Fransiiska Oo Filaya Madaxweyne 39 Jir Ah Iyo Xaaskiisa 64 jir Ah Oo Macalimaddiisa Ahaan Jirtay

0
561

Paris (Geeska)- Wareeggii koowaad ee doorashada madaxweynenimada dalka Faransiiska ayaa ku dhammaaday guul raacday Emmanuel Macron oo ka socda siyaasadda dhexda iyo haweenayda ka socota aragtida siyaasadeed ee midigta xagjirka ah lagu tilmaamo, Marine Le Pen. Labada murashaxa waxa ay wareegga labaad ee kama dambaysta ah isugu iman doonaan 7da bisha soo socota ee May, iyada oo ay sahaminta codka ee illaa hadda la samaynayaa bidhaaminayso in rajo weyn oo dhinaca guusha ah uu leeyahay Macron oo wareegga koowaad helay 23.75 boqolkiiba, halka murashaa ay isku soo haheen ee Le Pen ay ka heshay 21.53 boqolkiiba. Murashaxiintii tartankan ku hadhay ayaa iyaguna jeediyey hadallo ay taageerayaashooda ku dhiirrigelinayaan in wareegga labaad ay taageeraan Macron.

Macron oo marka la eego xilka uu u tartamayo, da’diisu aad u yar tahay, xisbiga uu hoggaamiyo oo lagu magacaabo Horu-socod, (En Marche) waxa uu aasaasay hal sano uun ka hor, weligii doroasho baarlamaan ugama uu qayb gelin, waxa aanay bilowgii dad badani u arkayeen nin aan waayo-arag ahayn oo sidaa awgeed aan meel dheer gaadhi karin, laakiin Isniintii shalay laga soo bilaabo waxa uu noqday siyaasi hoggaamiye ah oo baarlamanka dalka Faransiiska ku leh aqlabiyad badan, waxa aanu qarka u saaran yahay in uu madaxweynaha Faransiis noqdo laba toddobaad kadib. Haddaba waa kuma Macron?

Emmanuel Macron waxa uu dhashay bishii Diisambar ee sannadkii 1977-kii, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaatay barashada Falsafadda, shahaadada labaadna waxa uu ku qaatay ‘Maamulka arrimaha dawladda’ aakhirkiina sannadkii 2004 ayaa uu jaamacadda ENA ka qaatay cilmiga Maamulka.

Waxa uu ku soo shaqeeyey hantidhowre ka tirsan Hantidhowrka guud ee Faransiiska oo ah hay’ad awood badan oo  ka shaqaysa kormeerka iyo hantidhawrka dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee qaranka. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey bangiyo maalgashi iyo xilal kala duwan oo dawladeed kuwaas oo uu ugu sarreeyey wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee dalka Faransiiska oo uu noqday sannadkii 2014-ka, dhammaadkii bishii Ogosto 2016 ayaana uu iska casilay xilkii dawladda si uu uga qaybgalo doorashada madaxweynenimada ee 2017-ka.

Macron waa Calmaani, laakiin ka aragti furfuran calmaaniyadda Faransiiska, waxa aanu aaminsan yahay in aan aragtidan Calmaaniga ah loo aaminin sida diin ay tahay in ay noqoto diinta qaranka, waxa uu aad uga soo horjeestay qorshayaashii muslimiinta Faransiiska loogu diidayey xijaabka in ay u xidhaan jaamacadaha, waxa uu dembi ku tilmaamay gumaysigii Faransiiska ee dalka Aljeeriya, waxa aanu ku taliyey in albaabada dalkiisa loo furo dadka soo galaytiga ah iyo in midowga Yurub sii jiritaankiisa la sii xoojiyo.

Jacayl aanu noociisa arag qasriga Elysee

Macron xaaskiisu waa Brigitte Trogneux oo 24 sano ka weyn, macalimaddiisana ahayd markii uu dugsiga sare ku jiray. Markii ugu horreysay ee ay haasawae ku kulmeen waxa uu ahaa 15 jir ka mid ahaa ardayda fasal ay macallimad u ahayd ku jira, laakiin waxa ay is guursadeen markii ay da’diisu 18 sano gaadhay.

Waalidkii ayaa ku dadaalay in ay kala kaxeeyaan isaga iyo macallimaddiisa caashaqu dhex maray ee hadda xaaska u noqotay. Macron waxa uu waalidkii ka kaxeeyey magaalada Ameins, si ay uga fogeeyaan macallimaddiisan ayaanay geeyeen Paris oo uu sannadkii u dambeeyey ee dugsiga sare ku dhammaystay. Laakiin Marcon markii uu dugsiga sare soo dhammaystay ayaa uu dib u soo nooleeyey xidhiidhkii isaga iyo macallimaddiisa waxa aanay is guursadeen sannadkii 2007-dii.

Macron hadda waa 39 sano jir, xaaskiisa Brigitte Trogneux ee la filayo in ay laba toddobaad kadib noqoto, Marwada Koowaad ee Faransiiskuna waa 64 sano jir, ayeeyo u ah 8 carruur ah oo ay sii dhaleen saddex carruur ah oo ay nin hore u dhashay. Arrinta warbaahitna dunidu warbixinaha xiisaha leh ka diyaarisay ayaa ah da’ yaraanta Marcon iyo farqiga dhinaca da’da ah ee u dhexeeya xaaskiisa, oo mid ka mid ah wiilasheedu uu 2 sano ka weyn yahay Marcon. Waxaa taas ka sii xiise badan in Macron ay isku fasal ahaayeen inanta ay dhashay Brigitte Trogneux oo da’da labaad ah, laakiin Macron ay isku da’ iyo fasal ahaayeen.

Haddii sida la saadaalinayo uu Marcon guulaysto doorashada kama damaysta ah, waxa uu noqon doonaa madaxweynihii taariikhda Faransiiska ugu horreeyey ee qiso jacayl oo mar la arag ah la wadaagay macallimaddiisa.

War uu Geeska Afrika ka soo ururiyey wakaalado kala duwan, ayaa intaas ku daraya in jacaylka Marcon iyo Brigitte aanu ahayn mid dhinac keliya ka socday, balse ay ahaayeen laba ruux oo si cid kasta u muuqata mid kastaa kan kale jacayl dheer u hayo.

Waxaa xusid mudan in Brigitte ay weli saygeeda wada joogeen, marka ay ardaygan is jeclaadeen, ugu dambayntiina uu jacaylka ardaygeedu ku qaaday in ay iska furto saygeedii hore oo lagu magacaabi jiray Andre Auziere  si ay u guursato Macron.

Macron iyo Brigitte waxa ay isku waafaqeen in aanay ubad dhalin, sidaa awgeed iyadu waxa ay hooyo u tahay saddexda carruur ah ee ay saygeeda hore u dhashay, isagana waxa ay warbaahintu ku tilmaamtaa, ‘Awoowga carruur aanu dhalin” oo ay uga duur xulayaan in uu darajada awoow u yahay, carruurta ay xaaskiisu ayeeyada u tahay ee ubadkeedu ay dhaleen.