ee ay hawl-galaan isla mar ahaantaana aanay lug ku yeelan arrimo siyaasadeed oo aan dhaafsiisnayn arrimaha golaha ay shirguddoonka ka yihiin. Waxa kale oo dhexdhexaadnimada ka mid ah in shirguddoonku aanu marnaba lug ku yeelan, dhabarka saarin ama gacan saar la yeelan laanta fulinta (executive branch) taas oo ay macnaheedu tahay inaanay madaxweynaha ka ag dhawaan iyadoo si rasmi ah loo soo casuumo oo mudanayaasha baarlamanku ka war hayo mooyaane. Bal aynu dib u halacsano taariikhda shirguddoonka iyo dhexdhexaadnimadiisu siday u ku soo baxday iyadoo aynu soo koobayno.
Muddadii u dhaxaysay 1642-1665kii waxa carriga Ingiriiska ka aloosnaa dagaal sokeeye oo u dhaxeeyey laba qolo: qolo taageersanayd oo si adag u rumeysnayd in sharciga waddanka uu dejiyo golaha wakiiladu [House of Commons] iyo kuwa taagersanaa in Boqorku uu keligii wax kasta go’aamiyo oo waxa uu go’aamiyaana noqdaan sharciga waddanka lagaga dhaqmo oo aan marnaba laga hor iman. Haddaba labadaas dhinac midna ma oggolayn inuu ka tanaasulo mabda’ ay rumeysan yihiin taasoo ugu dambeyntii sababtay in geesaha la is-daro oo dagaal sokeeye dhaco. Labadaa dhinac ee is-hayey berigaas waxa loo kala yaqaanay kuwa madax-giraanta leh ama “madax giraanlayaal” [Roundheads]” oo ahaa kuwa taageersan in baarlamanku sharciga dejiyo iyo kuwa “fardoolayda ah [cavaliers]” oo taageersanaa in boqorku- King Charles I [Boqor Jaarlaskii 1aad] kelmadiisa sharci noqoto oo lagu dhaqmo.
Baarlamanka berigaa ka jiray carriga Ingiriiska waxa loo yaqaanay Baarlamanka Dheer [Long Parliament]. Wuxuu Boqor Jaarlas u doortay inuu Baarlamankaas guddoomiye ka noqdo nin la yidhaahdo William Lenthall. Lenthall wuxuu ahaa nin garyaqaan ah hase ahaatee wuxuu ku sifoobay fulaynimo iyo isagoo ahaa nin aan ku-dhac iyo dhiiranaantoona aan lahayn (timorous nature) sidaa awgeed mudanayaasha baarlamanku way ka niyad jabsanaayeen guddoomiyanimadiisa, ixtiraam badanna umay hayn. Baarlamanka ayaa berigaas ahaa mid uu had iyo jeer boqorku lugta ku walaaqo oo kolba sida uu doono ka yeeli jiray hase ahaatee xildhibaano door ah oo diidanaa farogelintaas boqorka ayaa ka buuxay golaha.
Bishii January 2dii, 1642kii, boqorka [King Charles I] ayaa soo galay aqalka golaha wakiilada ee loo yaqaan House of Commons si uu u soo qabto shan xildhibaan oo faraha lagaga gubtay oo rabshadooda laga fadhiyiwaayay.Xildhibaanadaasi waxay ahaayeen kuwa diidanaa inuu boqorku soo farageliyo ajendaha, doodaha iyo guud ahaanba hawl-maalmeedka baarlamanka.
Markii uu boqorku soo galay baarlamanka si uu u soo qabto shantaa nin, guddoomiyaha golaha wakiiladu Lenthal si sharaf leh oo miyir leh oo dhiiranaan aan looga barani ku jirto ayuu ula macaamilay boqorka oo laga baqan jiray. Boqorku markuu soo galay baarlamanka wuxuu ku fadhiistay kursigii guddoomiyaha baarlamanka oo rako sare ku yaalla markaasuu dhinacyada jaleecday si xubnaha edeb darrada ka dhex muujiyaya golaha uu faraha ugu dhigo. Aqalka ayaa isla wada aamusay oo indhaha hoos u wada rogay oo wax juuq iyo jaaq yidhaahda laga waayay.Waxaana caado ahayd inuu boqorku qoorta ka goyn jiray dadka berigaas. Nimankaas xildhibaanada ahi way is ogaayeen hawsha iyo badda ay galeen iyo khatarta ay ku sugan yihiin haddii ay dhacdo in la qabto.
Boqor Charles ayaa isago gadoodsan ku soo jeestay William Lenthall oo hoostiisa taagan. Wuxuu boqorku weydiiyey Lenthall wiilasha xildhibaanada ee kibray ee rabshadooda laga fadhiyi waayay inay weli baarlamanka dhex fadhiyaan iyo in kale, amase uu arkay nimankaas ama u sheegi karo halka ay isku qarinayaan.
