Cirro Oo Cadeeyay Inaanay Aqbali Doonin Dib U Dhac Doorasho Iyo Muddo Kordhin Kale

0
578

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay isla markaasna si aad u diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

Md. Cirro waxa weheliyay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaas xildhibaan Cabdiqaadjir Jirde, murashaxa madaxweyne-xigeenka ee Waddani danjire Maxamed Cali Cabdi, hoggaamiyaha xisbigaas Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa daboolka ka qaaday in aanay mardanbe aqblayn muddo kordhin isla markaasna xukuumada ugu baaqay inay bixiso dhaqaalihii doorashada, waxa sida oo kale ka hadlay masuuliyiin xisbigaas ka xidhan, arimaha sixir bararka oo uu ku tilmaamay mid ay xukuumadu ku fashilntay iyo beelaha ku dagaalmay gobalka Sool.

Cabdiraxmaan Cirro oo ugu horayntii socdaalkiisa ka hadlaayay waxa uu yidhi "Waxaanu halkan ugu mahadnaqaynaa shacbiga Somaliland ee ay wadato dabaysha isbadalku ee sida wanaagsan u soo dhaweeyay aniga iyo waftigii ila socdayba, waxaanu ku maqnayn safar shaqo oo aanu ku matalaynay idinka shacbi ahaan, waxaanu martiqaad ka helnay dalka Ingiriiska macadka caanka ah ee la yidhaahdo Chatham House halkaas oo siyaasada lagu gorfeeyo, waxaanu safarkaasi Somaliland u soo hoynay magac wanaagsan, waxa noo suurto gashay inaan soo marno wadamo badan   Ingiirska,xarunta EU-da, Jarmalka,Ustareeliya,Swedan, iyo Norway arinta ugu mhiimsan ee aanu dalalkaas u maraynay waxay ahayd mida dhibka badan ee xanuunka badan ee Somaliland ka jirta  ee abaarta iyo macaluusha ah ee xanuunka ah, gurmadkeeda maanta iyo sidii hadhow dadka wax loogu qaban lahaa, waxa kale oo aan kala hadlaynay iskaashiga guud ee Somaliland iyo dalalkaas aanu soo marnay, waxaanu fursad u helnay inaan la kulano jaaliyadaha Somaliland oo aanu uga waranay abaarta iyo xaalada guud ee dalka, waxaan alle inooga baryayaa inuu abaarta inaga saaro oo uu roob khayar qaba ina siiyo, in xanuunka ka dhashay abaarta uu alle inaga bogiiyo.Waxaanu faraynaa xukuumada Somaliland dadkaas reer Somaliland ee shubanku ku dhacay inay gurmadka ugu badan ee suurtagalka ah gaadhsiiso, anaguna baaqyo badan ayaanu soo jeedinay,"

Intaas kadib waxa uu si adag uga hadlay masuuliyiinta xisbigaas ka xidhan"Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo uga tiiraanyaysanahay in madax ka tirsan xisbiga Waddani oo ka mid ah madaxda ugu saraysa xisbiga oo uu ka jiro guddoomiyahii garabka dhalinyarada iyo xoghayii  ciyaaraha in la xidhay iyada oo aan wax danbi ah loo ahayn, arintaasi waxay u eegtay sharci jabin, waxay u eegtay budhcadnimo, waxaan ka xumahay xaalada ay ku sugan yihiin ee ay ka soomeen cuntada, waxaan ugu baaqayaa in laga noqdo arintaas sharci darada ah oo sharciga loo soo noqdo, oo loo soo celiyo xoriyadoodii,  kama raali noqon karo in maalin walba saraakiil ka tirsan xisbiga la xidho, arintaas si adag ayaanu uga soo horjeednaa mana aqbali doono. waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa xukuumada inay cabudhinta ka dayso saxaafada, saxaafadu umadday u dhaxaysaa oo sharciga iyo dastuurka ayaa xoriyad siiyay, qofkii danbi gala waa lagu qaadikaraa, laakiin cabudhintu waa sharcidaro, intii xidhan ee saxaafada ka tirsan waxaanu soo jeedinaynaa in xoriyadoodii loo soo celiyo."

Sida oo kale waxa uu xukuumada inay ku shilantay ku tilmaamay arimaha sixir bararka iyo sarifka"Arinta sixir bararka waa ka warqabtaan oo xukuumadu waa ay ku fashilantay talaabooyin ayay sheegtay inay qaadayso laakiin may fulin,waxaanu u soo jeedinaynaa arinta sixirbararka xadhkaha goostay iyo sarifkaba inay talaabo dhakhso uga qaado."

Cabdiraxmaan Cirro oo baaq u diraayay  beelaha ku dagaalmay Sool waxa uu yidhi"Waxaan baaq u soo jeedinayaa dhamaan shacbiga Somaliland ee degan gobalka Sool iyo Ceel-afweyn ee shaqaaqadu ay dhexmartay, waxaan ugu baaqayaa in arinta nabad lagu soo dabaalo, maanta colaad iyo abaar ma wada qaadi karno, labadaba alle haynaga baajiyo, waxaan ku baaqayaa in nabada lagu soo noqdo oo caqligu shaqeeyo, dadkaas walaalaha ah waxii dhexyaala si wanaagsan looga xaalo."

Ugu danbayntii waxa uu musharax Cabdiraxmaan Cirro uu xukuumadda ku dhaliilay arimaha doorashooyinka isaga oo sheegay in aanay qaadanayan mudo kordhin  sadexaad"Arinta doorashada waad ka warqabtaan oo waxay ahayd inay 2015-kii ay qabsoonto, 22 bilood ayaa la kordhiyay iyada oo aan wax cudurdaar ah loo hayn, beesha caalamku arintaas aad ayay uga xumaatay, Kulmiye waxay yidhaahdeen beesha caalamka uma baahnin lacagtiina anagaa bixinayna, sideed milyan ayay ahayd sida la xaqiijiyayna sadex milyan oo kaliya ayay bixiyeen, waxaanu xukuumada u soo jeedinaynaa si ay doorashadu u qabsoonto oo diiwaangalintu u dhamayastiranto oo kaadhadhka loo qaybiyo in lacagtii la bixiyo, umaddu ma aqbali doono mardanbe doorasho dib u dhacda anaguna ma ogolin."