Madaxtooyada Oo Sheegtay In Wada-hadalladii Socday Abuureen Jewi Isku Soo Dhawaansho Iyo WADDANI Oo Sheegay Goorta Lagu Dhawaaqayo Xalka Laga Gaadhayo Khilaafka Doorashada

0
327

WADDANI Oo Shaaciyey cidda Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ka Soo Saaraysa Khilaafka Doorashada Ee Hadda Xalka Loo Raadinayo

Hargeysa (Geeska) – Arbacadii Shalay, waxa markii saddexaad Qasriga Madaxtooyada ku qabsoomay kulan dhex maray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Kulmiye oo dhinac ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI Iyo UCID.

Kulankan oo uu goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiillada Cabdirsaaq Khaliif Axmed, ayaa diirradda lagu saaray khilaafka doorashada.

War kooban oo ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankii Shalay mucaaradka iyo muxaafadku ka yeesheen khilaafka doorashooyinka Somaliland, ay labada dhinacba si rasmi ah u soo bandhigeen doodahooda, isla-markaana la isku soo dhawaaday “Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo Khamiis ahna (Maanta) ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye” ayaa lagu War ka soo baxay Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna War qoraal ah soo saaray, ayaa sheegay in Natiijada Wada-hadallada socda la gaadhi doono Maalinta Axadda ee Toddobaadka dambe “Wada-hadallada u furmay xisbiyada mucaaradka oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ah oo ay dhexdhexaadinayaan labada guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/July/2022 (Shalay), waxaa kulan wada-hadal ah foodda isku daray labada Xisbi-mucaarad ee Waddani iyo UCID oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ahaa. Waxaa dhegaysanayay doodda labada dhinac guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Markii dooddu dhammaatay waxaa labada oday ee dhexda ahaa qabteen ballan kale oo labada dhinac berri isugu yimaaddaan iyo kulanka loo dhanyahay ee Axadda oo la filayo in ay odayada dhexda ahi ku soo saaraan go’aan lagu wada qanco oo gartii la dhegaystay iyo caddaalad ku dhisan, Insha allaahu guul ayay ku dambayn…”

Xisbiga UCID ayaa dhankiisa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka caga jiidayo in wadahadalada laga gaadho is afgarad buuxa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isku khilaafsan doorashada Madaxtooyada iyo doorashada Ururrada siyaasadda ta soo hor-maraysa. Xukuumadda ayaa doonaysa in doorashada Ururradu soo horto, halka Xisbiyada Mucaaradku doonayaan in doorashada Madaxtooyada xilligeeda lagu qabto.

 

Geeska.net/Hargeisa Office