Lenthall intuu jilbo jabsaday ayaa wuxuu boqorka ugu jawaabay hadal aan laga filayn, wuxuu yidhi : “Boqorow, ma lihi indho aan wax ku arko, mana lihi carrab aan ku hadlo markaan halkan [golaha] joogo oo aan ka ahayn wax uu golahan oo aan khaadim u ahay i faro mooyaane.”Ninkii Lenthal ee fulaha lagu sheegi jiray ee aan ku-dhaca lahayn wuxuu dhigay taariikh ma hadho ah oo illaa maanta ay ku shaqeeyaan gudoomiyayaashii soo maray golaha wakiilada ee Carriga Ingiriiska oo dhan. Hadalkaas uu lenthal ka dhawaajiyey wuxuu noqday oo illaa maanta yahay shuruudda koowaad ee lagu sifeeyo shirguddoonka baarlaman.
Marna laguma talo gelin guddoomiye Lenthal ayaa sidaa u jawaabi doona waayo boqorka kelmaddiisa in la addeeco mooyaane, kelmad laguma soo celin jirin.Xildhibaano hore ayaa dhegta dhiigga loo daray ka dib markii ay boqorka addeeci waayeen.
Shirgudoonka golaha wakiilada ee Maraykanku isagu wuu ka duwanyahay kuwa kale waayo goluhu ma doorto oo xisbiga kolba ugu tirada badan ayaa guddoomiyanimada toos u qaata isla mar ahaantaana wuxuu dastuurka Maraykanku si cad u qeexaya in guddoomiyaha suuqaba laga soo qoran karo oo aanay ahayn muhiim inuu guddoomiyuhu ahaado xubin doorasho ku timi oo ka mid ah aqalka. Midda kale loogama baahna dhexdhexaadnimo ee xisbigiisa ayuuba horkacaa isagoo had iyo jeer ajendayaasha xisbigiisa isha ku haya. Haddaba Somaliland guddoomiyaha baarlamanka oo keliya ma aha ka laga filayo inuu dhexdhexaad ahaado. Sidoo kale xubnha shirguddoonku xisbina ma sheegan karaan waana inay dhexdhexaad ahaadaan mar kastaba.
Xeer hoosaadka golaha wakiilada ee Somaliland Qodobka 14aad, faqradda 11aad ee la xidhiidha Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada wuxuu qeexayaa oo keliya in gudoomiyuhu ahaado mid u dhex ah mudanayaasha. Bal haddaba u fiirso dhexdhexaadnimada shirguddoonka Somaliland.
Guddoomiye Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro wuxuu xubin firfircoon ka ahaa xisbiga UCID, wuxuuna isla mar ahaantaas ka mid ahaa golaha fulinta ee xisbigaas intii aan khilaafku soo kala dhex gelin xisbigaas gudihiisa. Wuxuu si mug leh oo aan marag u baahnayn ula ololaynayey xisbiga UCID oo la maray gobolada waddanka oo dhan isagoo isla mar ahaantaas ah guddoomiyaha golaha wakiilada. Dhawaanna wuxuu si toos ah lug ugu lahaa oo kow ka ahaa khilaafka ka dhex dhashay xisbiga UCID ee uu xubinta ka ahaa oo uu ku talo jiray inu guddoomiye ka noqdo oo la wareego hase ahaatee ka dhicisowday.
Muddada uu hayey xilka guddoomiyenimada ee golaha wakiilada wuxuu mar kasta si toos ah lugtu ugula jiray xisbigiisii UCID inta aanu dhawaan ka bixin iyadoo haddana xilka guddoomiyanimada ee uu hayaa ay shuruudiisu tahay inuu ahaado nin dhexdhexaad ah.
Siyaasadda uu dhex galay waxay sababtay inuu xisbigiisii oo ahaa xisbi qaran uu kala jabo, taasi oo sababtay in xildhibaanadii golaha wakiilada kaga jiray xisbiga UCID oo dhami ee la doonayey inuu isagu dhexdhexaad u ahaado uu duufsado oo ka dibna ay u digo rogtaan ururka uu isagu immika gudoomiyaha ka yahay ee WADANI. Weliba muu qarsan ee isaga ayaa afkiisa ka xaadiriyey inay xisbiga UCID ka baxeen oo ku biireen WADANI. Halkaas kumuu joogsan ee wuxuu weli ku jiraa olole uu isugu gaalaa bixinayo gobolada oo uu xisbigiisa taageero ugu raadinayo isagoo weliba xilkii guddoomiyanimada ee loo igmaday haya oo ay tahay inuu dhexdhexaad ka ahaado arrimaha siyaasadda.
Is-beddelka lagu sameeyey xeerarka ee uu ka mid yahay Xeerka Lambar 14 lug weyn buu ku leeyahay guddoomiyuhu waayo isagii ayaan dhedhexaad ahayn inkastoo aad mooddo in dowladduna kula socoto. Immika Cabdiramaan Cirro waa guddoomiyaha ururka WADDANI isla mar ahaantaana waa guddoomiyaha golaha wakiilada. Xeer hoosaadka baarlamanku wuxuu farayaa inuu guddoomiyuhu dhexdhexaad noqdo isla mar ahaantaana wuxuu ku dhex jiraa tallaabooyin aan dhexdhexaadnimo shaqo ku lahayn.
Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada, Cabdicasiis Samaale iyadoo dowladdu ay jirto muddo maalmo ku siman ayuu xaflad uu madaxweynuhu isugu yeedhay xubnaha golaha baarlamanaka si loo ansixiyo golihiisa wasiirada ee dowladda cusub ayaa wuxuu yidhi, “Waxaan qeexayaa inaan leeyahay han iyo damac siyaasadeed oo halkan aan taaganahay [jagada guddoomiy-ku-xigeenimada] iyo meel ka sii sarreysaba illaa madaxweynaha dalka inaan isu taago,” Halkaas oo qudha kumuu joogsan balse wuxuu had iyo jeer dheega-dheega ugu qabtaa mar kasta oo uu madaxweyne Siilaanyo socdaal u baxo markaasoo weliba haddii uu iska aamusi lahaaye uu qabsado makaroofanka oo uu dhex dabbaasho arrimo siyaasadeed iyadoo weliba uu goob joog yahay guddoomiyihii xisbul xaakimka ee KULMIYE iyo madaxweynihiiba. Dhexhdexaadnimo hadalkeeda daa.
Bisha January 8dii, 2011, maalin Jimce ah oo shaqaalaha dowladda iyo dadkuba fasax yahay ayuu guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda Cabdicasiis Maxamed Samaale uu gooni-gooni ugu yeedhay wasiiradii dowladda ku jira oo dhan oo wax yari ka maqan yihiin iyo weliba masuuliyiin sar-sare oo kale inay booqasho ku tagaan degmada Allay-Baday ee gobolka Gabilay halkaas oo qorshuhu ahaa inuu weftigu kula kulmo odayaal iyo wax-garadka degmadaasi.
Waftigaasi oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Casiis Maxamed Samaale wuxuu ka koobnaa siddeed wasiir oo ka kala socday Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha, Cadaaladda, Macdanta iyo Biyaha, Hawlaha Guud, Beeraha, Caafimaadka, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada, Agaasimayaal Guud iyo Maamulka Gobolka Gabilay. Wasiirada iyo masuuliyiintu waxay kulan garnaqsi ah la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmadaasi kuwaasoo ugu horeyn soo bandhigay baahiyaha degmadda ka jira oo ay ugu horeyso maamulkii wasaaradahaasi oo aan gabi ahaanba ka jirin degmadda marka laga reebo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Cabdiscasiis Samaale markuu kaxeeyey dhammaan wasiiradii dowladda isagoo ka faaideysanayaa mansabkiisa guddoomiye ku xigeenimo wuxuu meel kaga dhacay dhexdhexaadnimadii.
Marka runta loo hadlo ninka qudha ee shirguddoonka golaha wakiilada ee iska dhowra inuu arrimahaas siyaasadda dhex dabaasho waa Baashe Maxamed Faarax.Shirguddoonka waa inay mar walba dhexdhexaad ahaadaan oo ay ka caaganaadaan arrimaha siyaasadda oo aanay dhinacna taageerin. Dhexdhexxadnimo la’aanta guddoomiyaha golaha wakiiladu waxay keentay in golaha wakiiladu kala jabo oo uu galo xaalad jaah wareer ah oo xildhibaan waliba dhinaca uu doono uu u digo rogto. Markii hore sharcigu ma oggolayn in xisbigii lagaa soo doortay aad ka baxdo oo aad xisbi kale ku biirto. Inkastaa ay ahayd in marka horeba xildhibaanka la siiyo xorriyad ah inuu xisbiga uu doono uu galo, waxa is-weydiin leh waxa immika keenay arrinkan? Waxa la odhan karaa waxa sababay abuurista xisbiga WADANI.
Xildhibaanada uu dhawaan xaadiriyey guddoomiyaha golaha wakiiladu ee uu sheegay inay u digo rogteen xisbigiisa WADANI ee uu sheegay inay ka baxeen xisbigii UCID ee ay ku jireen isla mar ahaantaana ururka ay sheeganayaan aanu ahayn mid diiwaan gashan. Markaa waxaad moodaa in marka ay codaynayaa ay ku codaynayaan magaca mudanayaasha summad laawayaasha ah waayo xisbi ay ka tirsan yihiin ma jirto. Masuuliyadeeda waxa leh guddoomiyaha oo kala qaybiyey golihiisii, dowladduna indhaha ayey ka qabsatay oo golaha awrkeeda ayey ku kacsanaynsaa sida Xeerk 49 ee Biyaha Qaranka ee hore loo ansixiyey ee haddana bilo ka dib la soo celiyey ee wax laga beddelayo.
Dhexhdexaadnimo la’aanta shirgudoonka ayaa sal u ah arrimahaas ka dhacay welina ka dhacaya golaha wakiilada oo dhan. Sharcigeenu immika sharci maaha ee waa igama qudhunto, igama gubato. Sidaasna waddan laguma horumarin karo.
Jamal Madar
adammadar@yahoo.com