Gaadhiga Madaxweyne Trump Waxaa Ku Rakiban Tallaagad Ay Ku Jiraan Saamballo Dhiigga Ka Mid Ah Dhiggiisa

43
4064

Washington (Geeska)- Talefishanka NBC ee dalka Maraykanka ayaa fashiliyey in gaadhigii gaarka ahaa ee madaxweyne Trump uu ku tegey xarunta Qaramada Midoobey, markii uu ka qaybgalayey gulanka guud, ay ku dhex rakibnayd qaboojiso ay ku jiraan saamballo ka mid ah nooca dhiigga madaxweyne Trump.

NBC waxa ay sheegtay in kharashka ku baxay samaynta gaadhiga madaxweynaha Maraykanka oo isaga si gaar ah loogu sameeyey ay dhan tahay 1.5 Milyan oo doolar. Gaadhigan oo noociisu yahay Limousine waxaa lagu naanaysaa ‘Beast’ oo afsoomaali ku noqonaysa ‘Bahal’. Waa gaadhi gaashaaman oo aanay rasaastu karayn, waxa uu leeyahay daaqado tiro badan oo dabaqyo kala sarreeya ah, kuwaas oo dhererkoodu yahay 12.7 Sentimitir middiidba. Waxa kale oo gaadhiga madaxweynaha dhexyaalla hub fuddu, baastoolad iyo suntan dadka kaga ilmeysiiso. Waxa kale oo dhex yaalla qalab caafimaad oo aad u badan.

Sababta gaadhiga madaxweyne Trump dhiiggiisa loo dhex dhigay ayaa ah in haddiiba uu dhaawac ama xaalad degdeg ah oo caafimaad waajaho, aanay waqti dheer qaadan inta lala gaadhayo cisbitaal u raadiya dhiig lagu xidho. Waxa aanu qorshuhu yahay in si dhaqso ah markaba dhiiggaas loogu xidhi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here