Hargeysa(Geeska)-Shirweynaha urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, waxaana furitaankiisa ka sokow xubnaha iyo hoggaanka ururka ka qayb galay siyaasiyiin kala duwan oo magac dalka ku leh.
Shirweynahan oo la filayo in maanta la soo gunaanado, ayaa waxa ka qayb galay Md. Xasan Ciise Jaamac, oo la filayo in maanta loo caleemo saaro guddoomiyaha ururka, Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Md. Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah madaxda UDUB, Siciid Sulub oo isna ka tirsan madaxda UDUB, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Md. Fu’aad Aadan Cadde, oo ah la taliyaha gobalada bari ee Madaxweynaha, Cabdi Haybe Muxumed, oo ka tirsan UDUB, Xildhibaan Saleban Cali Koore iyo madax dhaqameed kala duwan.
Ugu horayn Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ururkii SNM, ayaa wuxuu gabay suugaaneed ku cabiray xaaladda halgamayaashii SNM ay ku suganyihiin “Maanta waxaan munaasibadan kaga qaybgalayaa tix gabay ah, anigu ma gabyo, manaan tirin, 150 ama 170 sanno ka hor ayaa la tiriyey, waxaanan is idhi mid duruufta maanta haysata qof kasta oo SNM ahaa oo soo halgamay, markaan ka reebo madaxweynaha, nin ay haysatay 150 amma 170 sanno ka hor ayaana tiriyey.” Ayuu yidhi Cali-Gurey, waxaanu gabaygu u dhignaa sidan:
Haddaan ooyo dumar baan arkoo, wax uma aabaysto
Haddaan aamusnaadana, qalbigu ii asturi maayo,
Haddaan ilo-xidh seexdana, hurdada aad u ladi maayo
Haddan igadho maalana, anfaco ku ciil samaan maayo
Haddaan eebi dheer fuulo, ood oloshood qaysho
Oon ubateeyana raggii iigu iman maayo
Arbac degen, ulaalin aan jidh dilin, agabar jaan-guura
Hadduu timaha adareeyoo oogta ka caddeeyo
Adhbal nacasa naaguhuba way iska ogoladaane
Raggii aakhiro u kacay, haddaan eebo kaga toosay
Saw waxaan iloobaba nin xuni ima ogaysiiyo
Cali Maxamed Yuusuf, haba yaraate kama hadal mawduuc kale, waxaanu sheegay inuu hadalkiisa ku koobayo gabaygaas oo keliya.
Siyaasiga Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay shirweyha ururka Xaqsoor ayaa tilmaamay in Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ah masuuliyiinta Xaqsoor uu yahay masuulka kaliyaata ee haddii wax la waydiiyo uu ku tilmaami lahaa nin dalkan iyo dadkan lagu aamini karo, waxa kale oo Warancade u rajeeyay ururka Xaqsoor inay ka mid noqdaan saddexda xisbi qaran ee loo baahan yahay. “ Runtii intii ay socdeen shirweynayaasha ururada iyo asxaabataba aadbaa layga yeedhay waana kii u horeeyay ee aan ajiibay, sababtuna waxa weeye laba arimood ayaan kula dhacsanahay ururkan, mid waxa weeye magaca ay qaateen oo wali dalkeena ka maqan, waxaanan jeclahay inuu Xaqsoor noqdo saddexda xisbi ee dalka u soo baxaaya, talabaadana waxa weeye aniga laftigaygu waxan ahay madaxweyna-yaasha mustaqbalka dhaw, laakiin waxaan maanta idiin cadaynayaa hadii Somaliland wax is waydiiso oo ay tidhaahdo, yaynu dalkan iyo dadkan ku aaminaa mustaqbalka, ninka kaliyaata ee aan is leeyahay waa uu ku dhaamaa waa Xasan Ciise Jaamac, waxaan idiin rajaynayaa guul.”
La taliyaha madaxweynaha ee arimaha gobalada bariga Md. Fu’aad Aadan Cadde ayaa dhankiisa hadalo kaftan ah oo uu kaga qayb galay shirweynaha ururka Xaqsoor, waxa kamid ahaa “Haddii colaad kastaa dhacdo oo wiil arab ah ama gabadh ay tagto Laasacaanood, oo ay tidhaahdo arab baan ahay, garantiin waxana siinayaa in la soo dhawaynaayo, haddaan inyar ku daro Hargaysa aad baanu u naala oo xagaas koonfurta ayaanu aad u degnaa, waxaan is waydiina ma idinkaa dhal baas ah, oo ka soo cararay awoowyaashiin, mise tolaw awoow yaashiinbaan khayr badan lahayn, waxii aan tirsanaynay Xaqsoor-baa dhamaynaysa, illaahayna waxaan ugu baryayaa guul.”
Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee ururka Xaqsoor Axmednuur Cabdi Shaaci, oo ka hadlay marxaladihii uu ururku soo maray. Xildhibaan Saleban Yuusuf Cali Koore ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.
Comments are closed.